Friday 18 September 2009

MAQAL KU SABSAN KALINTA SALADIINTA SOMALILAND

MAQAL KU SABSAN KALINTA SALADIINTA SOMALILAND

ARTIKALSALAADIINTA SOMALILAND WAY KU MAHADSAN YIHIIN SIYAASAD

DHAQAMEEDKA AY KU DHAQMAAN IYAGOO ISKA ILAALIYA INAANAY KU

MILMIN SIYAASADA DAWLADA SIDAAS AYAY KU BADBAADIYAAN QARANKODA.

Bismilaahi Rahmani Raxiim

Waxa aad iyo aad aynu ula soconaa in miisaanka madax dhaqameedkeenu uu yahay mid aad wax tar ule. Sidaynu la socono salaadiintu waa maamulkii ina soo gaadhsiiyay dawlada casriga ah waa maamulkeeni qadiimka ahaa (our ancient governance system) waana mid ku abtirsada nabad iyo barwaaqo. Waxay madax dhaqameedkeenu can ku yihiin waa kawada shaqaynta dhaqanka iyo nabadgalyada. Waxa soo jireena in madasha shirka ay ku qabsadaan (Their Confirence Hall) uu ahaa geed goba hoostii. Dadka waayeelka ah ee ku xeel dheer dhaqanka waxay og yihiin in madaxdhaqameedkeenu ay yihiin kuwo aan ku milmin siyaasada dawlada markastaba laakiin waxay leeyihiin siyaasad dhaqameed (Cultural Policy) ay ku wada socdaan.Isku soo duuboo, madax dhaqameedku waxuu ka koobnaa Suldaano iyo Cuqaal laakiin iminka mid u dhaxeeyaa soo baxay qarnigan lagu jiro waana nin ku hadla afka suldaanka ama ka caaqilka kuu doono waxaan u aqaan LABA AFLE!

Hadaba baryahan dambe waxa soo ifbaxaya in kalsoonidii shacbigu ay u hayeen mucaaridka Inay faraha ka baxday waayo? Waxa sii kordhaya shirirka ma dhalayska ah kuwaasoo ay qabtaan siyaasiin fadhiidi.

Waxa baryahandambe aynu arkayna in la wado qorshe inagu celinaya hab beeleedkii taasoo lagu soo qorayo Websites-ka Beesha Reer Hebel oo manta ku gacan saydhay xukumada Daahir Rayaale. Marka aad runta u dhabo gashana waxaad ogaanaysaa in beeshaas la sheegayo waxgaradkeedii iyo madaxdhaqmeedkeedii toona aanu madashaba joogin!!!! Taas waxaanu uga digaynaa dhamaan shacabka nabada jecel inaanay run moodin shirarka jaha wareerka ah ama asqo qaybinta ah qofba siduu u fahmo.

Hadaba waxaanu usoo jeedinaynaa dhamaan salaadiintayada beelaha reer Somaliland:

1) Inay xeer ka soo saaraan kaasoo xakamaynaya cidii wax u dhimaysa magaca iyo sharafta ay huwan yihiin iyo dadaalkooda ay nabada ku keeneen ee ay ku garabtaagan yihiin jiritaanka iyo amniga somalilandba ilaa maanta.

2) Inay ogaysiiyaan shacbiga in hantida ma guuraanka ah ee gashay wadanka haday dhisme tahay iyo haday ganacsi tahayba ay tahay mid sadex laab ah marka loo eego hantidii laga baro kacay xiligii 1988.

3) Iyo ugu dambayn in ubadka manta madaxa la kacay aan noloshooda lagu bilaabin dagaal iyo dhiig sida ka socota koonfurta somaliya oo ilmaa sadex jirka ahi ee xamar kunooli uu is tuurayo hadii xabadi dhacdo waayo wuu ku ababay iyadoo hooyadii iyo aabahiiba ay is tuurayaan!!!!!


Wa bilaahi tawfiiq


BY: SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASAD

EE XISBIGA UDUB DOHA, QATAR.

No comments:

Post a Comment