Tuesday, 22 September 2009

DOOD FURAAN(HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE HORTA INIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYAA?)QORAAGA-MR GABOYE.

Toranto-23-September-2009(Gabooyenews)asc,marka ugu horeysa waxan halkan ka salaamaya dhamaan akhristayaasha sharafta iyo qadariinta mudan .salaantaas ka bacdi waxaan halkan ku soo bandhigaya dood cusub oo la magac baxdey(HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE HORTA INIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYAA?)doodan oo ah mid furaan oo ayna ka soo qeyb qaadaan karan dadka caqliga fayoowlihi ,doodan oo ah mid ku saleysaan takoorka iyo heybsooca lagu hayo umad islaama oo ka mida bulshada soomaaliyeed kuwaasoo ka soo jeeeda beesha gabooye taasoo daba socota dhacdadii dhawaan loo geystey wiil ka soo jeeda beesha gabooye ee heyb-sooca lagu hayo oo guursadey gabadh ka soo jeeeda beel ka mida beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka galgaduud gaar ahaan magalada gaalkacyo.taasoo ay lamanahasi guurkoodi ku muteysteen in labadaba la dilo balse ay hada ka baxsadeen magaalada gaalkacyo.

HADABA DUNIDAN AAN KU NOOLNAHEY WAXAA KA JIRA QUURSI & TAKOOR LAGULA KACO UMADO FARA BADAN , KUWAASOO AY SABAB U YIHIIN TUSAALE AHAN , DIINTA ,MIDABKA ,ISIRKA , AFKA ,DHULKA ,IWM, INTUBA WAA WAX LEYSKU TAKOORI KARO LEYSKUNA DULMI KARO , WAXAA MEELAHA QAARKOOD KABA JIRA ,DAD LAGUBA TILMAMO IN LAGABA FAANO IN JIRKOODA LA TAABTO , & QAAR KALE OO LAMIDABA , DULMIGA IYO QUURSIGA CEYNKANOO KALE AH WAXEYNU ORANKARNAA MAAHAN OO KALIYA KUWA AY SABABAAN ,AQOONLA AAN AMA JAAHILNIMO ,OO KALIYA EE WAA MIDEY SABAB U TAHEY ,DIIN LA AANTUNA , SABABTOO AH , DIINTA XAQA AHI WAA MID SI CAD UGA SOO HORJEEDA IN LA QUURSADO AMA LA DULMO QOF BINI,AADAMA ,SIDA AY INA FAREYSO DIINTEENA ISLAAMKA EE NABAD GELYO IYO NAXARIISTA BADAN ,

HADABA DHULKEENA SOOMAALIYA AYAA IYANA AH MEELAHA AY KA JIRAAN TAKOORKA IYO QUURSIGA OO AY MUDO QARNIYAAL GAARAYA AY KA JIRAAN TAKOOR & DULMI AY SABABTO CAADOOYINKA DHAQANADA FOOSHA XUN EE AY UMAD WALIBA UMADA KALE KA DHAXLEYSO ,HADABA QUURSIGA & TAKOORKA KA JIRA SOMALIYA GUUD AHAANTEED AYAAN LA MID AHEYN KUWA AYNU KOR KU SOO SHEEGNEY EE AY SABABAAN , DIINTA ,MIDABKA ,ISIRKA ,AFKA , IWM, SABABTUNA WAXEY TAHEY UMADA SOMALIYEED WAA UMAD ISKU DIINA ISKU AF AH ,ISKU MIDABA ,ILAA ISIRKA WADAAGA , HADANA WAXAA JIRTA IN UMAD MUSLINA OO WALALAHOODA AY BULSHADA SOMALIYED U GEYSTAAN MUDO BADAN TAKOORIS,QUURSI,DULMI ,XAQDUUDSI, XAQIRAAD LA XAQIRAAYO ILAA JIRI TAANKOODA.TAASOO KEENTA MARARKA QAAR IN SI BADHEEDHA IYO SI DADBANBA DHIBAATOOYIN LOOGU GEYSTO ,

HADABA DHACDADAN HADA TAAGAN EE TAKOORKA QUURSIGA IYO HEYB-SOOCA KU SALEYSAN EE LAGU FAAFIYEY SHABAKADAHA WARBAAHIINTA EE KU DHACDEY LABA QOF OO IS DOORTEY OO ISKU GAYAANA OO SIDEY DIINTEENA ISLAAMKU U BANEYSEY ISKU GUURSADEY OO IS XALAALSADEY EE MAGACYADOODA LA YIRAHDO (UBAX CABDI IYO MAXAMUUD CABDI)EE LOOGEYSTEY JIR DILKA IYO QUURSIGA AAN XADKA LAHEYN TAASOO HALIIS GALISEY HADA NOLASHOODA OO KEENTEY INEY HABEEN MADOW KA BAXSADAAN MAGAALADII AY DAGANAYEEEN OO MIDBA BARI IYO GALBEED AY NAFTOODA ULA BAXSADAAN ,WAXA HADABA LAGA YAABAA IN DADKA AKHRISTA DHACDADAN INEY KA NAXAAN AMA AY KABA XUMAADAAN OO AY KA MURUGOODAAN SIDA FOOSHA XUUN EE LOOLA DHAQMAAYO ,

