Friday 18 September 2009

DOWLADA TALYAANIGA OO SHAACA KA QAADAY INAY BILAABAYSO QORSHE AY DIB CIIDAMDEEDA UGALA SOO BAXAYSO AFGANISTAN

DOWLADA TALYAANIGA OO SHAACA KA QAADAY INAY BILAABAYSO QORSHE AY DIB CIIDAMDEEDA UGALA SOO BAXAYSO AFGANISTAN

Dowlada Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeyso qorshe ay dib ciidamadeeda ugala soo baxeyso dalka Afghaanistaan.


berliskoni

Wararkan ayaa waxaa shaaciyey Raysalwasaare Silviyo Berloskooni, wuxuuna intaasi raaciyey in ay qorshahan kala tashan doonaan dowladaha kale ee xulafadooda ah ee ciidamada ka joogaan dalka Afghaanistaan.

Berloskooni ayaa shaagay inay shaacin doonaan xiliga ciidamada Talyaaniga laga soo saari doono Afghaanistaan, markii ay isku afgartaan xulafadooda.

Hadalka kasoo yeeray Raysalwasaaraha Talyaaniga ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii lix kamid ah ciidamada Talyaaniga lagu dilay weerar bambaano oo shalay ka dhacay magaalada Kabul, ee caasimada dalka Afghaanistaan.

Dowlada Talyaaniga ayay dalka Afghaanistaan ka joogaan ciidamo gaaraya 3000 kuwaasi oo halkaasi la geeyey sanadkii 2004tii, ciidamadan ayaa tan iyo intii ay dalkaasi tageen waxaa laga dilay 20 askari, balse weerarkii shalay ayaa ahaa markii ugu horeysay oo lix askari halmar laga wada dilo.

Shacabka Talyaaniga ayaa ayagu si weyn u dhaliila siyaasada Berleskoni, ayaan ku qanacsaneyn joogitaanka ciidamadooda ee dalkaasi Afghaanistaan.

No comments:

Post a Comment