Friday 18 September 2009

BACALUUL IS QAAD-QAAD, QAB BUUSE CAGAHA KULA JIRAA !!

BACALUUL IS QAAD-QAAD, QAB BUUSE CAGAHA KULA JIRAA !!

shotlayBACALUUL IS QAAD-QAAD, QAB BUUSE CAGAHA KULA JIRAA !!

Waayuhu sirga-canaa, siyaasadu guracanaa, kululaa samaanadu, maanta-na MR XALIYE baa isaga oo ah qori daad wado, oo ay daad-xoortu kolba derbi liqsii-nayso la arkay isaga oo meel dooxi ka faruumay gelgeli-maysa-naaya, oo siddii awr GULAAN ah doobtii ka soo dhici wayday weli-ba aan cidla idiin soo taago’e, waa wasiir ku sheega NAALEEYE HABACSANE u qaabilsan xaraashka xoolaha umada ee MA GUURTADA ah, malaa weli maydin garan ee waa INA SULUB, oo siddii u caadada ahayd difaacaaya FAASHKA uu subaxii kula kalaho madaxtoo-yada si uu NAALEEYE ugu soo sheego guri uu dilaal u noqdo, waxan filayaa in aad wada maqalayseen wixii uu u derderay OGAAL maalintii shalay, hore baa loo yidhi oo hdal lagu dhameeyey:-

Hooyaadaa nin liitoow, haakah kuma tidhaahee,
habaar iyo qamuunyey, had iyo jeer la joogtaa,
hadhuubkii anfaaciga, adaa heesa-naayoo
haduu reerku guurana, kama furatid hawshoo,
hoheey bay tidhaahaa, markay hiilka doontee,

Waxba yaan ku talax tegin, ee malaha intaasi ku filan waxar-kan qaaq lehe ee meel uu maraayo iyo wuxu ku tororog lee-yahay aanay sal iyo raad midna aan lagu ogayn is yidhi wax ku ded fool xumada, iyo kaba qaad-nimada uu la soo gablaynaayo ninka uu leyahay daacad baan u ahay, laakiin soo dhigay ceebtiisii debeda isaga oo is leh wax qari, makhluuq ILAAHAY noocyo badanaa kana ma ku jiray waa yaabe iyo lama arage, wuxu ku hadlay inta uu afka kala waaxay, LABADDII MAAMUL ee kan ka horeeyey, RABBI HAKA WARAABIYO (CABDIRXMAAN IYO CIGAAL) JANADIISA’E wuu ka dhibaato yar yahay oo way ka qalafsa-naayeen, markaa-suu godka ku canaantay MARXUUMADDII asaasay ee dhidibada u joojay, rakibay-na dhuunta caanaha ah ee uu beenta ku jaqaayo, ma sidaas buu ma’suul ku yahay oo wasiir ahaan musha-haaro loogu qoray, oo uu xil ku garbaha u saaran yahay, mala isma oga ee ha la hoos dhigo rikoodh, si uu isu dhegaysto bal in uu in uun isla yaabo, waxa kqa sii daran oo iyana
ah af kala qaad iyo iska sii daa, reerka uu beenta dhawrka jeer ka sheegay, iyo CUBTA uu ku andacoo-naayo, waxa dibni-hiisa ka soo booday u qaadan waa aan loo fadhiyin taas oo ah, reerk odayaa-shiisu waxay ahaan jireen mucaarid ka soo hor jeeda somaliland iyo INA CIGAAL, ee ankaa ka dhignay MUXAAFID, ma wax aynu maqli karnaa-baa oo qof bini’aadam ah lala hor yimaado, miyaanu-se ahayn kii wasiirkii hore ee difaaca ee dhawaan xilka uu ka qaaday NAALEEYE markii ay isku qabsadeen guri uu rabo in uu iibiyo oo lacageeyo isaga oo xaraash la damcay in ay qaadato wasaarada difaacu ee intu gacan ula tegay wasiirkii,,weliba ciidan u adeegsaday, waxa la yidhi DAMEERO ISKU HALAYN BAY HOOYADOOD DABADA UGA NUUGAANE, isaga oo isku halay-naaya riyaale, wasiirkiina halkii xilka lagaga tiriyey calaa-shaan aniga baa sunta siiya NAALEEYE, saw maaha markaas dameertu geela hayga didiso’e weil-ba way ii quruf lee-dahay.

Waxa iyana ah midh subxaa-nale iyo waxaan meesha qaban, ninka weyn ee la shir yimi NAALEEYE baan daacad u ahay ee umadiisa khiyaamada ku boqno gooyey, afka iska mariyey guriyihii umadu dhxalka u lahayd ee cagta saaray madax ka koow siddii ay u dhamaayeen, meel ay jaan iyo cidhib dhigeena cid maqashay ama sheegaysa ilaa imikadan aan qorayo maqaalkan la hayn, ee hadana inoogu beybay-sanaaya daacad baan maamulka u ahay yuu u sheegayaa ee ka liita, uu ku beer laxaw-sanayaa ee uu damcay in la isugu soo taago, ama uu kaga helo food, BAIL IN UU MA HUBSADE WAALAN YAHAY HADI LA’AAN-TIISA haduu weliba isi-sii qalin daarayaa, iasaga oo isla wax baad soo jiida-naysaa, saw maaha waxba la’aan aad u daciif ah, ma’suuli-yada saara-nina waa ina wax kama jiraan IYO SAXAR DABAYLI WADO, waxay ka sii dhabaq-day, markuu ku dhawaaqa ee uu ku af-lagaa-dooday oday-gii reerka,kaas oo ah suldaankii beesha waa SULDAAN CISMAAN SULDAAN CALIYE , siga oo cadeeyey in uu
maamulka uu ka tirsan yahay la ficil-tamaayo SULDAANKA, qofku miyaanu ahayn mid wax isku falaaya, saw kan siddii nirgo gu’ dhashay af-dhuub-yaaleeyey, ee afarata haadaba marayaa, ee aanay dhulka wax ka ool, ilayn wax buu la hadi lahaaye, waxan ku soo xidhay wiilka waa la MARAYE bal ciddii rajo ka qabtaw qu’raan saara inta aanu duur joogta ka mid noqon.

*N.B SABOOL DIBIRAY IYO, DAMEERO SAYAX DAAQAY-BA WAY DANAANI-YAAN.
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment