Sunday 27 September 2009

DOORASHADII DALKA JARMALKA OO SAAKA LOO DAREERAY

DOORASHADII DALKA JARMALKA OO SAAKA LOO DAREERAY

jarmalka german_election1

Waxaa maanta loo dareeray doorashooyinka Baarlamaanka ee dalka Jarmalka, in badan oo ka mid ahaa dadka wax dooranaya maalmihii la soo dhaafey waxa ay ahaayeen kuwo aan caddeyn qofka ay codka siinayaan, waxaase lagu wadaa in jansularka hadda haya talada haweenayda la dhaho Angela Mercel oo ka socota xisbiga CDU. in ay ku guuleysan doonto.

Xibiga CDU ee talda hadda haya ayaan lagu wadin in uu si weyn ugu guuleysto inta badan kuraasta Baarlamaanka, waxaana dhici karta in uu dawlad wadaag ah la soo dhiso xisbiga kale ee midowga Libiralka FDP, ama uu sii wato xulafadiisa hadda ee Xisbiga SDP.

Sido kale waxaa aad loo hadal hayaa in oo tiradii xalay ay todoba kaliya dheerayd hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Frank-Walter Steinmeier taas oo barigii hore xulafo ahaayen se sanadkii ina dhaafay ay xurguf xaga shaqaalaha ahi soo dhex gashay taas oo sababtay in ay isku khilaafaan dawlad dambe ooay wada dhistaan, taas oo keeni karta in ka tirobata uu xulafaysto sadexda xisbi ee yar yar ee kale si uu dawlad wadaaag ah u dhiso taar means qaybta kalena waxay noqonsaa mucaarad waxaana muuqda in uu awal xaga uu muxaafadiku ka badnaa ay doorkan wixii ka dambeeyay ay sinmi doonaan .

german_election

Dadka Jarmalka ayaa doorashadooda ku salaynaya dhanka dhaqaalaha, sidoo kale dhanka amaanka iyo ka hortaga waxa ay ugu yeedhayaan argagaxisada, maadaama dalka Jarmalka uu u direy Afqaanistaan ciidamo badan, inta badan dadka Jarmalka ayaa doonaya in ciidankaas dib loo soo celiyo.

Warqabka togaherer

wiesbaden

No comments:

Post a Comment