BALSE ANIGU SHAQSI AHAANTAYO AMABA BEEL AHAANBA UMA ARKO DHACDADAN MID NAXDIIN NOOLEEH AMA WAXYEELO CUSUB OO NA SOO WAJAHDEYBA AMABA NAGU CUSUB MAANTA EE WAA MID SOO JIREENA OO WALIGEEDBA DHICI JIRTEY OO NABA SAANYADEY MUDO DHEER OO AADBA MOODO INEY DHACDOOYINKA SIDAN OO KALE AHI INEY NALABA GU,TIRSADAAN ,DHACDADANI WAXEY KA MID TAHEY DHACDOOYIINKA FOOSHA XUUN EE LOO GEYSTO BEESHAN EE AAN GAROOWSHIYAHA LAHEYNBA.

DHACDADAN AMABA FALALKA FOOSHA XUUN EE BEESHAN WEHESHADEY AYAA BADANA MARKA AY SIDAN OO KALE AY U SOO IFBAXDO DHACDO SIDAN HADA OO KALE AHI AMABA MID LA MIDABA DHIBAATOOYINKA HAD IYO JEER LOO GEYSTO BEELAHA LA HEYB-SOOCO AYAA MARKA AY UMADA SOOMALIYEED KA HADLAYAAN AMABA AY FIKIRKOODA KA DHIIBAANAYAAN AYAA WAXEY U NISBEEYAAN AMABA U TIRIYAAN INEY GEYSTAAN DAD JAAHILIINA OO AAN AQOON IYO CILMI BADAN LAHEYN DIINTEENA ISLAAMKANA SI FIICANBA AAN U AQOON TAASINA AY KALIFTO INEY DADKA SIDAAS U AQOONTA YARI INEY WAXWALBA GEYSAN KARAAN.

HADABA WAXA IS WEYDIIN MUDAN SU AALAHAN HOOS KU SAABSAN DADKAN JAAHILIINTA AHI AMABA WAX MA GARATADA AHI EE FALALKAN NOCANO KALE AHI EE ARXAN DARIDA IYO CADOW TINIMADA LIHI GEYSANAAYA ,

SU: MA MEEL GAAREY BULSHADA KALE KA DAGANYIHIIN OO MABA HEYSTAAN DAD AQOON LEEH HADEY TAHEY CILMIGA MAADIGA IYO CILMIGA DIINTA ISLAAMKABA ?
S:MA DADKA IS BIDAAYA INEY KA AQOON BADAN YIHIIN KUWAAS JAAHILIINTA AH EE FALALKAN BINI AADANIMADA KA BAXSAN KULA DHAQMAAYA UMAD WALAALAHOODA OO ISLAAM AY WADA YIHIIN ,AYAAN WAXBA U SHEEGEYNIN AMABA WACYI GALIIN UGU BANDHIGIIN INEY QALAD TAHEY OO XAARAAN AH DIINTEENA ISLAAMKUNA AANEY OGOLEYN ?
S:MISE MID AQOON IS BIDAAYA IYO MID JAAHIIL LA BIDAAYABA DAMBIGA WEY WADA LEEHYIHIIN OO MID WALIBA QEYBTIISA AYUU KA QAATAA FAL DAMBIYEEDKAN ?

S:YAASE MASUULIYADEEDA ISKA LEEH DAMBIYADAN IYO QUURSIGAN AAN GAROWSHIYAHA LAHEYN OO UU XIL KA SAARANYAHEY AMABA LAGALA XISAABTAMAYAA XAG AADAMI IYO XAG ,ALLAH,SWT,BA ?

S:MAXAASE KA HORTAAGAN INEY KA HADLAAN WADADA CULIMADEENA ISLAAMKA EE KU XEEL DHEER DIINTEENA ISLAMKU ? DAMBIYADA NOCAN OO KALE AH IYO KUWA LA MIDKA AH EE HAD IYO JEER LOOGEYSTO UMAD ISLAMA DIINTEENA ISLAMKUNA AY SI CAD UGA SOO HORJEEDO IN LA DULMO RUUX ISLAMA AMABA LAGU XAD GUDBO ,DAMBIYADA NOOCAASA QEYB INTEE LEEGBEY KU LEEHYIHIIN CULIMADA WADAADADEENU?

