Wednesday 23 September 2009

DHAQANKA IYO HIDDAHA QALINKII SICIID XUSEEN

DHAQANKA IYO HIDDAHA QALINKII SICIID XUSEEN

dhaqan

Dhaqanka iyo Hiddaha

Qaybta Iskaashiga bulsheed haddaan ku bilowno,Dadka Soomaaliyeed waa Dad Dhaqan iyo Hiddo soo jireen ah leh oo aan marna khilaafayn shareecada Islaamka in yar oo aqoon aanay Islaamka u lahayn mooyee,taasina waxay kuu caddaynaysaa in Soomaalidu la da’ tahay Islaamka,waayo cid soo helaysa magaca Soomaaliyeed Islaamka ka hor,Dhaqankuna haba yaraatee wax aan Qabyaaladda ahayn ma jiraan,xataa ciyaar dhaqameedda marka habluhu ciyaarta boodayaan,lama arko wejigooda mana dhaqdhaqaajiyaan xubnohooda xasaasiga ah,luga iyo jaanta ayay la eegtaan nidaamka goyntiisa ee xeerka ciyaarta ah,taasi waxay ka marag kacaysaa,dhaqanka ku xidhan diinta ee haddaad Aduunkoo dhan soo marto Ciyaar dhaqameedkoodu uma asturna uma xushmaysna sida bulshadan Soomaaliyeed,Haddaba haddii aan Soomaalidu ceeb kale lahayn oo aan ahayn Qabyaaladda waxa is weydiin leh maxaa sababay xagayse bilshada uga timi,waxa cad in dabeecadda Deegaaneed oo ahayd baadiye ayaa hantida iyo Xoolaha oo la kala dhaco,iyo Daaqooda ama waraabintooda ee Ceelasha inta badan dadku isku jiidhi jireen,Diintana Culimada oo aad u yarayd oo cilmiga meelo fogfog u doonan jirey,waqti badana ku maqnaan jirey,isla markaana Kutubta oo aan si fudud loo heli jirin,Haddaba dadka ama bulshadani waxay ku noolayd is kaashi bulsheed oo inta badan Deegaanku xadidi jirey waayo bulshada meel wada degan xataa hadday kala qolo tahay way iska kaashan jireen wax kasta oo nolosha baahideedu keensanayso,sida Sahanka,Waraabinta xoolaha,Safarka ama Raashin raadiska benderka ama magaalooyinka loo safro,Aroosyada,Marti soorka iyo Aaska.

YARAD:Guurka dhaqan ahaan Wiilka waxa laga rabaa oo Gabadha reerkooda uu siiyaa Yarad oo lagu qiyaaso tiro Halo ama Geel ah inta badan Aabbaha waxa ka taageera oo la bixiya Qoyska intiisa kale,waana iskaashi dhaqameed.

KAALO:waa xoolaha Reerka cusub loo samaynayo oo Aabahu xooluhuu u saaro mooyee Qoysaska kale min neef u bixiyaan taas oo u suurta gelisa in uu muddo gaaban Reer xoolo leh ku noqdo,taasina waa iskaashi dhaqameed.

DHIBAAD:waa xoolaha la soo siiyo markay Gabadhu reerkooda u tagto oo Awr loogu soo raro waxyaalaha guryaha lagu dhisto sida Cawsaska iyo Kebdaha ..iwm

GABAATI:waa xoolo ka horeeya Yaradka oo Sooryona la yidhaahdo oo inta badan waqtiga meherka la bixiyo

MAG AMA DIYO:waa mag la bixiyo haddii qof la dilo oo sida Kitaabku dhigayo lagu qiyaaso iyadoo xaqluhu wax ka saamaxo mooyee.

JIFI: waa xoolo ka mid ah MAGTA oo la sii hor bixiyo.

DUMAAL:waa marka uu dhinto nin xaas lahaa,waxa si Caruurtii loo ilaaliyo inaanay dayacmin dhaqan ahaan la sameeyaa Gabadha waxa guursada ninkii dhintay walaalkii,taasi waxay badbaadinaysaa Caruurtii oo Adeerkood ayuun baa meeshii yimi una arka Caruurtiisii oo kale waayo walaalkii baa dhalay,tani waa waxyaalaha aan kaga sarayno Bulshooyinka kaloo dhan waa dhaqan cilmiyaysan oo aan wax loo dhigo la helayn.

XIGSIISAN:waa marka ay geeriyooto Gabadhii la qabey ,ka dibna ninkii gabadhu ka dhimatay waxa loo guuriyaa Gabadhii dhimatay walaasheed,taasoo lagu ilaalinao Caruurta yaryar inay Habaryartood helaan oo sidii hooyadood u xannaanaynaysa una daryeelaysa halka naag kale karhayso oo odhanayso maxaa dhibtooda ila soo galay! Sidoo kale waxa la ilaalinayaa labadii qoys ee xididka ahaa inaanay kala fogaan oo sidii isugu sii xidhnaadaan,bal u fiirsada xikmaddaa xeesha dheer ee Hiddaha iyo Dhaqanka bulshadani u leedahay,waa is kaashi iyo wax wada qabsi cilmiyaysan.

GARTA:waxa maxkamad u ahaa in geed iyo golr la isugu yimaado oo arrintii gorfayn u baahan,ama cid is haysato oo la kala saarayo ha ahaatee waa laga gar niqi jirey,oo la iska ilaalin jirey eexda iyo gar cadaawaha,taas ooy dadka qaar ku can baxeen garyaqaanimada iyo cadaalad xukunka sida ninkii la odhan jirey Ina sanweyne,oo soomaalidu waxa ay u aragto inuu sax yahay weji kalena qaadan Karin waxay yidhaahdaan Ina sanweynena u gee waa sidaa arrinku,Maahmaaho badanna waa laga yidhi sida GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO,iyo

GARI ILLAAHAY BAY TAQAAN iyo kuwo kalo badan.

WARAABINTA GEELA:inta badan waxa geelasha lagu waraab geeyaa ilaa muddo 15 maalmood ah celcelis ahaan waxana loogu yeedhaa ama lagu magcaabaa KAL yaci geela Kalkiisu waa 15 maalmood,markaa galkiisii waa galay baa la yidhaahdaa yacni wuu gaadhay,markaa inta badan Ceelasho waxay ahaan jireen kuwo dhib badan oo ilaa dhawr qof is taxaan ka gudaha u gala ka sii gudbiyaan wadaanta biyaha lagu qaadayo,inta badana waxa ku kulma dhawr geel taasi waxay keentaa raggii geelasha waday inay is bahaystaan oo iskaashadaan hawshana wada galaan taasoo u suurtagelisa degdeg iyo hawl fudayd,waxana inta badan la isku dhaafiyaa dareenka hawsha Hees hawleed oo dhaqan loo lahaa isla waqtigaas gudihiisana waxa dhalinyartaasi ku sameeyaa hees hawleeddo cusub.

GAADIID CELIS ama AWR QAAD:waa mara reer miyi deggan oo beeshuu la degganaa meel kale doonayso inay u guurto oo aan gaadiid ama wax uu ku guuro oo ku rarto guriga aanu haysan siday doontoba ha u dhacddee,markaasoo kale dadkii la degganaa ayaa markay guuraan u soo celiya gaadiid ay ku guuraan taas baa la yidhaahdaa Gaadiid celis ama Awr qaad,

Mana dhacdo suurta galna maaha in reer meel uga guuri kari waayo gaadiid la’aan waayo dhaqanka Ummadda ayaan ogolayn oo ku dhisan iskaashi.

QOYSKA:waxa jirta waxayaalaha aan kaga sareyno Afafka Aduunkoo dhan Magacbixinta Qoyska iyo waxa la isu yahay,Afafka kale waa meelaha aan kaga sarrayno,metelan:Aabbe,Hooyo,Walaal,Adeer,,Eeddo,Awoow(e)(o)(Hooyo)(Aabbe),Ayeey(o)(Hooyo)(Aabbe),Ina-adeer,Abti,Ina-abti,Habaryar,Habarwadaag,Aaye(Aabbe)(Adeer)

Dumaashi,Seeddi,Soddoh,Soddog.

Waxa fiiro gaara mudan Caruurta ay Eeddo dhasho waxa loo yidhi ina-abti(ilma-abti),taas waxa keenaya dhaqanka waayo Aabbaha ayaa lagu abtirsadaa markaa lama odhan karo ina-Eeddo,waxa meesha imanaysa miyaan Aabbe dhalin,Aabbihii meeyey!sidaas awgeed ayaa Abtiga oo isku in ay u jiraan ilmaha loogu yeedhay,ina-abti(ina-abti Eeddo iyo ina-abti Abtigay)

Ayaa loo sii kala saaraa,sidoo kale carruurta Eedadaa dhashay iyaga Abtigood baa ku dhalay oo ilma abti bay ku odhanayaan.

Haddaba bal aan eegno Afka Ingiriiska oo Aduunka haysta:ma laha awoodda afkeenna oo kale oo iyagu magac go’an uma hayaane waa sharxaan inta badan marka laga reebo Aabbe,Hooyo iyo Walaal,inta kale waxa la socda ama LOW,iyo STEP ,oo marka xil iyo sharcigu metelan isu keenay waxa la isu noqonayaa Aabbe sharcigu keenay,Hooyo sharcigu keenay inaguse Soddoh ayaan odhanaynaa si hawlyar halkay ka odhanayaa Mother-in-low,halka aynu Aaye ka odhanayno waxay odhanayaa Step mother,Hooyo wax xoogaa kuu jirta ilaa talaabada kale,Adeerka iyo Abtiga Uncle baa loogu wada yeedhaa,Eedada iyo Habaryartana Aunt baa loogu wada yeedhaa,wax alyaale wixii hoos ama kor noqda waxa la raaciyaa GRAND sida grand father,grand mother,grand child…iwm. Dhaqanka iyo Afkuna waa is wadaan oo Afka waxa lagu tilmaamaa Muraayadda ama Tusaha Dhaqanka.

Dhaqankeennu waa qaali waxanu ku dhisan yahay iskaashi cilmiyaysan,waxa halkaa inooga soo baxaysa:.

IN SOOMAALIDA DHAQANKEEDU WAAFAQSAN YAHAY DIINTA ISLAAMKA INTIISA BADAN.

IN DHAQANKEENNU KA SARREEYO DHAQANNADA INTOODA BADAN AMA DHAMAAN.

IN DHAQANKEENNU KU DHISAN YAHAY ISKAASHI IYO WAX WADA QABSI(wax wada qab waa aad)

IN LAGA DHEEGAN KARO HALKAA IN SOOMAALIDA CIMRIGEEDA IYO DA’DEEDU KU SIMAN TAHAY WAQTIGII ISLAAMKU YIMI

Waxaa wadan kasta laga helaa dhul marka baadhid lagu sameeyo laga soo saaro waxay hore u adeegsan jireen innaga Taariikh ka horeysey Islaamka lama hayo,Dad Culimo ah oo Diinta fidinyeeda u yimi Dhulkan ayay ka tegi weyday,Afkeenna oo ilaa 50% ama 75% waa Af carabi,dadkan oo taariikhda madaxa ku haysatana(oral society) sidaasay sheegaysaa.

Ummadda soomaaliyeed Dhaqankeeda iyo Afkeeduba waa Qani oo waa Hodon Afafka Aduunka biyo looma cabbo marka laga reebo Af carabiga oo marka la isu eego meelaha Afsoomaaligu ka horeeyo iyo Af carabigu intuu horeeyo ka carabigu badanayo,haddaan tusaale kaa siiyo meelaha Afsoomaaligu luqadaha Aduunka kaga sarreeyo:

Magac u yaalka Innaga iyo Annaga,Af soomaaliga keliyaa kala saara Annaga haddaad tidhaahdo qofkaad la hadlayso debedaad hadalkaa uga saaray yacni kuma jiro,haddaadse tidhaahdo Innagu qofkaad la hadlaysaa wuu idinku jiraa,Ingiriisku WE ayuu wada yidhaahdaa,halka Carabiga NAXNU keliya ay ka tahay.

Fal amarka qudhaalaha ah:sida Maydho,Maydha,Nadiifso,Nadiifsada,Qoro,Qorta…..iwm falalkan Afna lagama heli karo,Ingiriisiga waxad mar kasta ku daraysaa FOR(you),caribigana (LI) ayaad raacinay markaa inay u soo dhowaadaan macnihii mooyee sida soomaaliga ma aha wax qeexan,waxa jira meelo kale laakiin waa in lagu niyad samaadaa in illaahay inoogu deeqay waxyaalo fara badan oo islaamku muftaax u yahay ee aan shukri naqa badinno oo Cibaadada adkayno.

Maahmaah dhaqameedkeenna diiniga ah waxa ka mid ah:

Sabraa sadkii hela

Alla aammin ma iisho

Nin alle yaqaan looma dardaar weriyo

Nin Illaahay wataa weheel uma baahna

Iyo kuwo kaloo badan,markaa dhaqankeenna qaaliga ah inta khaladka ku soo gashay aan ka saxno ogaanona in uu Dhaqamo u sareeyo.

As/w/w
Saeed Hussein

No comments:

Post a Comment