Wednesday 30 September 2009

FIKIRKII FOOL HALAABAY IYO FOORUHU KICIYEY QAYBTII 2AAD

FIKIRKII FOOL HALAABAY IYO FOORUHU KICIYEY QAYBTII 2AAD

Oct 1, 2009 7:00
FIKIRKII
Fikirka fool halaabay iyo fooruhuu kiciyey (2aad)


Qaybtii hore waxaynu ku lafagurnay qormo gogol dhig ah oo aynu ku falanqaynay ereyga fikir iyo macnahiisa ,ahamiyada uu nolosha u leeyahay iyo qaybihiisa , waxaynu tibaaxnay in afsoomaaliga looga helaayo erey u dhigma kelmada (fikir) waxaana ballanteenu ahayd in aynu qormada labaad aynu bal wax ka nidhaahno fikradaha ay xanbaarsanaayeen laba maqaal oo uu qoray ninka layidhaahdo Ibraahim Yuusuf Axmed ( Hawd) ee kala ahaa aqoonta iyo diinta ,kankalan uu ahaa fuleyda fikkirka.

Hadaba waxaa fiican in akhristayaashu ogaadaan in fikirkan fool hallawsani uu yahay mid waa hore soo bilaabmay oo maanta aanu ugub ahayn ,waxaana taariikh ahaan aynu u celinkaranaa kadib markii ay bur burtay boqortooyadii cusmaaniyiintu ee caalamka islaamka badidiisa hogaamainaysay laga soo gaadho qarnigii 19 aad dhamaadkiisii ilaa bilawgii qrn 20aad . waxay arintaasi kukeentay dadka muslimka ah in ay awoodii ay ku lahaayeen aduunku ay daciifto ,iyo in lagaga hor maro xaga cilmiga sayniska iyo tiknoolajiyada ,taasoo keentay anfariir iyo indho daraandar isla socda oo aad moodo in ay muslimkii kusoo hanba bareen iyagoo reer galbeed sida hillaaca il-bidhiqdeed ku dhaafay, waxaanay is wey diiyeen sidee aynu uga daba tagnaa oo aynu horumar macnale usamaynaa ?
su aashaa waxaa laga bixiyey laba jawaabood oo isku lidi ah oo kala ah ; waa in aynu yeelo siday yeeleen oo nolosh iyo diinta kla saarno ,oo diintu ku ekaato xidhiidhka ilaahay iyo qofka ka dhexeeya oo aanay soo fara gelin nolosha bulshada ,haday tahay ;dhaqaale ,siyaasad, iyo hadaytahay aqoon iyo wax fikir .

Waxaanay dadka fikradan qabaa ku doodeen sababta dib inoo dhigtay in ay tahay diinta iyo nolosha oo aynu isku qasayno ,waxaana tusaale inoogu filan bay yidhaahdeen in hadii lakala saaro labadaa la hor maraayo yurubtaa ina dhaaftay .
Dhinaca kale hadaynu eegno waxaa qoladaa lidi ku ahaa koox kale oo iyagu ku baaqay in aynu dib-udhaca kaga bixi karno iyadoo loo laabto habkii iyo hannaankii Nebiga iyo sxaabadiisu u hirgeliyeen islaamka oo diinta ilays laga dhigto umadaha islaamka ahna lagu hago.
qolada hore waa duulkan aynu ku magacawnay fikirka fool halaabay oo aad moodo in hadalkoodu ku soo ururaayo halhayskii soomaalida ee ahaa ( hadii meel lagu il la,a yahay aad tagto ishaa layska ridaa) taasoo aynu uga jeedno waxay aamineen dadkaa horu maray waxay ku horumareen uunbaa lagu hore mari karaaye sidooda u dhaqma waxa ka dhimanina haynaga dhinaado waxa u dhamaystiranina haynoo dhammays tiraado . hayeeshee qoladaa hore waxay ugu jawaabtay wixii ina anfacaya ee aan diinteena ka hor imanaynin aan ka qaadano ,waayo waxaa hubaala dhammaan inta fiican ee ay ku hore mareen in aanay diinta ka hor imanayn laa kiin inta ay u nugul yihiin ee iin tooda ah waa in layska jiraa.
Hadab waxaad moodaa fikirkan fool halawsani inuu leeyahay tilmaamo lagu garan karo waxaynu ka sheegi doonaa laba tilmaamood inagoo tusaalayaala uga dhigi doona qoraagan aynu falanqaynayno fikradaha uu ku tebiyey maqaaladiisaa aynu hore usoo carabawnay .waxaa kamida tilmaamaha fikirka fool halawsan :
1/ inuu isbarbar dhigo laba wax oo aan isu dhigmin: hadaynu tusaale u soo qaadanao qoraageenan waxaad arkaysaa in uu leeyahay ” ragii caalamka islaamka u kacay ee is yidhi bal soo hindisa wado lagu hore maro waxay far waaweyn ku qoreen diinta haloolaabto .. halka reer yurubna ay taamid kaduwan qaateen waana taa ta keentay mashkilada ”
isagoo hadalkiisii siiwata qoraagu wuxuu leeyahay ” Jawaabteeda ugu weyni nimankaas waxay la noqotay: sababta oo ah diintoodii ayey ka tageen. Halkaa waxay ka soo saareen mucaaddalo sidan u dhigan: muslinka awelba diinta ayaa horumarisay, kolkii ay ka tageenna waa ay burbureen,
Garo oo taladaasi waxay liddi ku tahay tii ay Yurub qaadatay ee diinta iyo danaha adduunka lagu kala furfuray, qeybka iyo aqoontana lagu kala maareeyey.
horumarbaa laga hadlaayaye maxaa keenay dib haloo noqdo oo waqtigii nebiga haloo laabto”
waxaad moodaa qoraagu inuu is barbar dhigaayo laba wax oo aan is qabankarin oo kala ah; waa sidee sida yurub ku hor mari kareysay waagaa ay dib udhacsanayd? iyo waasidee sida muslimiintu dubu dhaca maanta kaga bixi karayaan ?
waxaad moodaa laba daa su aalood inuu iskusi uga jawaabay ,hasa yeeshee runtu waxay tahay hadaynu isle,eg xisaabeed ka samayno waa kaaf iyo kala dheeri qofkii yidhaahda labadaa isle,eg isku sibaan uga shaqayanayaa ,bal hada eeg waasidan : reer yurub+ diin = dib u dhac , iyo muslim+diin = horu mar, miyey suura gal tahay in aynu labadan isle,eg isku si u xalinaa? runtii waa maya waxaana sax ah sida labada qoloba uga shaqeeyeen,oo ah in yurubna tidhi ;diinta meel inagaga xidha qayrkeenbay inaga reebtaye ,iyo muslimkii oo yidhi diinta inagu celiya diin la,aantii way inala hadhaye, waasidaa sida caqliga saxa ihi u shaqaylahaa hadii laga tegi waayo reer yurubay ahayd aadamigu diin kama maarme,e tan lagu hor marayo inay qaataan. hadaba qoraagu isagu inuu islayaabo ayey ahayd eema ahayn inuu layaabo dadkii xisaabtaa siday tahay uga shaqeeyey ,laakiin waa fikirka fool halawsan iyo caadadii ee maaha ceebtii.midlabaad ayaa aad moodaa in uu qoraagu daah saaraayo oo uu doonaayo in uu si khalada u fasiro oo ah ,yaa kamasuula dib u dhaca maanta haysta caalamka islaamka? ,makuwa uu ku tilmaamayo in ay dadka diin ku habsaaminayaan oo tartanka nolosha loogu jiro ka reebayaan mise kuwa dhaqan gelinaya talooyinka uu bixinayo fikirka fool halawsani? runtii cida maanta mayalka u haysa caalamka islaamku waa asxaabta fikirka fool halawsan iyagaana kamsuula guul darooyinka iyo horumar la,aanta ku habsatay umadaha islamka ah , haa ,waynu ka garaabi lahayn hadii talada ay hayn lahaayeen dadka u ol oleeya in diinta dib loogu laabto oo nolosha lagu iftiinsado,laakiin gardaro ayaan u arkaa guuldaro fikirka fool halaabay uu galabsaday in uu kula soo gal gasho diinta iyo inta rumaysan in nolosha ay isbedel weyn ku smaynkarto .
