Sunday 27 September 2009

RUUXAAN LUGO KU JOOGINI, LEEGAD WEEYAAN!!!!

RUUXAAN LUGO KU JOOGINI, LEEGAD WEEYAAN!!!!

Ruuxaan lugo ku joogini,leeg-leegad weeyaan !!

Waxa la yidhi CARUUR IYO REER GUURAY RAAC waa la iskaga sheekeeyaa, oo maqal ahaan bay isu magac yaqaanaan, is mana arkaan, oo waa la kala ilaaliyaa, baqdin iyo dhuumaa-laysi buu midba gaar-kiisa ugu nool yahay, haddii ay indha-ha isi saari lahaa-yeen,oo ay mar qudha kala bogan lahaa-yeen dhinac bay isugu lugo duwan lahaa-yeen colaad iyo saaxiib-nimo mid ay noqoto-ba, mase aynu filayno in ay sidaasi dhacdo inta aanu ILAAHAY u tashan adduun-kiisan, akhristoow malaha waan kuu kor ka xaadiyey ee aan miida kuu daro dhuraha si aad sacaba-daada uga-ga ciil baxdid, waayo siddii kale-ba waxa laga yaabaa in aad qawadid ee waa-tane dhuunta ku qoo ku dul keenaye, hadal iyo dhamaantii waxa cayn-kaas ka dhigan aan kor ku qoray UMADA reer somaliland iyo xornimaddii la lahaa waxa laga qaatay ninkii uu sheegaayey RABBI janada haka waraabiyo’e TIMA-CADE ee uu ula baxay GAADA-WEYNE ( waa INGIRIISE) markii uu u hanja-baayey AXMAARADA ee uu ku metelay GOROYA
CAWSHA oo aan ilaa iyo hadadan aan maqaalkan qoraayo il iyo baal la saarin oo ku dambaysay ishii aragtaay bash dheh, amin kasta oo ay cadceedi ii soo baxda-ba, ilaa maalintii INGIRIIS iga kacay, lay hafray ee waxa aan jirin la igu yidhi waxad heshay madax banaani iyo qaranimo, taas oo aan weli baadi goob ugu jiro halka ay jaan iyo cidhib dhigatay, meesha ay ka dhacday iyo halka ay ku dambaysay, cid war iyo wacaal ama xog ka haysa, oo ii sheegi karta halka ay imika ku kawiran tahay ee loo raaco iyo, haddii uu jiro qof masuul ka ahi oo loo tiriyaa bal in aan raadsado si aanu uga baxno murtida ku dahaadhan CARUUR IYO REER GUURAY RAAC, waxan weli-ba ka codsa-nayaa akhrista-yaasha in ay ii soo gudbi-yaan wixii ay ka hayaan iyo xerada ay ku jirto kolay heli-maayo’e aan ku gaado’e, qore-yaashuna ay ii sawiraan sumad iyo sawrac aan ku YABOO-HIYO waaba intaas oo ay hareeraha iga dhaaf-dhaafay-saaye, malaha waxan isku noqonay JINKII IYO INSIGGII uu
ILAAH ugu talo galay in aanay is arage sida uu qu’raanku inoo sheegaye. waxan intaas kuugu daray oo aan halkan ku soo gudbinayaa AFARTII MIDH ee aan la soo buluq-buluq odhan jiray waana tan:-

Lixdankii calankan lulay, ee gaalku iga leex-day,

anigoon ku ledin, waa niggii laag ka sii ridaye,

lugoo-yadddii i gaadhaan, hadeer liicayaa weliye,

ma ladaaban caanii dhitiyo, dhaydi lay lisaye,

labeentii dul saarnayd, waa nigii laaday ee qubaye,

ka ladaabte nacab-kay, markii layga maana-caye,

luuf-luufka waxa iigu wacan, liidka aan ahaye,

waxan weli la sii luudayaa, laqan go’aygiiye,

maanta-na lurkii baan arkaa, laamo soo jabiye,

haddii aanan laas-kaba degayn, laagaha galac leh,

oonan laac-ba soo daaqa-hayn, ciila igu laalmay,

ama libin haleelayn maxaa, laygu beer laxawsan,

Haddii xaalka aynu ku suga-nahay aanu ahayn farsamooyinka aan kor kaga hadalay oo aad wax ka qabto, shaki kaaga jiro, ama aad filayso in aan anigu khalad fahamay amase aan qarda jeexaayo ay’ cidla’ah oo aan jid marin adba mudane i tilmaan waan kugu kalsoo-nahaye, haddii kalese ii qir oo igu raac ilayn laysma soo mutuxo siddii dundumo iyo qudun dhig lagu taagaye, marka aad intaas soo dhaaftid ee aad isu qiyaastid taan ka soo hadalay ee ahayd bismi-laahi garab mar iyo tan ay isku haystaan, siilaanyo, qorato ( waa faysale), iyo goodaado ( waa riyaale’e) weliba-na ay durbaan soo tumayaan mulac ( s.gaal), iyo caylo-geed kora ( waa ciro xildhibaane) saw isku wado mari maayaan oo tanina u sii galgalan-mayso halkii tii hore martay ilayn waatan siddii cag-ma-dhigihii UNIVERSAL TV hoosta ka waalataye, waxan ku soo af-jaray maqaalkan siddii HURYO al-le ha u naxariisto’e, riwaayaddii JEEL IYO JACAYL aska-riggii soo xidhay MADOOBE YARE ( waa abu-raase) markuu
cagta dhulka ku dhuftay yidhi ” kan dhulka huruufayaa muxuu ahaa?” ee lagu yidhi waa askari oo wuu digtoonaa-nayaa, yidhi “HELE-BELAY ALAY-LEHE” kani waa naftii la dirir, imka hadaba saw ma nihin xornima-dood la dirir.

* N.B Ahaan mayso dunidani sida aad u moodoo, ana urugiyo ciil ku idlaysan maayee, waxa iman ayaan-tii AL-LE aan ka sugayee,
abdi-shotaly,
oodweynenews.com.

No comments:

Post a Comment