Friday 18 September 2009

Siyaad Bare ma tariikh buu ka dayeey inuu dadka Somaliland Xasuuqo?

Siyaad Bare ma tariikh buu ka dayeey inuu dadka Somaliland Xasuuqo?

Wednesday, 18 September 2009
Mahad Nuux Muumin

Marka Hore waxaa salaan Mudan Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland, Sidaaynu wada Ognahaay Ninkii Maxamed siyaad bare la odhan jiraay, dalkii laysku odhan jiraay somaliya wuxuu ku qabsadaay Xukun milaatari, isla markii uu xukunka qabsadaay wuxuu bilaabaay inuu cadaadiyo dadkii somaliland udhashaay,cabudhin dil iyo duudsi ayuu ugeystaay,

lakiin sabaab ayaa meesha taalaay,markuu uu ninku ka qaabo dareen ama uu wax iskaga kaa tirinaayo wuu iska kaa difaacaayaa,sida imika dadka loola dhaqmo,maay jiri jirinba, waan ka xoog weynahaay ee iska kaay celi nin ka raagi waa geyaa,lakiin haduu ahaan lahaa shaqsi itaal liitaa oo aan cuduu lahaayn si edeb leh ayuu wax umaamuli,lahaa, waxaan odhan karnaa waxbuu isku hubay, cidna wuu iska difacayaay, waxaa jirtaay inuu siyaad bare bilabaay dhul boob oo xitaa uu damcaay dad somaliland udhalan inuu ku beero dhulka, waa laga dhiidhiyaay, waana layska celiyaay,

Nin haduu ciyaar ciyaar iyo quudhsi kugu toogto, waa mushaakil, siyaad bare waay jirtaay inuu xoog ku kala dareeriyaay, Barlamaankii Somaliya, lakiin ma tariikh inuu ku sameeysto ayuu ka dayeey? maaybaan odhan karnaa tariikh kamuu dayeeyn lakiin duruuf baa meesha jirtaay,sida imika aay dad yari tariikh uga dayaan wax walba siyaad bare ugama dayaayn, waxaa uu aminsaana waa laga soo horjeeda Xukunkaaguna Cadaalad kuma dhisna markaa quwadaha kasoo horjeeda baabi,dhamaantood, lakiin waay suura galiweydaay,

waxaay noqotaay riyo maalmeed aanaay waxba ka jirin nin walbana Itaalkiisi ayaa urun sheegay, dadka koonfur somaliya waxaay aaminsan yihiin in dadkan somaliland u dhashaay aay dagalmeen dhulkoodina xoreysteen,lakiin kawaran dadka qaar hadanaay kuba qirsanaayn,inaad Ri,gees ka ridaay?

Ma la odhan karaa Siyaad bare dadkii tageersanaa, iyo Dadka somaliland udhashaay waxbaka dhaxaayn jiraay,waligood? haa waay ka dhaxayn jiraay oo tariikh iyo degaan iyo dagaalba ka dhaxeyaay,waana sababtii kaliftaay in laysku dhaaco, somaliland inagu umaaynaan sameeysan inaaynu wax ku duudsino,balse kawaran hadii aadigaagi lagu duudsiyaay, oo lagu aarko inuu halgankaagii ahaa waxba kamajiraan, waa wax laga xumaado,waxaa dhacaayaa, markaanu media somaliland ka araagno maraarka qaar,waad khajilaysaaba,

Aflagaadooyinka qaar aan loo adkeysan karin, cayduna waa mabnuuc,waay Gun ka siman Galoolka iyo caydu waase laba geed, imika nuxurka sheekadu waxaay udhacaysaa Maadama siyaad bare uu cadeeystaay,inuu ku dulmiyo, dareen buu ka qabaay, oo Gobonimadaada itus buu ku lahaa,hadaad wax iga dhacsan kartid iga dhacso,aaynu wada hadalno iyo waxaasi, waa meel sookee,Hadaad gobonimo jcelaato ama aay Gocoto laabtaadu Gurmad sidii jabuutaa dagaal loo Girgiriyaah.

Mahad Nuux Muumin
mahad_nuux09@hotmail.com

Pakistan Islamabad

No comments:

Post a Comment