Wednesday 30 September 2009

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

Codbixin dhawaan uu sameeyey website-ka la yidhado One poll ayaa sheegay in Ragga Jarmalka ay noqdeen kuwa xun xaga haweenka gaar ahaan arimaha Jaceylka iyo haasaawaha hablaha.Codbixinta oo laga qaaday 15 kun oo haween ah oo Dunida ku kala nool ayaa lagu sheegay in ragga Jarmalka aanay ku wanaagsaneyn haasawaha hablaha, iyodoo lagu macneeyey in ay aad u soo shiiraan xaga urka jirka taasi oo loo aqoonsadey inay yihiin raga ugu xun aduunka.

Codbixinta waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay in ragga wadanka Ingiriiska ay noqdeen raga labaad ee ugu xun aduunka ka dib markii loo codeeyey in ay yihiin ragga ugu caajiska badan, isla markaana ay haweenka lamaanahooda ay jecel yihiin inay u diraan shaqada oo dhan, halka raga wadanka Sweden ay galeen kaalinta sadexaad ka dib markii la sheegay in ay yihiin ragga ugu deg dega badan.

15-ka kun ee haweenka ah ee codbixinta laga qaaday ayaa ku kala noon 20 wadan, waxaana waxyaabaha la su’aalay ka mid ahaa dareenkooda ku aadan xaga sariirta iyo hab dhaqanka ragga ay nolasha la wadaagaan.

Kaalinta Afaraad waxaa galay ragga wadanka Holland oo la sheegay inay haweenka aad ugu xun yihiin xaga dhaqanka iyo macaamiilka dumarka.

Kaalinta Shanaad waxaa galey raga aduunka ugu xun ragga wadanka Mareykanka oo cobixinta lagu sheegay inay Dumarka qasbaan gaar ahaan xaga sariirta, iyadoo lamaanahooda aan tixgalin rabitaankeeda.

Kaalinta lixaad ragga aduunka ugu xun waxaa galey raga wadanka Gariiriga oo hablihii codbixinta laga qaaday ay ku sheegee inay yihiin ragg aad u dhidid iyo qoyaan badan.

Ragga Gobolka Scotland ee Boqortooyada UK ayaa iyaguna kaalinta 7 aad waxay ku galeen inay yihiin ragga aad u hadal dhaadheer ama kor u hadla, halka raga gobolka Weles ee isla wadanka Boqortooyada UK ay noqdeen raga ugu doqonson aduunka.

Raga wadanka Turkiga ayaa haweenkii codkooda dhiibtey ay ku sheegeen inay yihiin rag aad u macaan badan, halka ragga dalka Ruushka codbixinta lagu sheegay in haweenku ku neceb yihiin timaha faraha badan, iyagoo badiyaa kaba timo dhaadheer hablaha lamaanahooda ah.

Codbixinta waxaa dhanka kale hablaha la su’aalay ragga ugu wanaagsan aduunka xaga lamaanahooda, waxaana kaalinta 1-aad galey ragga wadanka Spain, kaalinta labaad Brazil, Sedexad Talyaaniga, Afaraad Faransiiska, Shanaad Ireland, kaalinta lixaad ragga wadanka Koonfur Afrika, kaalinta todobaad ragga wadanka Australia, kaalinta sidaad wadanka New Zealand , Kaalinta sagaalad ragga wadanka Denmark, ragga wadanka Canada ayaa iyaguna galay kaalinta 10-aad.

Warqabadka Togaherer

No comments:

Post a Comment