Monday 28 September 2009

MADAXTOOYADA S/L OO WARKII JAMHUURIYA KU SOO BAXAY MAANTA KU TIMAAMTAY DACAAYAD RIQIIS AH.

MADAXTOOYADA S/L OO WARKII JAMHUURIYA KU SOO BAXAY MAANTA KU TIMAAMTAY DACAAYAD RIQIIS AH.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Date: 28/09/09
Warsaxaafadeed
warsaxaafadeed

Annagoo tixraacayna maqaalkii maanta ku soo baxay, wargeyska Jamhuuriya ee
cadkiisu ahaa 3985 kuna taariikhaysnaa 27/09/2009, kuna salaysnayd in
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, lagu qasbay inuu aqbalo
lixdii qodob ee ay soo jeediyeen deeq bixiyeyaaha caalamiga ah laguna soo
afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa, waxa aanu leenahay in
warkaasi uu yahay dacaayad rakhiis ah oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay in
ummada lagu beer laxawsado, lagana been sheego xaqiiqada jirta.
Waxa aan leenahay haddii ay jirto cid lagu qasbay inay ogolaadaan qodobada
lagu soo afjaray khilaafkaa siyaasiga ah ee dalka hadheeyey miyaanay ahayn
axsaabka mucaaridka ah oo iyagu mar walba diidanaa in ay soo fadhiistaan
miiska wada hadalka si dalka looga badbaadiyo khilaaf iyo fowdad ku keeni
karta ummada nabadgelyo daro iyo burbur aan laga oo kaban Karin.

Axsaabta mucaaridku waxay ahaayeen kuwa had iyo jeer warbaahinta u
adeegsada in ay ummada ku abuuraan cabsi iyo warwar ku saabsan in dalku uu
gali doono marxalad amaan daro ah haddii golaha Guurtidu ay kordhiyaan
muddada xilka uu hayo madaxweynaha iyo m/weyne ku xigeenku.
Sida aynu ka warqabno Madxweynuhu mar kaliya muu codsan in muddada loo
kordhiyo wax fara galin ahna kuma samayn Golaha Guurtida oo iyagu u
madaxbanaan in ay go’aanada muddo kordhinta ay u leeyihiin awood distoori
ah.

Mdaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale waa kii ku dhawaaqay in doorasho
bilaa diiwaan galin ah ay dalka ka qabsoonto 27 September, hase yeeshee
waxa taa suurta galin waayey goolaaftankii mucaaridka ee dalka gil-gilay,
dadweynahana u abaabulayey mudaaharaado iyo isku soo bax aynu ognahay
khasaarihii ka dhashay, kuwo kale oo ka sii darana ay damcanaayeen inay
abaabulaan, hase ahaatee Illaahay mahadii taasi uma ay suurta galin,
Golaha Guurtiduna waxay ku amaanan yihiin in ay si waddaninimo ah ay u soo
afjaraan khilaafkaasi, ummadana ay ku soo celiyaan wada tashigii iyo
deganaanshihii ummada reer Somaliland ay ku soo caano maashay

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment