Friday 18 September 2009

XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN AANU JIRIN WAX HESHIIS AH LABADA XISBI MUCAARID KU GAADHEEN DHISNE DAWLAD KUMEEL GAADH AH

XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN AANU JIRIN WAX HESHIIS AH LABADA XISBI MUCAARID KU GAADHEEN DHISNE DAWLAD KUMEEL GAADH AH

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa daboolka ka qaaday laga hirgeliyo ka dib dhammaadka mudada xil haynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka.

Xisbiga UCID wuxuu sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed ay maanta soo saareen oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka xisbigaasi Md. Xasan Xuseen Maxamed (Cod-yare), waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qoranaa sedan:-

Fadhi degdeg ah oo ay maanta Gudida fulinta ee xisbiga UCID isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 17/9/09 waxay ka doodeen kana baaran degeen qodobadan hoos ku xusan

Haddii aanu nahay xisbiga UCID waxaanu doonaynaa in aanu cadayn ka bixino warar lagu baahiyay warfaafinta gudaha iyo dibadda ah oo tilmaamaya sidan soo socota

* In labada xisbi UCID IYO KULMIYE ay ku heshiiyeen in stratejiyad ( strategyad lagu dhisaayo markay wakhtiga Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisu dhamaado in la dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo uu Madaxweyne ka yahay Gudoomiyaha Guurtidu Madaxweyne ku xigeena ka yahay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu habayaraatee ma jirto meel ay labada xisbi ay taladaas ku gaadheen, waxa jira doodo fara badan iyo siminaaro dhex socda axsaabta mucaaradka ah indheer garatada wadaniga ah iyo dhalinyarada oo ku ligood ka hadlaya qaabka ay noqon karto dawlad ku meel gaadh ahi .
* Dhinaca kale waxaanu cadaynaynaa xisbiga UCID cadaynayaa strategyadii ka dhaxaysay UCID IYO KULMIYE ee la xidhiidhay doorashada iyo habsami socodka siyaasada hadda taagan inay halkeedii tahay
* Waxa xisbiga UCID wuxuu markasta adag-yahay in danta wadanka ee guud laga hor mariyo ta gaar ahaaneed.
* Waxa kale oo aanu raacinaynaa horena u cadaynay in wada hadalada hadaa socda ee ay dhexdhexaadinta ka ahaayeen baayacmushtariga,culimadda,hogaamiye dhaqameedyada ,urarada ,shakhsiyaad kale oo wadani ah iyo beesha caalamkuba in labad xisbi ay ku abaarayaan wadajir haddi madaxweyne loo tagayo iyo hadii kaleba.

Wariye Mohamed Mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Email:mahamad95@hotmail.com

No comments:

Post a Comment