Saturday 5 September 2009

FARIIN KU SOCOTA MAAMULKA , MACALIMIINTA IYO ARDAYDA JAMICADAHA SOMALILAND

FARIIN KU SOCOTA MAAMULKA , MACALIMIINTA IYO ARDAYDA JAMICADAHA SOMALILAND

Fariin Ku Socota Maamulka , Macalimiinta Iyo Ardeyda Jaamacadaha Somaliland


Salaamu Laahi Caleykum ,





Ilaahey Mahad oo Idil Iska Leh , inaga Dhigey Umad Islaam Ah Kuwaas oo Wanaag Is Fara Xumahana Iska Reebah,

Ugu Horeyn waxaan Salaam iyo Duco Halkan U Marinayaa Dhamaan Shacab weynaha Somaliland , Gaar Ahaan Inta Wax Barata ,

Sidoo Kale waxaan Salaan Iyo Amaan Halkan uga Dirayaa Maamulayaasha ,Macaliminta iyo Dhamaan Hawlwadeenada Jaamacadaha Dalka Ku Yaal Oo Dhan ,

Wadankeena Somaliland waa Wadan Horumar Balaadhan Ka Gaadhey Dhinaca Tacliinta Marka Laga Hadlayo , wallow aynaan wali Gaadhin soona Taaban Bartii Loo Baahna ,

Jaamacadaha Dalka Ku Yaal waxey Sameeyee Horumar Lixaad Leh , Marka aynu u Eegno Caqabadaha iyo Wakhtiyada Adag ee ay soo Mareen,

Maanta Jaamacadaha Dalka ku yaal oo ay Tiradood Badan tahey sidoo kale wali kor u sii kacaya , waxeynu Odhan karnaa wali Ma Daboolin Baahiyaha Loo Qabo Helida Tacliinta Sarre ee Jaamacadeed ,

Sanad walba Xadi iyo Tirro Badan oo ardey Ah ayaa ka qalin jabiya Dugsiyada Sarre kuwaas oo u Baahan Waxbarasho Jaamacadeed ,

Hadaba , Maxaa La Gudboon Aqoonyahanada , Maamulayaasha , Macalimiina iyo Hawlwadeenada Jaamacadaha Dalka Gudihiisa Ku Yaal ? Si aynu u Helno Waxbarasho Qiimo Leh Iyo Ardey Tayo Leh Mustaqbalka .





Waxaan Talo Ku Siin Lahaa Dhamaan Gudoomiyaasha iyo Macalimiinta Jaamacadaha Dalka sidan:



1. In Ay Sameeyo Manhaj Tayo Leh oo Waxbarasho Kuliyad Walba , Iyadoo loo Dhago Lugnaanayo Manaahijta kale Duwan ee Caalamiga Ah ,





2. In Kormeerid , Xog ka Helid iyo Fiiro Gaar ah loo Yeesho Macalin Kasta oo wax ka dhiga Jaamacadaha si loo Ogaado in uu Aqoon waafi ah u Leeyahey Madaada ama Course uu Bixinayo , si Looga Hortago Khalad Fahmid Xaga Cilmiga Ah , Taas oo inoo keeni karta Dhibaato Culus.





3. In Wakhti Kasta Lagu Dadaalo sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Tayada iyo Aqoonta Macalimiinta Jaamacadaha Wax Ka Dhiga si aynu Ula Jaan Qaadno Caalamka .





4. In La Sameeyo Isku Dallad Kulmisa Macaliimiinta Jaamacadaha Dalka oo Dhan , Taas waxey kor u qaadeysaa isku Xidhnaanta Macalimiinta , Kala Faaideysiga Dhexdooda ah iyo wali is Caawin Dhex Marta Jaamacadaha Dalka,





5. In Macalimiintu U Qabtaan Ardeyda Barnaamijyo Ficil Ah (Practical) Ardeyda Ay Wax U Dhigaan , iyagoo is waafajinaya Madaada uu Dhigo Ardeygu iyo Waliba Nolosha Bulshada Dhexdeeda ,





6. In Awooda La Saaro Doorka ay Ardeydu Ku Leeyihiin Hawl U socodka Jaamacada, Loo Sameeyo Ardeyda Jaamacadaha Ku Jira Barnaamijyo Aqoon Kororsi Ku Saabsan Madaayooyinka ay ku Takhasusayaan ,





7. In Ay Jaamacaduhu Xidhiidh La Yeeshaan Jaamacadaha Wadama Kale, Tani waxey Keeni Kartaa in ay Kor U Kacda Aqoonta Ay Bixinayaa ,





8. In ay Jamacaduhu Xidhiidh Dhaw La Yeeshaan Shirkadaha Gacansiga , Goobaha Caafimaadka , Kuwa Isgaadhsiinta , Si Ardeyda Tabobar (Training) loogu siiyo Inta ay Waxbarashada ku jiraan Cilmiga ay Baranayaa , Sababtoo ah Ardey waxaa uu Fahmi Ogyahey Shey kasta oo uu Si Ficil Ah u Qabtey ,






9. In Ardeyda Laga Dhiso Waxyaabaha Aasaasiga Uah Waxbarashadooda Mustaqbalka , sida Luqadaha , Taas waxey Keeni Kartaa in Ardeygu Isagoo Dhinac walba ka Dhisan Qalin Jabiyo.





