Tuesday 29 September 2009

MA SIMAN YIHIIN GUDOOMIYA-YAASHA LABADA GOLE !!

SHOTALYMA SIMAN YIHIIN GUDOOMIYA-YAASHA LABADA GOLE !!

29 September, 2009


MA SIMAN YIHIIN GUDOOMIYA-YAASHA LABADA GOLE !!

Ayaamuhu kala nasiib badan, dadku kala il-dheer, talooyin-kuna kala waxa tar wacan, go’aaminta uu qaato masuul xil umad u hayaa-na kala mudan, daacad-nimada aad xalaal ugu shaqaysaa dadka ku igmaday in aad hawl u fulisana waxay u baahan tahay in aad si qoto dheer uga fekertaa marka aad ku kacaysid in aad hir gelisid ama qabatid xalilaad dhibaato ku hor taal, oo lagaa rabo in aad ka martid dariiqada ugu fiican ee ay ka raali yihiin kuwa aad u qaaday balanka in aad ugu adeegi doontid, eexasho la’aan, dhexdhe-xaadnimo, daacad-nimo, dantooda aad mar walba ka horay-siisid ta kuu gaarka ah, adiga oon kala soocin qaybaha bulshada haddii ay yihiin, siyaasi-nimo, xusbi-nimo, qabiili-nimo, gobol-nimo, jeeb-kiisa oo aad ugu xeebato oo aad hunguri ugu saacidid iyo arimo dhawr ah oo la xidhiidha oo aan halkan lagu soo kooobi karin, laakiin ay tusaale ahaan inaga-ga filan yihiin inta yar ee aan ka soo qaadanay, iyada oo sidaas ah bal aan eegno sawirka ay kala la
haayeen labada GUDOOMIYE E GUURTIDA IYO XILDHI-BAANADU waana tan ee ila eeg:-

* Gudoomiyaha GUURITIDA ( S.GAAL),haddii aan ku horayno, waxa uu ka soo dhex baxay mugdigii hadheeyey golahiisa ee uu u kala fadhiyey, reero, xusbiyo, iyo u kala janjeedh-ka xusbiyada, nin jeclaysi, wuxu isku duba riday dhamaan golahii odaya-yaasha ( COUNCIL OF ELDERS), isaga oo ku soo dabaalay in ay isku dhinac u socdaan oo danta umada meel qudha ka eegaan taas oo ah in ay mar walba xil iska saaraan jiritaanka iyo nabada somaliland, isku soo dhawayn-teeda, si weyna iskaga xil saaray xasiloo-nida iyo wada jirka, taas oo uu SALEEBAAN GAAL ka soo dhalaalay, kana muuqatay markii ay go’aan taariikhi ah ay qalinka ku duugeen, maskaxna ay ku fadhii-siyeen, ka baaran degeen, rogro-geen, kala shiileen, halkaas oo ay kaga xuubsiib-teen wixii quluubta shicibka ka buuxay iyo kutri-ku-tenkii aan dhan loo raaco jirin ee uu qofba wax sheegaayey, wuxu si cad isaga maydhay SALEEBAAN beentii ahayd isaga laf-tiisa baa kursi doon ah, wuxu u xagli-nayaa dhinac
reerka, silaanyo bay heshii-yeen, waa mucaarid, cdaawad baa ka dhexaysa RIYAALE oo wuu ficil-tamayaa, ILAAH baa runta jecele intiiba si la yaab leh buu uga soo dhex booday isaga oo KAADH nadiif ah kala soo dhex baxay, oo dejiyey xiisaddii, murankii iyo qaskii taagnaa, umada reer somaliland-na wuxu ka mudan yahay amaan iyo sharaf aan la soo koobi karin, RABBI-NA waxan uga baryeynaa in uu la gacan qabto oo inta hadhay-na ay ku gabaga-boobaan guul iyo nabad gelyo, hadal la’aan ay kuwa da kalsoon yihiin dhamaan qaybaha siyaasda inta badan iskaga hor yimaadaa.

