Wednesday 23 September 2009

TALO SOO JEEDIN BY: SHEIKH MOOGE IYO SANWAA CUMAR YARE.

TALO SOO JEEDIN BY: SHEIKH MOOGE IYO SANWAA CUMAR YARE.

23 September, 2009
TALO SOO JEEDIN BY: SHEIKH MOOGE IYO SANWAA CUMAR YARE.
talo

SAAKA SALEEBAAN GAAL WAXAANU LEENAHAY HA NOQON CAMPAIGNER SIILANYO
XIL QARAN AYAA LAGUU IGMADEE KA SAAR QABYAALAD.

Waxa si fiican looga dharagsan yahay in ay jiraan isla jaanqaad dhinacyada labda (2) gole. Waxa iyana dhinac socota seenyaalayn dhinaca gudoomiyaha kulmiye kasoo ifbaxaysa oo turjumaysa waar halkaa ka wada hadii goleyaasha tihiin iskana ilaawa nabadan laydinku cabsiinayo ninkii rooni reerka haw hadhee!!!
Shacbiga somaliland waxa la gudboon in ay ka qayb qaataan qiimaynta xaaladan iyagoo si wada jira uga hor imanaya burburinta dalkaa soo jiray 19 sanadood ee maanta ictiraafka loo raadinayo. Qofka bini aadmiga ah waxa fiican inuu dib u jaleeco bal waxii soo maray sida 91kii markii wadanka lasoo galay siday nolosha iyo infrastructure-ka dalku ahaa.

Waxaa dib u eegtaan sanadkii 94kii dhibtii walaalaha somaliland kala dhex gashay maxaa se laga faa’iiday??
Waxaa eegtaan maanta halkaynu marayno oo ah ictiraaf raadin kaliya waayo dalka xoog ayaa loo dhisay ishaa inoo macalin ah.

Hadaanu soo koobno hadalka,waxa qarankii dhamaa doonaya inay kubad ka dhigtaan 3 nin: nin kaligii ah iyo laba nin oo wada socda. Waar adeerayaal hakalifina in umadaasi maanta daaraha iyo fooqyada dhaadheer ku jiraa dib u galaan taandhooyinkii qaxoontiyada. Maanta dalka burburintiisa kama madhna cadawgeena gacantiisu waxani mooshino ka badan.

Dhinaca kale waxaanu dhawraynaa fadhiga guurtida ee saaka iyadoonu ka warqabno in saleebaan uu kasoo horjeedo mudo kordhin la sameeyo. Sheekadu ma taagna Rayaale u kordhiya ee waa si doorasho dimoqraadiyi u dhacdo hala dhamaystiro waxyaabaha ka qabyada ah sida seerfarka oo la saxo hadii laysku raaco iyo si loosoo celiyo kalsoonidii deeq bixiye yaasha.

SAAKA SALEEBAAN GAAL WAXAANU LEENAHAY HA NOQON CAMPAIGNER SIILANYO
XIL QARAN AYAA LAGUU IGMADEE KA SAAR QABYAALAD. C/Raxman Cirona waxaanu leenay u tudh mustaqbalka dhalinyarta soo kacaysa oo maanta haku bilaabin siyaasada somaliland dhiig markale daata waa mid shaqsiyadaadana gaadhsiinaysa dhaawac aanay ka soo kaban. Maslaxada qaranka adoo eegaya adoo ixtiraamaya indhaha shacbiga ee kusoo eegaya C/Rahmaanoow jooji mooshinada aad wado oo: haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday.

By: Sheikhal Somalka Gadar Sheikh MOOGE iyo Sanwaa Cumar Yare
Gudoomiyaha Gudida Siyasada Xisbiga UDUB ee dalka Gadar.

No comments:

Post a Comment