10. In Kor Loo Qaado Doorka Ardeyda Jaamacadaha ku jirta ay ku leeyihiin Bulshada Dhexdeeda , si ay Ardeydu ugu sii xidhmaan Bulshada , uguna Dabaqaan Cilmig Ay Barteen





11. In Ardeyda Loo Sameeyo Barnaamijyo Dal Barasho , Iyadoo ay bar bar socota in kuliyad walba Aqoonteeda lagu Dabaqo Deegaanada Dalkeena ,





12. In la Kordhiyo Kuliyadaha (Faculties) ay Bixiyaan Jaamacadaha Dalku Si aynu u Helno Bulsho Dheeli Tiran Oo Leh Xisaabiya , Maamule , Ingineer , Dhakhtar , Culimo, Sharci yaqaan , IWM



13. In Jaamacadu Sameeyaan Faracyo Jaamacadaha Hoose Yimaada kuwaas oo ku kala yaal Gobolada Dalka ,Degmooyinka , Si ay u Yaraato Buuqa Iyo Saxmada ka Jira Qaar ka mid ah Deegaanad Jaamacadaha Hada .



Kuwaas iyo in kale oo Niyadiina Ka Guuxaya ayaan Talo ku siin laha Maamulayaasha Iyo Macaliminta Jaamacadaha Dalka ,



Waxaan Jecleystey in aan Maqaalkeygan ku soo Qaato Laba Tusaale oo Runtii aad ii Cajabiyey , kuwaas oo Hadii Wadankeenii Laga Hirgalin lahaa wax weyn Utaraya Bahda Wax Barata ee Jaamacadaha ku Jira

Dhacda Koowaad waxey Aheyd Magaalo Madaxda Ethiopia Ee Addis –Ababa gaar ahaa Jaamacada New Generation University Mar aan joogey Halkaas Barnaamij aqoon korosi ah oo ay jaamacadu soo Bandhigtey , iyadoo ku soo Bandhigtey Gudaha Deyrka Jaamacada , Waxaa laga Dhex Furey Jaamacada Dhexdeeda Meher weyn oo (Supermarket) oo iibineysa wax kasta , Shaqaalaha ka shaqeyn Dhamaantood waa Ardeyda Dhigata Kuliyadaha Jaamacada sida Accounting, Administratio iyo Management, Ardeyda Waxaa Kor meer ku sameynaya Macalimiinta iyado la eegayo qaabka ay u hawl galayaan , sidey wax u Iibinayaan , u Maamulayaan , Meheradan oo Qiimaha ay wax ku gadeyso ka jabnaa ta suuqa ayaa Ardeyda Jaamacada Dhigata iyo Eheladooda ka iibsanaya waxey u baahdaan, Marka Meherada la xidho Habeenkii Macaliminta ayaa ka Tijaabineysa oo sida imtixaanka oo kale uga eegeysa ardeydu qaabkey wax u iibiyeen , iyadoo ardeyda Wixii ka Khaldan loo Saxayo ,

Tani waxey keentey in Ardeydu Aqoontoodii Kor u Kacdo iyagoo heley Fursad ay ku soo Tijaabiyaan waxey Barteen , Si la mid ah taas ayaa ardeyda Kuliyadaha kale dhigata ay u soo Bandhigana Waxqabadyo Aqoon Kororsi Ah ,



Dhacdada Labaad Waxaan Ku Arkey Jaamacadaha Dalkan Sudan Badankooda , Waxey Ardeydu Sameeyaan Barnaamijyo U Gaar Ah Kuliyad Kasta Taas oo Ay Ka Mid tahey in Ay Soo Bandhigaan Kuliyada ay Ku Jiraan Iyo Doorkeeda Bulshada , Sidoo Kale Waxey Sameeyaan Ardeydu Barnaamijyo Kale Duwan Sida Mid Dhaqan Ku Saabsan , Taas oo Qolo Walba ay ku soo Bandhigtey Hidaha Iyo Dhaqankooda , Taasi Waxey Kor U Qaadey Aqoonta Ardeyda Jaamacadaha Ku Jirta,

Barnaamijyada Noocaas Ah iyo Kuwa La midka Ahi waxey Kor u Qaadayaa Heerka Ardeyga eeAqoontiisa, Dhaqankiisa iyo Waliba dhex Galida Bulshada,



Guntii Iyo Gabo Gabadii , Aqooon La’aaani waa Iftiin La’aan , Cilmigu waa Nuur iyo Barwaaqo , Jahliga Waa Cadowga Koowaad ee Bini Aadamka Aakhiriyo Aduunyo , In aynu la Dagaalano Jahliga , isku kaashano waa Hadafkeena Koowaad , Balanteenu waa Cilmi Kororsi iyo Cidhibtirka Jahliga





Waad Mahadsantihiin







Fouad Abdisalam Hassan Haji

Public And Environmental Health

Alzeima Al Azhari University

Wad Madani , Jazeera

Sudan

National04@hotmail.com

No comments:

Post a Comment