Tuesday 22 September 2009

WAXAAN LA YAABANAHAY OO IGA DAADEGILA!!!!!

WAXAAN LA YAABANAHAY OO IGA DAADEGILA!!!!!

mingiste

mingiste (1)Waxaan la yaabanahay !!
(Waar hooy shacbkoow yaanay idinka dumin nabada aad haysataan NIN fasax dalka ku joogaa,ogaada wuxuu haystaa BAASABOOR ,oo beri markuu intuu idinka DUMIYO ayuu idinka DUULAYAAYE)

Marar badan ayaad waxaad arkaysaa amase aad maqlaysaa wax kaa yaabiya.Aniga todobaadadii ugu dambeeyey waxaa runtii aad iiga yaabiyey,wararka ka soo baxaya Golaha Wakiilada ee Somaliland,kuwaas oo runtii markaan dhinacyo badan ka eegay iila muuqda wax shaqsi jecel horumarka Somaliland aanu liqi karin amase aanu aqbali karin,waxaase filayaa in dalka dad wax kala garanayaa ku nool yihiin oo weliba ay ku jiraan Golaha Wakiilada Somaliland.

Arimaha iga yaabiyey amase ilaa hadda iga dhaadhici waayey waxaa ka mid ah:-

1.Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigaanka ayaa xilka laga xayuubinayaa,oo waxay ku gefeen sharcida dalka u yaala!.Haddaba su,aashu waxay tahay,maxaa keenay in xilligan oo lagu jiro xaalad adag,in dadka iyo dalka madaxa laga gooyo,oo la abuuro muranka intaa baaxad leeg?

2. Haddii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku yidhaahdeen ,cidina Doorashada inaga caawin maysee,ma tashanaa ,oo Doorashooyinka ma qabsanaa ,maxay tahay Sharciga ay jebiyeen ee maanta lagu gola keenayaa ?,Ma Doorasho ha la galo ,oo aynu isku tashano ayaa sharci jebin ah ?

3. Waxaa wax lala yaabo ah ,kuwii aan soo doortay ayaa dalkii iyo dadkii DUMINAYA,haddaba suaashu waxay tahay ,ma waxaan u soo doortay in ay wax ii qabtaan mise waxaan u soo dooray in ay si yar iga dumiyaan wixii aan 19 sano soo dhisayey?

4. Waxaan la yaabay nin Yurub ka tegay,oo caruurtiisii ay DIBADA u degan yihiin,oo leh kaca oo dagaalama ,oo caruurta yar yar ee Iskuulada Somaliland dhigata,kuwaas oo laga yaabo in dirqi ku soo heleen kursiga ay ku fadhiyaan iyo weliba Shilimadii uu Baska ku soo raacay, Miyaanu ogeyn in nolosha Caruurtiisu haysato ay u baahan yihiin kuwa Somaliland joogaa?

5.Waxaan la yaabay xidhhidhka ka dhexeeya hadalada ka soo yeedhaya AL-SHABAAB iyo qaska ka Siyaasadeed ee ka bilowday Somaliland,maxaa keenay in ay xilligan isku soo beegmaan ?

6. Waxaan la yaabay wadadii Dimuqraatiyada ee aynu dooranay,maxaa keenay in aynu dib u raacno,ma markii hore aynu khaldanay in aynu sidaa wax u doorano,amase si kale ayaa ka fiicnayd ?


7.Waxaan aad ula yaabay,shaqsiyaadka iyo qaar ka mid ah Saxaafada Somaliland oo caadaystay in ay si xun u “CAAYAAN ” Somaliland,lana odhan karo waxay meel kaga dhacayaan Qarannimada ,balse ma ogyihiin marka ay Somaliland caayayaan in ay iyagu is caayayaan?

8. Waxaan la yaabaa ragga meelo fog fog uga yimid aynu soo dumino Somaliland,balse miyaanay ka liidan kuwa dhegaysanaya ee weliba leh naga dumiya?

9. Waxaan la yaabay Ninka leh XIL baan ka doonayaa dalka u duminaya,miyaanu ogayn in haddii uu dumiyo,in isna aanu xil helayn ?

10. Waxaan la yabaa Shacabka ma codbaa laga doonayaa mise DHIIGOODA ayaa laga doonayaa,shacabkuse ma garanayaan waxa xaq loogu leeyahay ee ay tahay in ay bixiyaan ?

11. Waxaan la yaaba ragga QABYAALADA cad isticmaalayaa,ee haddana raba in ay dalka iyo dadka xukumaan, soo Qabiilooyin ma wada aha dadka dalka degani?

12. Waxaa la yaabay ninka leh XOOG baan Dowlada jirta ku ridayaa,waa kuwama kuwa uu isagu XOOG ku xukumayaa,xagay joogaan?

13. Waxaan la yaabay ninka dhegaysan waayey Muqdisho oo leh,WAAR KA JOOGA!,miyaanu ahayd nin aan wanaag wadin?

14.Waxaan la yaabay ninka GAADHI ha lay iibiyo dalka iyo dadka u duminaya,soo maaha tayda ii yeen haddii kale way dumaysaa ?

15.Waxaan la yaabay RAGGA habeen iyo maalin Daahir Riyaalle uun ka hadlayaa,horta ma kala yaqaanaan DALKA,DADKA,DOWLADA,DASTUURKA IYO DAAHIR RIYAALE waxay kal yihiin!!?

Hadal iyo dhamaan WAAR HOOY KA DAAYA-DUMINTA-KA DAAYA MA QAADI KARTEE !!!

MAHADSANIDIN

Abdi M.Saleiman (Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment