Monday 28 September 2009

TAAGEERAYAASHA UDUB EE GOBOLKA AWDAL/SALAL AYAAN TAGEERO MUUJIYEY GOANKII GOLAHA GUURTIDA S/L(SAWIRO)

TAAGEERAYAASHA UDUB EE GOBOLKA AWDAL/SALAL AYAAN TAGEERO MUUJIYEY GOANKII GOLAHA GUURTIDA S/L(SAWIRO)

Munaasabad Si aada loo soo agaasimay ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Xarunta Gobolka awdal Borama Gaar ahaan Rays Hotel .
AWDAL SALAL YAR
Munaasabadan ayaa waxaa soo abaabulay xubno dumara oo ah taageerayaasah Xisbiga UDUB Dumarkaas oo ay Ka mid Yihiin Qalin Seed, Xaawa Rooble , Sahra Xuseen,Nimco Sh/Faarax..

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiiro, ambasadooro, badhasaabka gobolka , mayorka Degmada Borama, Salaadiin, cuqaal, waxgarad, iyo aqoonyahano.

Munaasabadan ayaa waxaa furay mayorka magaalada Borama Cabdi shide Bile , waxa uu halkaa ka sheegay inuu taageersanyahay go’aankii ka soo baxay Golaha Guurtida dhawaan, waxa uu hadalka ku daray inay badbaadiyeen wadanka Somaliland.

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Garaad, Suldaan Baade, Barkhad Cumar, Cabdi Maxamuud Ismail (Cabdi wayne) Sacaada Cadamiya Dhamaan dadkaas oo dhan waxa ay umahadnaqeen Dadkii soo qabanqaabiyay Munaasabadan oo ahaa Afartaa Dumara ee aan kor ku soo Xusnay , waxa ay sidoo kale ay u mahadnaqdeen oo ay taageero usoo jeediyeen golaha Guurtida oo dhawaan go’aan ka soo saaray murankii siyaasadeed ee Somaliland hadheeyay.

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Mudane Maxamuud C/laahi Cigeh, waxa uu umahadnaqay Dadkii soo abaabulay munaasabadan waxa uuna halkaa ka cadeeyay ka dawlad ahaan inay taageersan yihiin go’aankii golaha guurtida ay dhawaan gaadheen.

Ugu danbayntii hadalkii waxaa soo xidhay munaasabadaas Wasiirka warfaafinta jamhuuriyada Somalilan Mudane Axmed Xaaji Daahir Cilmi, sidoo kale isna waxa uu umahadnqay qabanqaabiyaashi munaasabadan waxa uu halkaa ka sheegay inay boorama tahay meeshii laga unkay Somaliland ayna tahay sodohdii Somaliland.

Waxa uu hadalkiisii ku sii daray inay ka dawlad ahaan taageersan yihiin Go’aankii dhawan ay soo gaadheen golaha guurtidu.

Xafladan ayaa waxa maanta ka muuqday farxad iyo qiiro waxa ay xafladihii kale ee ay xisbiyadu samayn jireen ay tani kaga duwanayd waxaa halkaa la keenay hobolo caan ka somalilan oo heeso macaan u qaaaday madaxwaynaha wadanka waxa kale oo halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay ka mid tahay sayliciga iyo gabayo.

Run ahaantii waxaa la odhan karaa waxa ay ahayd mid ku dhamatay farxad iyo damaashaad markii heestii ugu danbaysay uu qaaaday hobolka caanka ah ee Nuradiin taas oo ay heestaasi ahayd Heesta uu Borama ku amaano ee midhaheedu yahay Borama ku damaashoo.
AWDALIYO SALAL

No comments:

Post a Comment