Friday 25 September 2009

NIN SOMALI AH 45 IYO SANO KIRISTAN AHAA OO LAGU DILAY DALKA SOMALIA

NIN SOMALI AH 45 IYO SANO KIRISTAN AHAA OO LAGU DILAY DALKA SOMALIA

maxmed khalaf

Nin Soomaali ah oo mudo 45 sano ahaa Kirishtan ayaa lagu dilay meel ku dhow magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Kirishtanka.

Bogga internetka ee Compass Direct ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan dilka Cumar Khalafe oo ah 69 jir Soomaali ah kaasi oo lagu dilay bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ururka Al Shabaab.

Sida uu sheegay Compass Direct waxaa Cumar Khalafe lagu qabtey bar kontorol oo 70-KM u jirta magaalada Marka 15kii bishan September isagoo ku sii jeeda degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. waxaa sida uu daabacay bogga Compass Direct oo ah bog u dooda arimaha Kirishtanka Cumar Khalafe uu wadey 25 kutub oo ah “bible” (ama buugaagta Kirishtanka) kuwaasi oo loogu talogaley in la gaarsiiyo dad Kirishtan ah oo ku nool gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa sida ay ku waratey Compass Direct gaari bas ah oo uu la socday Cumar Khalafe lagu joojiyey bar kontorol ah oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab, markaasi oo la soo dejiyey dadkii saarnaa gaariga. baaritaan dheer ka dib waxaa laga heley gaariga buugaag bibble oo boorso yar ku jirey, kuwaasi oo markii la weydiiyey dadkii gaariga la socday la garan wayey cidda iska leh.

Hse ahaatee waxaa boorsada laga heley sawirka Cumar Khalafe oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa, markii isaga wax laga weydiiyey halka uu u wadey buugaagtaasi waxaa uu diiday inuu ka hadlo.

Bogga Compass Direct oo soo xiganaya xubno kale oo Kirishtan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu Cumar Khalafe diiday inuu ka waramo halka uu u wadey buugaagta markiiba xabbad madaxa looga dhuftey, iyadoo uu isla goobtii ku geeriyooday.

Meydka Cumar Khalafe iyo buugaagta Kirishtanka ayaa la geeyey magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo dadka loogu soo bandhigay.

Cumar Khalafe waxa uu ka soo jeedaa “Soomaali Bantu” waxaana uu jirey 69 sano. Sida lagu qoray warbixinta Cumar waxa uu ka soo hawlgalay dhowr hay’adood oo Kirishtan ahaa kuwaasi oo ka shaqeeyey gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa geeridiisa ka naxay eheladiisa, waxaana uu ka tegey xaas iyo 7 carruur ah oo ku nool magaalada Muqdisho sida lagu qoray warbixinta.

Sida uu qoray bogga Compass Direct waxaa gudaha Soomaaliya lagu dilay dad badan oo ahaa Kirishtan. sida Axmed Mataan oo lagu dilay degmada Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, Maxamed Sheekh C/raxmaan oo lagu dilay Mahaday Weyne oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxaha Kirishtanka ayaa walaac ka muujiyey in rajadii laga qabay in Soomaaliya ay ku fido diinta Kirishtanka ay u muuqato in ay hakad gashey.

Halkan hoose ka akhriso Warbixintan oo ah English

http://www.compassdirect.org/english/country/somalia/9494

No comments:

Post a Comment