Friday 18 September 2009

FAYSAL CALI WARAABE OO DABAYL XAGAA NOQDAY IYO XISBIGA UCID OO INUU SAQIIRO U DHAW

FAYSAL CALI WARAABE OO DABAYL XAGAA NOQDAY IYO XISBIGA UCID OO INUU SAQIIRO U DHAW

siday ka warqabno waxaa la,yidhaadho taariikhdu iyada ayaa is qorta cid walba waxayka reebtaa Rikdhood weligii meel u yaala tan iyo intii la, aasaasay jamuuiyarada curdin ka ah ee somaliland maalin walba taariikh iyo waayaha cid ina barayey oo ina soo hortaagayey dad badan oo jawiyadoodu inagu cusubyihiin oo mid waliba duruufo gaarah iyo dabeecado gaar ah leeyahay kuwaas oo qaarba waji kusoo galeen muraayada siyaasada dalka taas oo shacabka reer somaliland bartay hadii aan maanta soo qaato gudoomayaha xisbiga sharaf leh ee ucid mr faysal cali waraabe ayaan doonayaa bal inaan ummada reer somaliland dib u yare xasuusiyo soo shaac bixidiisii iyo taariikhdiisa wajiya badan iyo midaboda badan leh taas la, odhan karo waata xisbiga ucid ka naaxi waayey islamarkaana raagaadisay taagtay halkii maalintii lagu yiddhi xisbi baad tahay aanay cidi ku odhan kor oo kaalin qaad hadaba aan u gondo gedo dulucda qoraalkaygan maanta

SOO SHAAC BIXIDII FAYSAL CALI WARAABE

waxaa si toos ah saaxada siyaasada somaliland daaqad kaga soo booday sanadkii labadii 2000 waqti gaas oo somaliland ku jirtay hayaan dheer oo ay ugu digo rogaynayso hanaanka xisbiyada badan xiligaas oo dalka hogaaminayey alle haw u naxariistee m/weyne m x ibrahim cigaal waxaay jiray ururo faro ku tiris ah oo aan markaas wax sharciyad ah haysan oo diwaan gashanayn kuwaas oo uu ka mid ahaa xisbiga ucid waxaa i yana lama ilawaan sanadkii laba kun iyo kow 2001 berigaas oo aad isu qabteen majooratiga salaadiinta iyo mucaarad xoogan oo xiligaa u gadhwadeen ka ahaa mudane saleebaan maxamuud aadan waxaa dhacday m/weyne cigaal waqtigii ka dhamaaday berigaas taas oo kicisay buuqa iyo muranka dastuuriga ee hada jira oo kale islamarkaana is abaabuleen salaadiin faro badani oo dawalada yidhi sharciyadaadi way dhamaatay salaadiin taas oo shir weyn oo mubaarik la odhan jiray ku qabtay magaalada burco shirkaas oo dawladii xiligaas sas iyo qaylo dheer kadhigtay islamarkaan ay guluf ciidan oo shirkaas xidha la soo faray burco kasoo buuxisay taas oo waxba kama jiraan ay ka dhigeen amarkii ciidankaas shacabka reer burco aad u xitiraama salaadiintooda oo loosoo dhaafi kari waayey markii wajigiisii koowaad burco ku qabsoomay waxaa wajigii kale shirka marti geliyey suldaanka awooda badan ee suladaan barre x xuseen oo sheegay inuu gurigiisa hargeisa gogosha labaad dhigi doono waana uu dhigay suldaan barre markaas dawladu weerar ku qaaday salaadiinta intii hargeisa deganayd qaarkood waxaa dhacaday qaar guryahooda kasoo xidh xidho waxaa xiligaas ka badbaaday xadhig salaadiin u badnaa kuw aan hargeisa guryahoodu ahayn ama fadhigoodu kuwaas oo ku sugnaa guriga suldaanka awooda badan ee suldaan barre kuwaas lagu weeraray tikniko oo uu ka difaacay suldanku
hadba waxaan uga jeeda sheekadaa dheer taariikhada hore aan ka soo sheekeeyey beri gaas waxay ahayd waqtigii iigu horeeyey barasha gudoomiye faysal cali waraabe maalihii buuqu taagnaa ayaa waxaa dhacay goor baqro ah inuu mr faysal cali waraabe shir,jaraa,id ku qabtay hotel minsing club hargeisa waxaana aad shirkiiasa jaraa,id aad u weeraray salaadiinta oo ku tilmaamay kuwo duminaya somaliland islmarkaan cadawg somaliland kasoo qaatay qandaraas waxaa ku tilmaamay niman c/qaasim oo xiligaa ahaa m/weynihii kooxda carta inay salaadiintu xidhiidh la, leeyihiin waxaa yidhi ka yeeli mayno duminta dalka waxaana uu yidhi oo kale m/weyne maxamed x ibrahim cigaal wuu ku saxan yahay inuu ciidan tikniko wata u diro guriga ay joogaan nimankaas cadawga ahi waa shir jaraa,id caam ah oo saxaafadu kasoo qayb gashay dhamman ilaa tv waqtigaas aad loo isticmaali jiray SL TV
gelinkii danbe ayuu hadana faysal qabtay isla shir,jaraa,id waa isla yoom yaab badana markii dhalinyaro weriyaal ah oo wada fadhinay igu yidheen kii faysal ayaa mar labaad shir ja,raa,id qabanay markaas ayaan ayaabay oo idhi oo xaguu ku qabanayaa markaas igu yidhaadeen hotel xaraf garo akhriste mudane faysal shirkiisii jaraa,id ee hore na waxaa ku qabtay hotel minsig club hargeisa qofkii arkay hargeisa ama tegay wuu garanayaa labada hotel oo wado kelia ayaa u dhexaysa waxay isu jiraan shan talaabo kasoo gudub mr faysal hadakiisii shirkaas jaraa,id ee dabe waxaa uu ku bilaabay sidan
m/weyne cigaal xaq uma leh inuu salaadiin beelaha nabada kasoo shaqeeyey ee isaga soo doortay kaareyaal dulgeeyo kana yeeli mayo inuu weerar qaawan ku qaado salaadiinta oo ah tiirka somaliland ku taagan tahay isaga waqtigiisii wuu dhamaaday dalkana waa inay salaadiintu badbaadisaa oo xalkeenaan ilaa awelba cigaal iyagaa keenaye ciidamada cigaal ku amray soo qab qabta salaadiinta waxaa leeyahay ha yeelina amarka cigaal ee faashilka ah weriyaashii shirkaas jaraa,id duubaye way yaabeen oo fajiceen ninkan masuulka sheeganaya ee maalin laba deedii gelin mid wax ku hadlay waanay iskaga soo bexeen markii hadalkiisii uu dhamaystay iyaga oo an wax su,aalo ah weydiin oo filayo malaa nin waraysayaan xiskiiba ka shakiyeen
waxaa dhacaday warkii habeenkii SL TV lagsiidaayo labadii war oo isku xiga islamarkaana wareyska sharafta badan ee jamhuuriyo uu kusoo daabaco hal cadad oo hal maalin soo wado baxay taas o fajac iyo amankaag ku noqtay cid kasata oo maqashay ama aragtay waa dhacdo yaab leh aniga xasuus gaar ii ah hadii taas kagudbo arinkaas hore

markii doorashadii madaxtooyada somaliland sanadkii laba kun sadex 2003 markii lagay iyada oo tirin codadku socoto ayuu faysal cali waraabe yidhi oo warbaahinta u sheegay doorashadii kulmiye helay hadalkaas oo goobtii uu ka lahaa cid weliba joogtay waxaa hadana geilnkii danbe yidhi udub baa heshay doorashadii arinkaas oo aniga shiqsiyan aan i gelin wax dareen ah maadama aan faysal warkiisa hore ii soo maray waana dhacdo cid walba u sawiran waxaa jirtay maalintaas faysal cali waraabe lahaa gelin kii hore kulmiye ayaa helay inuu u tegay axmed siilaanyo oo ku yidhi adiga ayaa helay axmedoowe aniga hada ii balan qaad waxaad isiinayso isaga oo dalbaday inuu siinaalyo siiyo 100,000 $ oo doolar oo kaash qadin iyo labo wasiir oo mid isaga loo magacaabo kuwaas oo kal ah wasiirka arimaha debeda iyo wasiirka maaliyada arinkaas oo siilanyo kaga jawaabay horta kommishanku haku dhawaaqo natiijada waxaa la, sheegay berigaas markii dabe riyaale siiyey 70,000$ oo doolar ka mid ahayd lacagtii la siistay dhuumihii berbera ee shidaalka soo qaadi jiray ee djabouti laga iibyey taas oo ku kiliftay inuu kaco cayd iyo aflagaado uu gambadh ugu fadhiisto xisbiga aan waxba ka dhexayn ee kulmiye

markii doorsaha wakiilada gala soo noqday gollihii la soo doortay waxaa markii shirgudoonka asxaabta mucaaaradka ahi ku heshiisay inay qaataan shirguudoonka gollaha gawkiilada weliba xisbigiisa lagu yidhi soo xulo nin gudoomiye gollaha ka noqon lahaa ee uu keenay c/raxaan ciro habeenkii kumliye soo bandhigay labada ku xigeen shirgudoonka wakiilada waxaa habeenkaas ku tiraabay hadii aan moodayo inuu kumliye c/casiis samaale naga dabo keenayo maanyeeleen waxaa la sheegay oo hadalkaas uga dan lahaa oo ka keenay iyada oo maalinimadii looga gacan haadiyey madaxtooyada oo had iyo jeer fariin usoo farta wasiir hawlaha guud mudane siciid sulub waayo c/casiis ujeedo kale kuma cunayn ilaa ciro ka sareeya ayaa ucid ah oo la siiyeye
waxaa loo arkayey mar marsiinyo uu ku rabo inuu heshiiskii laba xisbi ka baxo taas oo ay jaanis siin waayeen xildhibaanadii kow labaatanka ahaa oo badankoodu markooda hore aanay ku qanacsanayn qaabka siyaasada ucid faysal marajaa u hayo ee gelinba meel joogta
hadana waxaa dhacaday markii dahir riyaale waqtigii ka dhaamaday sanadkii labo kun iyo sideed 2008 ka hor intii aan guurtidu sanadkii xaaraanta ahaa u kordhin uu ku cel celin jiray daahir riyaale waqtigiisii wuu dhamaaday hadii guriga oo bixi waayo anigaa dabada uga dhacaya sida ciyaalka oo soo saaraya taas hadana la ogaa markii guurtidu kordhisay waxaa ku tiraabay
somaalidu waxay tidhaada mayd maxaa ku beeyey iyo ka lasii sido dalka nabad ah oo aanu buuq jirin ayaa koomishaka fashilmay bilaabeen dhibaatadii buuqa dhalisay waxay laaleen iyaga riyale kula heshiiyey lacag iyo laaluush soo mijo xumaaday taas oo markii hore aanu kala jacayl xisbiga kumliye in diwaan gelin lagu galo iyo in kale waayo kulmiye wuu arkaa inaanu helayo doorashada hadii suurtagasho doorasho noocay noqotaba balse riyaale qorshaha laalista diwaangelinta uu uga jeeday laba arin oo kala ah ku shubasho riyo ah dib uridis doorasho oo uu mudo kordhin ku rabo
mr faysal ayaa af labdii yeedhay kasoo kacaay diwaangelin ayuu riyaale laalay interpeace buu dalkii ka saaray siilaanyo nairobi kadabo tegay labada xisbi hala mideeyo oo mowqif aynu iska wada taagno ariman kumliye iyo siilaanyo faysal way yaqaanaan laakiin waxay is yidheen malaa qorshan qaldan ee riyaale sameeyey faysal doorkan alle ayaa isaga tusaye raac maadama aad idnku tihiin rag iyo xisbbi mawqif leh xoojiya waanay raaceen inaan la gelin doorsho bilaa diwaan gelin ah gudi bay wada smaysteen labada xisbi ka kooban afar toban xubnood kuwaas oo loo xilsaaray hawlaha dalka waqtigan
hanada faysal dayn waa kan dhoobo waqaalay waxaa ka horyimi dastuurkii uu lahaa riyaale ayaa jibyey waayo waxaa laysku hayaa waqtiga m/weynaha dhamaadka ah qiyaamoyinka qaran m/weynuhu galay waxaa jira qodob dastuuriya odhanaya hadii m/weynaha iyo kuxigeenkiisa hal mar wada dhintaan sida shil kuwa habsday iyo hadii ay hal mar is wada casilaan iyo hal mar maamuuska xayuubin la saaro waxaa xilka m/weynaha qabanaya gudoomiyaha gollaha guurtida oo mudo lixdan cidho ah doorasho gaadhsiinaya dabcan xuukmada maanta jirta qiyaamo qaran ayey cagaa kula jirtaa waayo tiroba laba jeebaa loo kordhiyey cidka keliya xaqa u leh inay dalka doorasho gaadhsiina waa shirgudoonka guurtida waa yaabe faysal miyaanu axdi xidha lahayn miyaanu dastuurka aqoon oo akhriyin
waxaa wax aad looga naxo ah nin weyn oo heer madaxweyne u taagan saacad walba na wax ku hadlaya halkan iyo qoraal kuma soo koobi karo hadlada dabayl xagaada ah ee faysal cali wabaare ee lahadhay xisbiga ucid
waxaana aan ugu baaqyaan madaxda ku jirta xisbiga ucid gaar ahaan labada nin ee anigu ka aqaan uguna magac dheer ee dadku yaqaan reer somaliland ee kala ah aadan maxamed mire waqaf iyo xasan xuseen codyare inay tub cad oo dad reer somaliland ku ogyihiin kusoo dabaalaan islamarkaana ninka gudoomiyaha ah ee sida cismaan hindi sheegay waxaa uu habeenkii ku casheeyo ilaawaya inaad aamusaan oo idinku hadashaan hadii kale oo xisbigu yahay mid faysal u xidhan na aad shafarta raacataan laba xisbi ee kale uun mid gashaan ama siyaasadaba ka baxa bilaahi calayk oo xitaa hadii aad wax kale qaban kari weydaan raali gein ka bixiya hadlkii wax u dhimayaa midnimada axsaabta mucaaradka ah ee dalka waayo berigii hore kulmiye isagaa ucid wax usoo jeedin jiray laakiin hawasha taal ucid baa soo jiidisay taasina waa ayaan daro hadii ucid wixii usoo jeediyana kabaxo balanka hadii loosoo jeediyana kabaxo waa masiibo qaran oo ku habsatay dheeli tiraanta asxaabta qaran oo mid baaralays noqday iyo mikirifoon nin keliyii ku hadlo
waxaa kale oo faysal cali waraabe u sheegayaa ucid inuu arko xisbi ummmada rajo ka leedahay oo lagu xisaabtamyo balse aanu arkin dukaan masaariif in laga soo saaro u baahan oo daqli laga doonyo oo maalinta riyaale 50,000 $ ama 70,000 $ lasiiyo riyaale dabo orda maalinta askartu abaabka furiweydona siilaanyo iyo kumliye ka hoos ooya arinkaas oo ah ka sababay itaal darida ka muuqata ucid iyo xitaa ay kala hadfeen kow labaatankii xildhibaan ee ucid kasoo baxay oo laba xisbi ee kale u kala goosmay markii aad ku noqatay masciideed iyo jirjiroole midabyo badan rag waxaa kuugu danbeeyey gudomiyaha g/wakiilad isaga xalay baad cuntay oo kala xabaal seegte alle ayaan ku dhaarshee waxaad adigu qiimaysaa faysal ahaan hadalkaa sadex cisho ka hor aad dad ku lahayd iyo kii xalay miyaanu u marqaati furayn nin ugu afgaaban siyaasda udub ee cismaan hindi hadalkii uu kuu ugu yidhi faysal wax kasoo qaad maleh oo waa nin ilaawa wixii uu xalay ku casheeyay subxan allah bal dib u eeg habeen afraad intaas qudbadood oo aad jeedisay ilaa todabadii sano ee aad hogaaminasay ucid oo is wada burinbya ee laga siidaayey TV UDUB
mudane gudoomiye faysal miyaanad horta is dhegaysan waxaad ku hadsasho mise waad iska tidhaada oo iskaga tagtaa miyaanad ogayn in dadku sidaas kuu eegayo dad gudo iyo debed wax kugu qosla iyo wax kula yaaba yihiin mise waxaad ku hadashay waxaad ilowdaa markaa habeenkii xaaji cabdi waraabe maayar jiriin lagugu soo dhiibo qadhiidhka xaaranta ah

TALO UCID IYO CIDII DANAYSA KU SOCTA Wednesday, 18 September 2009
waxaan idin leeyahay kolley xisbigaas anigu ma aqaan dad ku jira dankiisa laakiin gudoomiyihiinu waa ka sabab kortaan la, aan xisbiga ee waxaa hoostiina ka socda ogaa malaa dukaan lagu qadhaabto ayaa faysal ucid moodaye

waxaa diyaariyey
c/qani ismaaciil maxamed foodcadde
foodcadde2004@hotmail.com

No comments:

Post a Comment