Wednesday 30 September 2009

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

SHOTALY
MURUQA LABA-SUUL NINBA SI KU AH !!

Sida uu u dhisan yahay dhaqanka aynu lee-nahay ee aan qaab murtiyeed-keena u gardaadino xikmada ku jirta baa waxay odhanaysaa maah-maahi, GARI LABA QOF KAMA WADA QOSLISO, oo haddii aynu u gondo degno tahay micnaheedu, marka laba ruux, reer, kooxood ay dhibaato dhex marto, ee guurti isu galaasho siddii loo kala guri lahaa, xeer beegti-daasi waxay lafo gurtaba waxay ku soo gabaga-baysaa go’aan XAQ IYO XISTI kuu doona-ba ha ahaadee, dabeed warka ay ku dhawaaqaan ma noqdo mid ka farxiya labaddii dhinac ee is hayey, ee gees baa had iyo jeer cabata, ta kale-na waxay ku cawaysaa rayn-rayn iyo dabaal deg ay sheegato in ay iyadu heshay gartii, hadaba aniga oo sidaas idin idhi baa aan rabaa bal in aan dib u yara jaleecno siddii ay CIYAARTII SIYAASADEED EE SOMALILAND ee socotay 4TII usbuuc ee ugu dambeeyey in ay u dhacday sida ay qeexayso milgaha ay maah-maahda aan soo dhaafnay tilmaantay, oo ah mid baa inta badan guulaysta, mise waxay noqotay mid
aan hore loo maqlin oo timi is barbar dhac qolo waliba geesteeda ay dhibco dheeraad ah ku heshay, mise weli waxa jira gees aan fahmin nuxurkii ka soo baxay uur-ku-jirtii war murti-eedkii golaha GUURTIDA oo sacabka iska bilaas garaacaysa kana botori-naysa meel aanay wax ugu jrin, oo laga yaabo in ay HADHOOW INAGU SOO MIYIRSATO? akhrista-yaasha mareeragaha somaliland baa waxan ka rabaa bal in ay iga soo daadejaan arintan iyada ah ee dhankii kastaaba ilko caday-naayo waan ka yaabaye ma wax baa geesi qarinaysaa?

* Udub iyo maamulku waxay lee-yihiin:-

* Guul aan dhamaa-nayn baa naloo cusboo-naysiiyey, oo ma jiro mucaarid dambe oo na odhan karaa wakhti baa idnka dhacay,
* Doorashaddii dib baa loo riday, oo waa intii aan u galgala-naynay,
* Ma jirto wakhti naloo cayimay oo la lee-yahay waa maalintii foodka,
* Waanu ka hoos baxnay mucaarid oo waxan u shidnay FAYNUUSKII SIXIRKA, (dib u xasuuso sheekaddii carabiga ahayd ee la odhan jiray MUSBAAX AL-SAAXIR ee buuggii calaa-u-diinka), markaas bacaad bay fadhiyaan raggii kursi doonka ahaa, oo waq baa aanu ku dhignay, haddii aanu nahay muxaafid waanu ka dumaalad dheer nahay reer muxaafid,
* Wuxu riyaale yidhi aan soo gaabsho hadalkee:-TALADEENU SEEG-SEEG YAANAY MURUQA LABA-SUUL,NINBA SI KU AH NOQONIN.

* KULMIYE + UCID waxay iyana lee-yihiin :-

* Waanu karbaashnay N.S.S-TII oo cidh-baha baan goonay, waayo waan ka midho dhalinay, mudaaharaadkii oo geeriddii iyo dhaawacii faa’iido buu noo keenay, sababta oo ah sidan :-
* Waxa aan ku guulaysanay in tira-koobkii lagu galo doorashada,
* La bedelo KOMISHANKA,
* Mudo cayiman in aan loo kordhin madaxweynaha iyo ku/xigeenka,
* Waanu diidnay in aan soo hor fadhiisano riyaale oo SANKIISA BAANU CAANO KA DHAMAYNAY.
* Waxay ku heesayaan isku daraka mucaaridku sidatan :- HADDII SAMIR WAX LAGU HELO, AMA SALAWGU CIIL YAHAY, ANIGAA KU SUGAYOO SIDA SEBI DHALAA-NAAN DHABTA KUGU SASABAYEE, SAADAASHAA ILA GARO ( kursi-yahaw), MA SII DAYNIN WACADKII HURDA-DANA MA SEEXDEE, soo dhawoow kursi-yoow waad naga raagtee,

Hadaba biyo gorore oo meel godan bay isugu tageene labaddii-ba dhoolaha bay ka qosol cadayna-yaan ee naxaa siya mise aniga baa dhoohan oo madaxa ku soconaaya, murqaankii qaadkii ugu dambeeyey baa wax aan jirin ii sawiray oo wax aan jirin baan daawanayaa, ma dhegahayga baa maqal been ah ii sheegay, ma af-soomaaliga baanan aqoon, miyaan isku dhex daatay oo waxan marayaa da’ddii xasuustu kala daadan jirtay, waa sidee xaalku, mise aniga baa ugu saxsan oo dadka inta kale baa kala wareegsan oo madaxa ku socota, waxan ku soo xidhay maqaalkan WAAN YAABANEE IDIN-KUNA DADYOOW MAYLA YAABAN TIHIIN?

*N.B Xagu gebi, xagu gabi guntu walac weeyaan miyaa ?
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment