Wednesday 23 September 2009

Ujeedada ka Dambaysa Diidmada Isdaba-Jooga ah ee Madaxda Xisbiga Kulmiye

Ujeedada ka Dambaysa Diidmada Isdaba-Jooga ah ee Madaxda Xisbiga Kulmiye

kulmiye

September 23, 2009
Ujeedada ka Dambaysa Diidmada Isdaba-Jooga ah ee Madaxda Xisbiga Kulmiye

Danbiiluhu wuxuu had iyo jeer isku dayaa in u daboolo danbiga u galay, dafiru illa inta u dafiri karo. Madaxda Kulmiye waxay raadi yaan sidii ay ula wareegi lahaayeen xukunka wadanka, hase yeeshe mahayaan habkeedi. Diidma qayaxan (Vito) een sharciyasnayn, xoogna ka dambayn ayey ku daaliyeen xukuumada wadanka iyo ummadaba. Sababaha ku kalifay diidmada qayaxan way badanyihiin. KOW: Haddii ay nabad ka talis, sharci adeegsi, ixtiraam, iyo doorsho xalaal ah oo nabad ah ay wax ku raadsadaan waxay ugyihiin inayana soo baxayan.

Markaas waxay danmoodeen sidaa mahmaadani tilmaaysu: Habar dhaliwayday aleelo ku waalatay.

TA LABAAD: Waxay xalmoodeen isku dir, kala qaybin, modaaharaadyo, sharci la’an, degasysi la’an si aanay u suurtoobin doorasho iyo aqoonsi. Dimashada iyo dilka fooshaxun ay sababeen arimahaasi waa kuwu madaxda Kulmiye lagula xisaabtami doono, taarikhdana u geli doonta. Waxay waxaas oo dhan u samaynayaani waa KU QABSO KU QADIMAYSIDE. Hase ahaatee, way is fashiliyeen oo gurcud iyo cidlay gudayaan.

TA SADDEXAAD: Marka la rogrogo arimaha ay ku kacayaan, waxa cad in ayna kulaba rabin in ay Somaliland gooni isu taagtu. Maxaa yeelay, madaxda Kulmiye lama garan waxa ay rabaan. Waxay kaga go’day arini: MAXADWEYNE RAYAALE HA IS CASILO. Rayaale kacan tag iyo kala qaybin kuma imayn. Ummad ayaa soo dooratay iyaguuna ka sugayaa xal. Haddi madaxda Kulmiye ay dhegaysanwaayeen talooyinka, oo ay iska dhega tireen distoorka iyo sharciyada u dhigan Golayaasha, ma waxa lagu maamula Remote Control, ayaase ku maamula? Jawaabtu waa: Inter Peace.

Hay-adani waa hay-ad u hoggaasan dana guud ee qarbiyiinta. Meelaha ay gaadhi Kari waayeen hay-adda ah basaasidda ee qarbiyiintu iyo kuwa kale ee samafalka ah ee hay-addaha basaadidu ku soo dhex dhuuntaan ayey Inter-Peace uga adeegtaa. Markaas madaxda kulmiye ma dad lagu soo dhex darsaday Somalilandbaa, misse waa dad inga mid ah oo u damqanaaya ummada Somaliland? Falalka ay ku kacayaani waxay tusayaan in ayna inaga mid ahayn, damqashana u lahyn dadkeena iyo dalkaba.

TA AFRAAD: Waxay madaxda Kulmiye ilaaween wixii loo abuuray ururka iyo talooyinki lagu dhisay. Uruka waxa la afduubay markii shirka lagu qabtay Burco ee lagu doortay kuwa u ordi doona madaxweynaha iyo ku-xikeenkiisa. Intaa ka hor Kulmiye wuxu ahaa xisbi qaran oo ka taliya danta ummada iyo dalkaba. Wuxu ahaa xisbi og wixii ina soo maray iyo halkaan u socono iyo marxalada adag ee fooda inagu soo haya. Hadda xisbiga Kulmiye waxan u malaynayaa in u ka tegay qaran. Somaalidu waxay ku mahmaadaa: Ficil habartaana uu kuu keeyaa. Markaad naqotid islawayn, circa iyo dhulkana kala haya oo iksu haysta isaga la’aantii inayna waxba suurtoobayn, waxan u arkaa waali.

TA SHANAAD: Waxay ku talo jiraan in ay kala furfuraan qabaailka oo iskaga horkeenaan jilib jilib. Waxay naawilayaan in ciidanka ummadu gacdoon bilaabo iyaga oo filaaya in ciidanku garab siiyo. Waxay ku xisaabtamayaan ciidanka oo u badan Isaaq. Waxay aaminsanyihiin mahmaahda: Dameeri isku halays ayey hooyadeed dabada uga nuugtaa, waxase ilowsanyihiin in maanta Isaaq aano kolaba ilaawayn waxay u soo mareen gobanimada maanta an haysano oo ayna marnaba u ogolaanaynin madaxda Kulmiye in ay burburiyaan guusha an haysano.

Qofkii illaahay karansiiyo uunbaa inoo horseedi kara badax banaani, aqoonsi, diimoqraadiyad, nabad galyo, iyo is dhegaysi wacan. Waxanse filayaa in madaxda Kulmiye ay ugyihiin waxaas oo dhan, hase yeeshi ay is garab marinayaan iyagoo la wareersan arimo iyaga u gaar ah iyo ficil an loo ogayn. Maxadada Kulmiye ha isdejiyaan oo danta ummada iyo wadanka ha u soo noqdaan oo miiska ha soo fadhiistaan oo ha la xaajoodaan walaalohood, haddii kale, falaadhi gilgilasho kaagama ko’dee, ha ogaadaan in ummadu la xisaabtami doontu.

In order to get out from the statuesque, we have to pressure all parties so that they should come to the table and seriously negotiate for the benefit of our freedom and people. We are in a situation where only the brave men and women can afford to sacrifice. If Siilaanyo and his men are courageous enough to back off a little bit and think of our situation and the circumstance we are in and leave behind his rhetorical speeches and unnecessary fights and resistance and stop growing hatred among our people, I think we will be better no matter who the winner is at the end.

By Mohamed Mousa

Email: mmousa@rogers.com

No comments:

Post a Comment