SHAKI KUMA JIRO MARKA AAD IS WEYDIISO SU AALAHAN O KALE INEY KUU CADAANEYSO CIDA KA MASUULA AMABA XILKEEDA GABEY EE UMADA KA HAGRADEY INEY XAQA ALLAH U BANDHIGAAN AMABA AY ,ALLAH.ST.DARTII UGA HADLAAN,HADABA WAXAA MASUULIYADA INTAAS LEEG WADA LEEH OO LAGALA XISAABTAMAYAA IF IYO AAKHIRABA WAA KUWA HORMOODKA U AH UMADA HADEY TAHEY MADAXDA IYO MASUULIYINTA MAAMULKA ISKA LEEH IYO KUWA AQOONTA IYO CILMIGA LOO TIRINAAYO IYO CULIMA,UDIINKEENA WADAADADA OO WALIBA HA U SII DARNAADAAN CULIMADEENA .WAXAAD ARKEYSAA SANADADAN DAMBE OO DHAN CULIMAA U DIINKA WADAADADU INEY HAD IYO JEER KA HADLAAN OO AY HORMOOD KA YIHIN KA HADALKA AMABA KA WACYIGALIINTA ,CUDURADA SIDA ,AIDS,IYO GUDNIINKA FIRCOONIGAA ,OO MEELKASTA AY JOOGAANBA AYKAGA HADLAAN WARBAAHIINTA OODHANA LAGU SOO BANDHIGAA ,WAXAASE ISWEY DIIN MUDAN TOLOW MAXAA INDHAHA AY UGA QABSADEEN INEY WADADADU CULIMA UDIINKU AY UGA HADLIWAAYEEN XAQDAROOYINKA IYO DULMIGAN LAGU HAYO UMAD DHAN OO WALALAHOODA OO AY ISLAANIMADU KA DHAXEYSO EE HAD IYO JEER LOO GEYSANAYO DAMBIYADA AANEY DIINTEENA ISLAAMKU OGOLEYN.

RUN AHAANTII MARKA AAD SII GUDA GASHO MOWDUUCAN WAXAA MARBA MARKA KA DAMBEYSA KUGU SII BADANAYAA SU,AALOOYINKA OO AH KUWO MAR UUN SIDA MOWJADII KUGU SOO FURMAYA KUWAASO AH SAWIRKA DHABTA AH EE JIRA ,ISKU SOO WADA DUUB FALALKA GABOOD FALKA DAMBIYADAN IYO KUWA LA MIDA OO HAD IYO JEER LOOGEYSTO UMAD DHAN OO ISLAAMA AYAA WAXAD OGAANEYSAA INAN RUN AHAANTII AAN LOO KAL HADHIIN DULMIGA IYO DUUDSIGA KU SALEYSAN TAKOORKA IYO HEYBSOOCA LAGU HAYO BEESHAN GABOOYE.WAXANAD OGAANEYSAA XAQIIQADA DHABTA AH EE AH INAAAN MARNABA LOO KALA HADHIIN OO NIN WALIBA QEYBTIISA UU KA QAATEY HEYBSOOCA IYO DULMIGAN XAQDARADA AH.

HADABA GUNTII IYO GABAGABADII WAXAD ARKEYSA GABADH SOOMAALIYEED OO ISLAAMA OO NIN AJANABIYA UU QABO OO AANEY DHAQAN IYO HIDO MIDNA AANEY WAXBA WADAAGIIN LAGABA YAABA INAANEYBA ISKU DIINBA AHEYN ,OO HADANA AY KUWADA QANACSANYIHIIN DHAMAAN QOYSKA AY GABADHAASI KA SOO JEEDO OO SI XUSHMAD IYO QADARIIN LEEH LOO TIXGALINAYO NINKAAS ANAJABIGA AH ,WAXAASE NASIIB DARO IYO AAYA XUMI AH IN NIN ISLAAMA OO WALAALKOODA OO DHAQAN IYO IINBA AY WADAAGAN HADDII UU GABADH KA GUURSADO IN SIDII MAS REER SOO GALEY MADAXA LAGA WADA DILO

HADABA WAXAAN DOODEYDAN KU SOO GABAGABEYNAYAA SU AASHA HALKU DHIGA U AH DOODAN OO AH (HADEY GODO IINANTA ANIGAA GUNAANADIYE HORTA ANIGA IYO GAALKA IYAAMA GAYA )

WAANA DOOD FURAN OO U FURAN CIDKASTA OO RABTA INEY KA QEYB QAATAAN.WAXANAD DOODAN SI GAAR AHAAN KALA SOCONKARTAAN SHABAKADAHA WEBSETKA (www.gabooyenews.com)

waxaanad wixii fikirkiina ah ama ciddii rabta iney ka qeyb qaadato doodan aad ku soo hagaajin kartaan EMAILADA hoos ku qoraan..

WABILAAHI TOWFIIQ.

DOODAN WAXAA FUREY OO IDIIN SOO BANDHIGEY.MRGABOYE.

QORE. BARKHAD XAAJI CABDI ,MR GABOYE.
Tafatiraha shabakada (www.gabooyenews.com)
ONTARIO CANADA.

Emeil:abokoriye1@hotmail.com.
Email:mrg@gabooyenews.com.

No comments:

Post a Comment