Tuesday 29 September 2009

WAX MA ILOWDA? ISTICMAAL HABKAN

WAX MA ILOWDA? ISTICMAAL HABKAN

ILAW
Qaar ka mid hababka lagu kobciyo xusuusta

Sida aynu wadda ogsoonahay xuusuusta xun iyo tan wanaagsanba waxay la soctaa abuurka alle. Xusuusta waxay martaa marxallado kala duwan, iyadoo lasocota hadba koriinka qofka, waxayna la kulantaa isbedallo kala duwan. Kaas oo noqon kara mid wax u dhima ama mid kobciya. Haddaba waxaynu halkani ku xusaynaa qaar kamid hababka lagu kobcin karo xusaasta wanaagsan.

Hab ku saleeysan jirka oo la dhiso

Jirdhisku wuxuu kobciyaa xusuusta, waayo waxuu kordhiyaa dhaqdhaqaaqa wadnaha, deetana oxygenta (hawo) ayuu u diraa dhinaca maskaxda, taasoo sababta inay xusuusta si wacan u shaqyso.Tan kale jirdhiska wax uu yareeyaa stresska kaas oo u xun xusuusta.

Hab ku saleeysan laylinta maskaxda

Sida aanu horay u soo sheegnay in isbedal ku yimaado xusuuta ,waxaa ka mid ah isbedalada saamaynta ku yeeshay cimriga, markastoo ay da,da sii kororta isbedel ayaa ku yimaada xusuusta. Sidaa darteed sida uu jirkaagaba ugu baahan yahay layli ayuu maskadaada u baahan tahay layli, waxaana lagu laylin karaa sida xafidida quraamka kariimka ah, haddii kale waxaa halis ah lumista xusuusta, haddaan la isticmaalin.

Hab ku saleeysan cunida cuno sax ah

Waxaa jira cunooyin haddii aad cuntid ay kobcinayso xusuustaada sida ay sheegaan qubarada sayniska sida duxda laga helo kaluunka nooca tuna,sardines iyo salmon iyo waliba saliida nooca (olive oil). Vitamin C iyo Vitamin E oo laga helo faruutiska sida liinta oranges, red grapes iyo strawberries. Vitamin B oo laga helo hilibka iyo caleenta cagaaran, waxay vitaminadani kobciyaan xusuusta.

Hab ku saleeysan xiiso ama iskuday

Waxaynu wadda og nahay in wax wanaagsan ama wax xiis leh aynu aad u xusuusano, tusaallo haddii aan u soo qaadano wiilka 10 jirka wax uu aad u xasuustaa magacayada ciyaartooyda kubada cagta ee kooxaha yurub, laakiin uusan xusuusan taariikhda nabigeena (scw). Sababtana ay tahay waxaa loo yeelay xiiso iyo soojiidasho dheeraad ah iyo dhiiro galin inuu wiilkaa xafido magacyadooda iyadoo lagu baxiyay lacag fara badan. Sidaa darteed waxa aad rabto inaad xusuusto waa in xiiso ama isku day meesha taallaa.

Hab ku saleensan ku celcelin

Marka aad rabto shay inaad xusuusto waxaa la badiyaa sheygaa ku celcelintiisa, habkani wuxuu aad ugu wanaagsan yahay marka la rabo shay la xusuusto waqti dhow. Tusaale xifdinta nambarka telfoonada iyadoo lagu saleenayo qaybo qaybo, waayo haddii kale way adag tahay in teleefan noocan ah la xafido 1492178919318483, laakiin haddii la qaybiyo way fudud tahay sida 1492 1789 1931 8483.

Habka ku saleeysan dhowrida indhaha xaqooda

Xaqa ay indhaha leeyahiin waxaa ka mid ah inaad waxa xun aadan ku dhowrin, haddii aad ku dhowrta wax xun waxaa xumaada xusuusta.

Waa qalinkii C/Rashiid M. Yuusuf

Anas69@hotmail.com

No comments:

Post a Comment