* Waxa kale oo iyana xusus mudan shir gudoonka golaha XILDHIBAANDU oo uu baalku ka qoyey, marina wadaddii lagu waday in ay qaadaan, kana leexday, dib uga baaqday, gabay xilkii ay umadu u igmatay, ka baxay wixii loo dirtay, ku saaqiday oo baal ka dhaafay masuuli-yaddii ay u hayeen shicibka somaliland, mana ay eegin xilka saaran oo ah in ay dhex ka ahaadaan siyaasada xusbiyada, in kasta oo ay ku kala ab tirsadaan sadexda xusbi qaran, marka ay yihiin baarlamaan waxa ku waajib ah in aanay iskaga hor iman, kuna xisaabtamin siyaasda xusbiga ay ka soo jeedaan, ee ay ahayd in danta umada meel uga soo wada jeedaan, ka xoroobaan ficil-tanka ay si ka tooska ah u cadaysteen mucaarid-nimo, waxa aad hoos ugu dhacay gudoomiyaha CABDIRAXMAAN CIRO oo ku sifoobay nin aad u jilicsan kaas oo ka baaq-saday in uu maamulo golaha uu madaxda u yahay, oo xataa waxa kale iska daayoo heer uu dil ka dhaco gaadhay, midayn kari waayey golihiisa, dhexna ka noqon waayey in uu meel
isugu
keeno, oo ka saaro is haynta ay u kala safan yihiin mucaarid iyo muxaafid, wuxu noqday nin aan wax kala saari karin, oo seeftu dhulka ka taalo ama BILAA ILKO AH oo aan beer baaryey kala gooyn karin, isaga baa u aabo ah in ay kala jabaan xildhi-baanadu, markii uu waxaba ka qaban waayey, isaga baa ka mansuul ah wixii ka dhacay dalka, mana fahansa-na xilka uu hayo culayska uu lee-yahay iyo qiimaha uu ugu fadhiyo umada reer somaliland, umana qalmo kursiga uu hayo, waayo waxa cad in aanu qaadi karin, kana adkayn, awoodna aanu u lahayn, xilili karin qaska ka dhex abuurma golaha, sida SALEEBAAN GAAL, kaas oo laga bilaabo imka aanu u bixiyey SALEEBAAN MUUMIN,, wuxu gudoomiyaha c/raxmaan CIRO uu maarayn karaa ma jirto oo la arag waxa ay tahay kartidiisu, halkii laga filaayey in uu maro dariiqa uu maray GUDOOMIYAHA GUURTIDU, baaba isaga laf-tiisu uu sii hor kacay burburkii ku yimi dalka maalmihii ina soo dhaafay, isga bay luqunta u sudhan tahay khasaarihii ku
yimi umadu iyo geeriddii,dhaawicii ka dhashay waayo isaga buu ahaa kii kiciyey umada in ay kacdoon samayso oo gacanta ka hadasho, oo guubaabo dagaal geliyey, kana dambeeyey rebshedihii curyaamiyey dalka, samayn kari waayey farsamada golaha la midka ah, iyo qayrkii oo ah SALEEBAAN MUUMIN, waa ninkii sadexaad ee dalka sidas awgeed, waa laga baxay garab-kiisa oo maaha nin maanta wixii ka dambeeya u tirsan umada, waa la tuhmaayey laakiin WAA UBAX GUDAAFAD KA BAXAY,wuu qurux badan yahay ubaxa ka baxaa gudaafada, wuxuse ku nool yahay usagag lagu daadiyo, kaadi lagu taleejiyo oo qudhun buu nafaqo ka dhigtaa, CIRONA wuxu hayaa xil hoosta ka qalaalan, markaa is ma laha isaga iyo xilku, SAANTUUN HA EEGINE WAA SEBI HADLAAYOO SI XUN WAX U YAQAANA, dibna in uu ugu soo noqdo maskabka uu hayo oo loo doorto waa habeenkii xalay ahaa oo tegay marka ay ka dhamaato mudadu, haddii la doono xildhibaan caadi ah ha loo soo doorto waase ay uga dhamaatay gudoomiye-nimo
danbe ilayn IRBAD DUN MA GELIN KARO’E.

*N.B Hibo eebbe ku siiyey habeen lays kama qaado.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment