Monday 21 September 2009

DAMASHAADKII CIIDAL FIDRIGA EE MAGAALADA OSLO

DAMASHAADKII CIIDAL FIDRIGA EE MAGAALADA OSLO

ciidwan
Kumaan Qof oo oo ka mid ah Somalida degan magaalada Oslo ee dalkaasi Norway ayaan maanta isugu soo baxay hold wayn oo ay ku gotaan salaada ciidaha, dadka oo wajiyadoodu ay ka muuqatay faraxa aad u badan oo isug jiray odayaal, dhalinyaro , dumar iyo dhalaan yar yar ayaa salaanta isu waydaarsanaayey holkaa wayn ee lagu qabto xaflada salada ciida .

In kastoo Oslo ay tahay wadan gaalaad oo aanay marnaba gaadhayn wadamada islaamka oo markaad aad joogto aad ka dareemi karto kor u qaadida shucuurta islaamka aya hadan laf ahaan teedu waa Oslo ee aanay dab yar shiday marka loo eego wadami badan oo ku yaala qaaradan Yurub taas oo aan ka dareemaysay in ay maanta tahay maalin ciid , shucuurtaaduna ay ku u kacaysay markaad aragto kumanyaal dumar iyo dhaalan ah oo is booqanaaya magaalo ilaa ka magaalo .

Damaashaadkan ciidal fidri ayaa aan la isku khilaafin sanadkan taas oo dhamaan wadamada islaamka gabi ahanba laga wada ciiday , marka laga reebo wadamo faro ku tiris ah oo ay ka mid tahay jamaahiirta Libiya oo iyagu shalaytu u damaashaada maalinta ciidal fidriga.

Ugu dambayntii hadaanu nahay bahda shabakada wararka ee Togaherer waxaanu lee nahay umada islaamta gaar ahaan Shacibka Somaliyeen meel kasta oo aad joogtaa ciid mubaarik kuli caam wa antum bi khayr

TAQABALALAAHU MINAA WA MINKUM SAALIXAL ACMAAL.

Warqabadka Togaherer

Oslo

Sawirada Ciida Soon-Fur ee Magaalada OSlo Norway
Ciida Soon Fur ee Oslo Norwayciid oslo3ciid oslo4ciidoslo2ciidoslo6ciidoslo7ciidoslo09ciidoslo88ciidoslo880ciidosloooo


Sawirada Ciida Soon-Fur ee Magaalada OSlo Norway
ciid oslo1ciid oslo3ciid oslo4ciidoslo2ciidoslo6ciidoslo7ciidoslo09ciidoslo88ciidoslo880ciidosloooo

No comments:

Post a Comment