Saturday 19 September 2009

FADHIGII MAANTA EE GOLAHA GUURTIDA EE LAGU WADAY IN MUDADA LOO KORDHIYO XUKUUMADA OO KU DHAMAADAY BUUQ IYO QAYLO

FADHIGII MAANTA EE GOLAHA GUURTIDA EE LAGU WADAY IN MUDADA LOO KORDHIYO XUKUUMADA OO KU DHAMAADAY BUUQ IYO QAYLO

guddoonka guurtidaFADHIGII MAANTA EE GOLAHA GUURTIDA EE LAGU WADAY IN MUDADA LOO KORDHIYO XUKUUMADA OO KU DHAMAADAY BUUQ IYO QAYLO

Hargeysa THN Sabti, 19 September 2009
Fadhigii maanta Ee golaha Guurtida Somaliland shir gudoominayayna Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aden ( Saleebaan Gaal) ayaa ku dhamaaday muran iyo isqabsi goluhuna u kala jabay laba qaybood kadib markii Gudoomiyaha Guurtidu Md Saleeban soo jeediyay in arrinta muranka muddo kordhinta loo talo badsado oo fadhiyo dambe la isugu yimaado.

Labada Garab ee ay u kala jabeen Golaha Guurtidu ayaa garab ka mid ahi ku eedeeyeen Gudoomiyaha in uu wada inqilaab sabab dib loogu dhigo Go’aanka Muddo Kordhintuna aanay jirin , Garabka kale ayaa isagu u ololeyanaya soo jeedinta gudoomiyaha ee ah in arintan muddo kordhintan aan lagu degdegin.

Arimahaa iyo ajanadayasha iska soo horjeeda ee ay kala wateen labada garab ayaa keenay aakhirkii in goluhu galo buuq iyo is qabsi taas oo aakhirkii Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Guurtida Md Siciid uu ku qanciyay Xildhibaanda in buuqa la joojiyo Golahana dibada looga baxo lana qaato soo jeedinta Gudoomiyaha.

Geesta kale Fadhigan saaka ee Golaha Guurtida ayaa waxa ku sugnaa joogayna Masuuliyiinta Sadexda Xisbi qaran oo mid walba la siiyey Muddo uu kusoo bandhigo Fikirkiisa isagoo mid walba ka hadlay siduu u arko Xalka khilaafka taagan. Waxaana Seddex Xisbi Qaran u kala hadlay Eng Faysal Cali Waraabe oo u hadlay UCID iyo Jaamac Yaasiin Faarax oo u hadlay Xisbiga UDUB ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga, Muj Axmed Maxamed Siilaanyo oo u hadlay Xisbiga KULMIYE.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Hargeisa
Somaliland

No comments:

Post a Comment