Monday 28 September 2009

TURKIGA OO SAGOOTIYA NINKUU UGU DAMBEEYEY EE BOQORTOOYADII CISMAANIYIINTA

TURKIGA OO SAGOOTIYA NINKUU UGU DAMBEEYEY EE BOQORTOOYADII CISMAANIYIINTA

cumaniyiinta

Wadanka Turkiya ayaa shalay sagootiyay ninkii ugu nolol dambeeyay qayskii utalin jiray dawladi cusmaaniyiinta ,
Hadaba CUSMAN OQLO oo ahaa ninkii ugu dambeeyay caa,iladii cusmaaniyiinta ee ka talin jiray mudada dheer wadanka Turkiga iyo wadamo badan , ayaa maalintii arbacadii ku geeriyooday Hospital ku yaala magaalada Stambul ee wadanka turkiga
Cusman oqlo waxa awaw u ahaa Cabdil xamiid ataani oo ahaa madawaynihii ugu dambeeyay ee dawladii Cusmaaniyiinta ee ku baahsanayd wadamo badan oo adunka ah, saldhigeeduna ahaa wadanka Turkiga magaalada Stambulna ay caasimad u ahayd ,
Cusman Oqlo wuxuu dhashay 1912 waxaanu ku dhashay qasrigii looga talin jiray dawladii cusmaaniyiinta

Hadaba cuman oqlo ayaa wadanka turkiga ka cararay kadib markii ay bur burtay dawladii cusmaaniyiintu 1923. ee uu xukunka la wareegtay dawladii cilmaaniyada ahayd ee uu hogaaminayay MUSTAFA KAMAL ATATOORK

kadib mudo aad udheer ayuu Cusman oqlo ku noolaa wadanka maraykanka , 1992 ayuu dib ugu soo laabtay wadanka Turkiga kadib markii cafis loo fidiyay ,
Hadaba xukunkii cusmaaniyiinta ayaa dadka turkigu ixtiraam badan umuujiyaan kadin markii xukunka wadanka tukiga loo doortay raysak wasaraha Rajab dayib ardugan 2002 , raysal wasaare ardugan ayaa 2002 gudoonsiiyay cismaan oqlo dhalashada wadanka turkiga ,
hadaba shalay ayaa kumaankun turki ah oo isugu shira wasiiro iyo shacab sagootiyeen Cusmaan oglo , oo lagu aasay xabaalaha madaxdii cusmaaniyiinta oo uu ka mid yahay awawgii Cabdil xamiid ataani.

Daahir / Shaami

Togaherer

Germany

No comments:

Post a Comment