Friday 18 September 2009

DADWEYNAHA SOMALILAND WAXAAN U SOO JEEDINAYAA INAY AANAY KU DHEX MILMIN SIYAASIYIINTA IS ERYANAYA

DADWEYNAHA SOMALILAND WAXAAN U SOO JEEDINAYAA INAY AANAY KU DHEX MILMIN SIYAASIYIINTA IS ERYANAYA


Asalaamu calaykum waraxma tulahi wa barakaatu.

Bacda salaan waxaan doonayaa inaan fikir kayga ka dhiibto xaalada wadanku marayo maanta haddaba waxan usoo jeedinayaa dhammaan ummadda ku dhaqan Soomaaliland gaar ahaan inta gudaha joogta.

Inaan aan ilaalino nabad galyada dalka ,maadama wadanku uu galay xaalad cakiran oo lays mari waayay. waxad ogtihiin in nabaddan lagu caano maalay ku timid dadaal dheer iyo raafaad aad u daran iyo waliba kumanaan geesiyaal ahaa oo naftoodii ku waayay.

Haddaba waxaa wanaagsan in aan xaqiiqada isu sheegno markaad eegto dhinaca xisbiyada waxaa muuqata in aan midna wadankan dan ka lahayn dhamaantoodana waxay u dagaalamayaan siday kursiga u heli lahaayeen, Daahair Riyaale waxa uu wadanka oo dhan siisan lahaa kursiga markay u gudboonaadaan.

Labada kale waa limid waayo taa waxa kuu cadaynaya midna ma ogola in xisbigiisa cidi aan isaga ahayn ka soo baxdo. Kursi kale markuu gaadhono iskaba daa.

Haddaba dadweynaha waxaan usoo jeedinayaa inay iska ilaaliyaan inay ku dhex milmaan siyaasiyiinta is eryanaya oo ay dhamaan tood raacaan mesha ay wadanka maslaxadi ugu jirto.

Abdilahi Ali
derie05@gmail.com

No comments:

Post a Comment