Sunday 27 September 2009

MADAXTOOYADA :GARAB-DOONKII RAYAALE, GARNAQSIGA WUFUUDA HABAR YOONIS IYO GABBASHADII BEESHA AWDAL

MADAXTOOYADA :GARAB-DOONKII RAYAALE, GARNAQSIGA WUFUUDA HABAR YOONIS IYO GABBASHADII BEESHA AWDAL

Muxuu ku dhammaaday Kulan dhexmaray M/weyne Rayaale iyo Beesha Galbeedka Burco?
NEWS
Madaxtooyada: Garab-doonkii Rayaale, garnaqsigii Wufuudda H/Yoonis iyo gabbashadii Beesha Awdal

-Ismaan-dhaafkii Madaxweyne Rayaale iyo Xil. Khadar Ambassador

-Maxaa lagu kala tegay, maxayse ka wadahadleen?

“Wuxu nagu yidhi ‘horta Habaryoonis way badan tahayoo, rag Muxaafidiin ah baa horeba iila joogaye ii kaalaya idinkoo….” Mid ka mid ah xubnihii kulankaa ka qaybgalay

Hargeysa (Bnn)- Inka badan 50 xubnood oo ka soo jeeda ardaayada Beesha Habaryoonis, ayaa shalay kulan garnaqsi ah la yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada waxa uu kulankaas ka dambeeyay casuumad beesha Madaxweyne Rayaale u fidiyeen masuuliyiinta iyo waxgaradka 18 ardaa oo beesha Habaryoonis ka kooban tahay. Warku wuxuu intaa ku daray, in kulankaa oo fadhi qayilaadeed ahaa ay dhinaca beelaha Habaryoonis uga qaybgaleen Xildhibaano goleyaasha Baarlamaanka ka tirsan, Madaxdhaqameed, ganacsato iyo waxgarad kale, balse aanay jirin cid dhinaca kale kulankaas ku weheliyay Madaxweyne Rayaale.

Sida warku sheegay, xubno tobaneeyo ah kama mid ahaa wufuuda Habaryoonis oo hadalka ku horeeyay, waxay Madaxweyne Rayaale u qadimeen tabashada ay ka qabaan Xukuumaddiisa, waxayna ku canaanteen in 13 sannadood oo uu Madaxweyne Ku-xigeen iyo Madaxweyne ahaa aanay Xukuumaddu waxba ka qaban adeegyada bulshada deegaamada beeshooda. Siday ilahaasi tibaaxeen, wufuuda beelaha Habaryoonis waxay sidoo kale ku cawdeen in beel ahaan ay yihiin kuwa ugu yar shaqaalaha dawladda, isla markaana ay saamay gaar ah ku yeelatay go’aanka Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ganacsatadaha Sucuudiga ah kootada ugu xidhay dhoofka Xoolaha.

Warku wuxuu intaa ku daray, in waxgaradkaa beelaha Habaryoonis sidoo kale Madaxweyne Rayaale ku canaanteen bedelaad la’aanta lacagta Giimbaarta ah ee laga isticmaalo Burco, in aanay hay’addaha Caalamiga ahi sidii haboonayd uga hawlgelin Togdheer, balamo uu hore u qaaday oo aan fulin iyo in beelaha kale ee Somaliland cadaawad ugu qaadeen aanaynta beeshooda loogu sibir-saarayo Xukuumadiisa inay taageero u muujiyaan. “Madaxweynaha odayaashii beeshiisa ee casuumada lahayd lamay joogin, taasina waxay keentay in aanu aad uga xumaano in cidii beel ahaan nagu casuuntay aanay madasha iman.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubnihii kulankaa ka qaybgalay. “Halkii aanu wax kale ka sugaynay, waxa dhacday in Madaxweynuhu kuwii naga midka ahaa kulankan soo habeeyay ku canaantay inay soo xuleen dad Mucaarad qunyar-socod ah ka kooban, balse aanay keenin Mucaaradkii xag-jirka ahaa,” ayuu raaciyay xubintaa u waramay Ogaal. “Waxa kale oo nagu yidhi; ‘horta Habaryoonis way badan tahayoo, rag Muxaafidiin ah baa horeba iila joogay, markaa idinkoo Habaryoonis ahaan isu dhan ii kaalaya’. Laakii, annagu taas waanu ka diidnay, waxaananu ku nidhi, ‘kuu iman mayno, soona raaci mayno kuwaas oo iyagaabanu kaaga fogaanaye Nabadgelyo,” ayuu yidhi xubintaa kulanka ka qaybgalay.

Intaa ka dib, waxa la sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo Xildhibaan Khadar Aadan Xusseen (Khadar Ambassadoor) uu hadalku ka duulay, isla markaana ay weedho kulul is waydaarsadeen. Hase yeeshee, sida warku sheegay waxay taasi sababtay in ilaalada gaarka ah ee Madaxweynuhu iridaha iyo daaqadaha hoolka kulankaasi ka dhacay isa soo tubeen. “Adeer, markii hadalku ka duulay Madaxweynaha iyo Xildhibaanka, waxaanu Madaxweynaha ku nidhi, ‘aanu kaa dambaynee, adigu gurigaaga iska gal. dabadeedna, xataa ismaanu nabadgeliyayne wuu baxay, annaguna waanu soo dareernay,” ayuu yidhi xubintaas oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay wixii ismaandhaafkaa xigay. “Wax khaatumo ah oo shirkaasi ku dhamaaday kumaanu kala tegine, kala-dhaqaaq baa yimi,” ayuu raaciyay.

Hase ahaatee, siday ilahaasi tibaaxeen markii kulankaasi dhamaaday, wufuuda beelaha Habaryoonis waxay kulan dambe oo ay yeesheen ku go’aansadeen in aanay kulan dambe ugu tegin Madaxweynaha. “Annagu fadhi baanu yeelanay, guddi 15 xubnood ka koobana waanu saarnay, waxaananu go’aansanay in aanaan Madaxweynaha albaabkiisa mar dambe garaacin.” Sidaana waxa yidhi xubin kale oo isna kulankaa goob-joog ka ahaa.

Ugu dambayntii, kulankaas oo sida la sheegay uu qabanqaabadiisa dhinaca beesha Habaryoonis lahaa Xil. Khadar Ambassador, waxa Xildhibaanada kale ee ka qaybgalay ka mid ahaa; Xil. Jaamac Xasan Aadan, Xil. Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Xil. Maxamed Cali Jibriil iyo Xil. Maxamed Askar.

Ogaal

No comments:

Post a Comment