Tuesday 29 September 2009

DIRSOOC GABAY DABA SOCDA DOODII (HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE ANIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYA)

DIRSOOC GABAY DABA SOCDA DOODII (HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE ANIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYA)

DIRSOOC GABEYBY Mohamud Mohamedfarah-maxamuud
Gabaygan waxa tiriyey Faarax Maxamuud Maxamed oo ah nin qoraa/gabyaa ah degganna Virginia, USA. Gabaygan waxa uu Faarax kaga qaybgelayaa doodii(HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE ANIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYA)ee Barkhad Xaaji Cabdi (Mr. Gabooye) soo bandhigay ee ku saabsanayd DIRSOOCA iyo TAKOORKA soo jiraaga ah ee beelaha Gabooye lagula dhaqmo.

DIRSOOC GABEY

1) Nin dood jecel maan ahayn
2) Afkaygana waan dabraa
3) Wixii ila doonta buuq
4) Daandaansi anoon jeclayn
5) Ayaan ku dayaa wanaag
6) Hayeeshee doodan furan
7 ) Gabooye raggaas ku duulan
8) U diiday xaqooda daahay
9) Dagaal u badheedhay duudsi
10) Inaan daalacan runtii
11) Wixii rabbi iigu deeqay
12) Deeley gabay dood qayaxan
13) Waxaan dembi iga gelayn
14) Sidii danab roob ka dhacay
15) Inaan ku deyaamiyaa
16) Damiirka wanaagga iyo
17) Dareenkaygaa i-yidhi

18) Nin baa beri raacay dooni
19) Badddaas buu darafta gooyey
20) Duulaanku halkuu ku waday
21) Meeshii damaciis ahaa
22) Dantiisa ma uusan sheegin
23) Dabaylaa lagu saliday
24) Darbaalkii doonta waday
25) Ayaa dacalada ka jabay
26) Habeen baa soo dig yidhi
27) Cirkii diriraa onkoday

28) Duufaan xooglaa gilgilay
29) Halkii naftu doorbiddiyo
30) Dariiqii baa ka lumay
31) Wuxuu yidhi daayinow
32) Naftayda dawaarka saaran
33) Haddaad iga deyso caawa
34) Xabaasha i-doonanaysa
35) In aan u ahaado daacad
36) Daliilkaagii quraanka
37) Digniintii aad i-siisay
38) Ayaan walle kuugu duugay
39) Waxbaa dusha uga dhawaaqay
40) Codbaa dhegihiisa daaray
41) Digniin weynbaa la siiyey
42) Waxaa lagu yidhi dubboow
43) Ninyohow dawakhee lunsani
44) Dardaaran marbuu ahaa
45) Haddii daad soo rogmado
46) Dixdiyo daafaha gediyo
47) Ninkii deriskiisa yaal
48) Dadkiyo duunyada u taal
49) Haddaanu ka daadgurayn
50) In uu nafta daayacoo
51) Xabaal dawgeeda tegay
52) Miyaa laga doodayaa

53) Dantaada adaa dayacay
54) Adoo dulin kugu maqnaa
55) Naftaadoo daaqad saaran
56) Daluunta ka sii dhacaysa
57) Haddaad janno daahirkeeda
58) Ifkood beryo sii dawaaftid
59) Ilaahay ka doonay maanta
60) Dammiin baad tahay malaa
61) Dantiisaba aan ogayn.

62) Wixii dood lagu saleeyo
63) Wixii deganaan astaan leh
64) Deelqaaf hadal aan lahayn
65) Anoo ku dabraaya sheeko
66) Gabooye maxaad ku diiday
67) Maxaa dusha looga saaray
68) Dunuubtaas aanu gelin

69) Digtoorka dabiibka kuu ah
70) Ducaysane diinta dhiga
71) Daryeelka dantaada wada
72) Ka daahan dulmiga xumaan
73) Intii daabaqad la saaray
74) La yidhi duulkeenna maaha
75) Daliilkiisaan rabaa

76) Tusaale haduu wax deeqo
77) Hadduu kaa daadegaayo
78) Daliil kale aan idhaahdo
79) Kuwaas deriskaaga yaal
80) Dabkiyo xaabada ku siiya
81) Dugaagga sidiisa weerka
82) Inaad daahyada ka rogatid
83) Ku doodid in uu duloobay
84) Dantaadaa kaa fogaatay

85) Gabooye ha diidin daaso
86) Dadkaaga dirkiisa weeye
87) Duleedka hadaad u tuurto
88) Duntaada ayaad fogeysay
89) Duugtaada ninkii lahaa
90) Ayaad daw deer ka tuurtay

91) Haddaan lagu diidin midabka
92) Diintoodu ahayn mid daalin
93) Maxaa dusha looga saaray
94) Waxaan dumadoodu qaadin

95) Doofaarka kuwaas dudubiya
96) Diirkaaga nin aan jeclayn
97) Hadduu gabadh idinka doono
98) Dammaashaad baad dhigtaan
99) Durbaankaad qaadataaan

100) Intaad derajada ka raadin
101) Ninkaas dunjigaaga neceb
102) Daayeerka ku raacshey haybta
103) Hadaadan dammiin ahayn
104) Walaalkaa maad disheen
105) Dantaadaad garan lahayd

106) Tusaale haduu wax deeqo
107) Hadduu kaa daadegaayo
108) Daliil kale aan idhaahdo
109) Haddii aqal daahyo weyn
110) Daroortu halkay ka timi
111) Haddaan duur lagu gufeyn
112) Biyaha derintaada yimi
113) Dushaadaay qoynayaan
114) Shishaay kuu dilanayaan
115) Ninkaan ka diqoonin ceebta
116) Wixii dulin loo arkaayo
117) Ka daaficin ruux dulmiyan
118) Dadnimadiisaa daciifa
119) Wax doodina uma banaana

120) Tusaale haduu wax deeqo
121) Hadduu kaa daadegaayo
122) Daliil kale aan idhaahdo

123) Haddii awr uu diboodo
124) Dareemada uu cunaayo
125) Waraabaha darafta jooga
126) Digtoonaan hadduu ka waayey
127) Inuu dooxdaa u badan
128) Dareenku qofkii damiir leh
129) Dadnimadiisuu saxaa
130) Haddaad tahay dawdar falan
131) Amaan hadal kugu duxayn
132) Dameer lumay kama duwanid

133) Ilaahay wuxuu dardaarmay
134) Wuxuu diintiyo quraanka
135) Ku sheegay daliilka gaara
136) Ninkay kuba doogi weyday
137) Halkuu damaciisu geeyey
138) Dib buu uga aayayaa
139) Duulaanada uu ku qaaday
140) Dadkiisa ilahay doortay
141) Dambaabidhii cadaabta
142) Halkii dabka lagu ogaa
143) Inuu degelkiisu noqon
144) Ma daahbaa inaka saaran

145) Ilaahbaa doorshay ruuxa
146) Xaaqoo daalacan u muuqda
147) Intuu daasado u qaatay
148) Daboolna u raadinaaya
149) Gabooye dadkaaga weeye
150) Maxaa dembi looga geli
151) Dad iyo duul wada dhashoo
152) Duntoodu hal meel ahayd
153) Ninkii yidhi waa dirsooc
154) Daliil anigoon u ahayn
155) Ayaan dedafaynayaa
156) Ilaah baa kaa dambeeya
157) Daluun aakhiro markii
158) Dugsoon hogobkaan lahayn
159) Dirxigu darabtiisa cuno
160) Lafaha uu dan uga kacay
161) Aboorku dushooda diirto

162) Daboolka kuwii ku saaray
163) Ducada dadka kuu akhriyey
164) Dulmiga hore kuugu maqan
165) Nin daahiray kaama dhigo

166) Tusaale hadduu wax deeqo
167) Hadduu kaa daadegaayo
168) Daliil kale aan idhaahdo
169) Ilaahay wuxuu u diiday
170) Dadkuu ku abuuray uunka
171) Ninkii daawaha u qaatay

172) Dubiyo daab gudin la dhacay
173) Dardaaran halkaan ka joogo
174) Anigu doodaan ka idhi
175) Waxaan dembi iiga raacin
176) Xaqii laga wada dul booday
177) Sidii duhurkii dharaarta

178) Ayaan dadka ugu iftiinshey
179) Digniintana waan u sheegay
180) Ninkii dogobada cadaabta
181) Dhankooda u sii durkaaya.
By Mohamud Mohamed – Virginia, USA.

Email: farahmohamed@somalimedia.com)

No comments:

Post a Comment