Saturday 26 September 2009

ABAAL GUD KU SOCDA GOLAHA GUURTIDA EE SOMALILAND

ABAAL GUD KU SOCDA GOLAHA GUURTIDA EE SOMALILAND

sanwaa cumar

ABAAL GUD KU SOCDA GOLAHA GUURTIDA EE SOMALILAND

Waxa ugu horayn salaan sharafle mutaystay dhamaan shabakadaha wararka ee Somaliland marka xigta waxan aad aan u salaamayaa dhamaan shacbiga somaliland ee ku farxay Go’aankii aan ula baxayCADDAW JABIYE. Muwaadiniintii somalilanda wuu ka farxiyay cadawgiina wuu jabiyay alxamdu lilaah.

Intaas ka dib maqaalkaygani wuu ka duwan yahay kuwii hore waxaan ugu talo galay inaan wax ka idhaa faa’iidada Golaha Guurtida aynu ku qabno qaran ahaan.

Golaha Guurtidu waa gole ku gaamuray xalinta khilaafka dalka,la shaqaynta xukumadkasta, iyo xoojinta nabadda dalka ka jirta. Waa gole waayeel u badan nabadoono ah ama samo talis qofba siduu u fasisho. Waxaan hadaba shaki ku jirin in war warkii khilaafkii dhagaraysnaa ee ina bariinsaday iyo kaarkiisii qofka kasta oo somalilander ah hayay ay subax qudha inaga jareen ilaahayna la qabtay. Aansoo koobo e, su’aal ayaa taagan Guurtidu inaga wada farxisee oo jacaylkii aynu u haynay wuu afarlaabmee maxaynu ugu abaal gudnaa?????

Jawaabtii su’aashan oo shaqsiyana aan u arko abaaal gud waa tan:

1.In Golaha Guurtidu sidiisaa ku daa’imo oonu waligii doorasho galin. Sababtuna waxa weeye guurtidu waxay soo jirtay intii somaliland jirtayba waxay intaaba dhex maquuranayeen marxaladii kala duwana oo ay kasoo dhexbaxeen hadaba sideebuu u badali karaa Gole Fresh ah oon la jaanqaadi karin siyaasada somaliland sideebuu ku garankaraa xeerka laga maray mashaakil dhacay 1996 ama waxii ka horeeyayba.Laakiin hadii guurtida xubini dhimato ama xanuusato oo ay gudan kari waydo xilkeeda waa in lagu badalaa habka iminka loo badalo. Qof waa la siin karaa taba bar laakiin Gole dhan oon khibrad lahayn waa dhakafaar in la jara baro. Inaan bayaamiyay ayaan filayaa sababta ay muhiim u tahay inaanay Guurtideenu wax doorasho ah galin. Doorashadoodu haku eekaato shirgudoonkooda uun oo ay iska dhexdoortaan laakiin waxaan soo jeedinayaa oon talo ku bixinayaa waar guurtideena dadbaa yidhaa waa odayaal jaahiliina laakiin maanta wuu garanayaa qiimaha iyo qadarintoodaba.

Sanwaa Cumar Yare

GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASAD

XISBIGA UDUB EE QATAR.

No comments:

Post a Comment