Monday 28 September 2009

LABA NIN OO CARAB AH OO MAGALADA MÜNCHEN BAYERN EE WADANKA GERMANY LAGU XIDHAY.

LABA NIN OO CARAB AH OO MAGALADA MÜNCHEN BAYERN EE WADANKA GERMANY LAGU XIDHAY.

Policeka wadanka Jarmalka khaasatan magaalada munich ee gobolka Bayern , ayaa waxa ay qabteen 2 nin oo carab ah oo muslin ah , kadib markii wiigagii ina dhaafay uu wadanka Jarmalka soo gaadheen cajalado badan oo hanjabad ah oo qaarkooduna cod yihiin qaarkoodna maqal iyo muuqalba yihiin , cajaladahas oo nuxurkoodu ahaa AL QACIDA oo uhanjabaysa wadanka Jarmalka.
polizei
Cajamalahaasi waxay u hanjabayeen nidaamka hada haysta wadanka Jarmalka , waxaaanay ku hanjabeen in ay wadankaasi meelo badan ka qarxin doonaan kana dhex toosi doonaan, goobo iyo bartilmaamedona ay qarxin doonaan , dalabkooda ugu waynina wuxuu ahaa in uu Jarmalku si dag dag ah uga saaro cidamadisa wadanka afganistan ujooga.

Hadaba hanabadaahaas dartood ayaa waxaa aad loo adkeeyay xarumaha waawayn ee wadanka sida ,madaarada , xarumaha tareenada , bankiyada , iyo xarumaha waawayn ee dawlada .

Mar la waraystay Genaral ka Police magaalada MÜNCHENee gobolka Bayern WILHILM ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in 2 dan nin aan wax eedayn ah lagu haynin , se loo xidhay uun ka hor tag , waxaanu sheegay in ay xidhnaan doonaan ilaa bishan October dhamaadkeeda , waxaanu sheegay in marka ay dhamaato xaflad wayn oo lagu qabto magaalada MÜNCHEN sanad kasta bisha Oct aanu nimankaas sii dayn doono maadaama wax eedayn ah lagu haynin , mar kale oo la waydiiyay 2 da nin wadamada ay u kala dhasheen ayaa wuxuu sheegay in aan shaacin doonin madaama wax eedayn ah lagu haynin.

Labadan nin ee carabta ah ayaa waxay mudo dheer daganaayeen magaalada Munich ee wadanka Jarmalka , mar la waraystay afhayeenka Police ka ee magaalda munich oo la waydiiyay sababta labadan nin si gar ah loogu doortay ,
wuxuu ku jawaabay in nimankan lagu tiriyo islamiyiinta ad adag , nin hore loo xidhay oo asalkiisu Jarmal ahaa oo lagu eedeyay inuu ka tirsanaa Al qacida ay cilaaqo lahaayeen, se nimankan wax eedayd ah oo cad laguma hayo se kasii hor tag hanjbaadahaas ah ayaanu uxidhnay waanu sii dayn doonana marka wakhtigu munaasib noqdo .

Alaaba bishan soo socota ayaa xaflad wayn lagu qabta magaaladaasi MÜNCHEN taas oo la iskaga yimaado dunida daafaheeda munaasabadan oo lagu magacaabo October Festa waxaa la xusaa Biirka gobolka Baryn oo ah biirka ay ugu jecelyihiin galadu taas oo bishaas xafladan awgeed lagu kordhiyo Ackohisha intii hore loogu dari jiray ka kimiyad ahaan.

D.Shaami
Togaherer
Germany

No comments:

Post a Comment