Waxaa kaloo kamida meelaha kale ee uu isbarbar dhigayo laba wax oo aan is geyin ; markuuleeyahay ” Yurub waxay mar dambe ku badbaadday firfircooni ka soo bilaabatay qarnigii 15-aad oo isugu jirta badmaaxnimo dhiirran oo ganacsi iyo daahfur wadata, fan iyo farshaxan cusub, maskaxda dadka iyo siyaasadda oo gacanta kiniisadda laga furfuray, iyo Kitaabka Injiilka oo dad walba afkooda loogu turjumay taas oo damicii xumaa ee baadderiyada lagaga xoroobay.”
Waxaa haboon in la is weydiiyo , waa tarjumaad sideeya tarjumaada uu ujeedo qoraagu? maxaase yurub ku kalifey in ay baybalka luqooyinkooda ku tarjuntaan oo kamaaarmaan laatiinkii uu ku qoraa? . su aalahaa marka aynu kajawaabno waxaynu fahmayanaa sida uu qoraagu waddo qarda jeexan u jibaaxaayo ee laba xaqiiqo oo kala fog uu u kala qiyaas qaadanaayo.
su,aasha koowaad ; tarjumaada baybalka luqadaha kale lagu tarjumay akhristoow lama mid aha tan maatan quraanku ku tur jumanyahay ee umad walba afkeeda ugu tarjumanayahay , ee waxaa weeye in qolowaliba ay u haysataan kitaabkii ilaahay soo dejiyey ee muqadaska ahaa inuu yahay kan afkooda ku qoran oo aan dibna loogu laaban kii asalka ahaa,oo ay isku awood noqdaan xaga daliika iyo fasiraadaha nolosha dunida iyo aakhiraba ee uu kitaabku ka hadlaayo . hadaynu soo koobnana waxaa weeye in soomaaliga, induniisiga ,afqaaniga ,iyo dhammaan intii afgooniya ku hadashaa ay iska yeelato koobigooda quraanka ah oo la karaamo iyo baawarba ah kan carabiaga ah oo aanu waxba uga baahan . taasina waynu garanaynaa in ay cagta inoo saarayso jahawareerka maanta ka taagan dunida kiristanka ee ay haystaan kun baybal oo midba waxgooniya sheegaayo .
su,aasha labaad hadaynu u gondo degno ;sababta ku keliftay in baybalka ay luqooyinkooda ku tarjuntaan oo ay mid waliba lamadax banaanaato macnaha iyo tafsiirka ay bixinayaan aayadaha baybalku ,waxay bilaabantay markii qarnigii 15 aad aykaceen dhaqdhaqaaqyo diineed oo ka soo hor jeeda sida baaderigii weynaa ee rooma uu ugu amar ku taagleynayey nusuusta baybalka waayo, waxaa jirey xeer xukun qarboosha oo dhigaayey in baabuhu uu yahay cida keliya ee xaq uleh in ay tafiirto baybalka cidkaloo fasiri kartaana aanay jirain ,dhaqdhaqaaq yadaa kuwii ugu caansanaa waa kii uu hormoodka ka ahaa baadarigii jarmalaka ahaa murtin luther ninkaas oo ahaa dadkii ugu fadalada cad cadaa ee ku baaqayey in baybalka macnihiisa loo sinaado oo aan laga dhigin sir uu fahmi karayo baadariga kaatologa ugu weyni,waxaa kaloo sii xoojiyey waqtiyadaa waxaa yurub cirka isku shareeray xamaasada qoomiyadaha kala duwan ee reeryurub iyo xafiiltanka kadhexeeya taasoo qolo waliba inay iyadu tahay ta mudan ay isu arkaysey aanay doonrysay wax walba inay qaramayso oo xataa diinta ay u badesho diin qoomiyadeed. Hadaba aan is weydiinee inaga labadan masalo midkoodna mayna haystaa hadaynu nahay caalamka islaamka ,ma qoomiyad laga hor joogo fasiradda quraanka iyo nusuusta diinta ayaa jirta? ma qof amaba qoomiyad ay u xudun xidhantahay baajirta? maya taasi ma jirto waxaana tusaale ka ah culimad ugu waaweyn caalmaka islaamka mabay ahayn carab ;Abuu xaniifa oo afarta madhabood ee sunaha kamid ahi waa faarasi , siibaweyhi ,waa ninka qoray kitaabka qawaacida iyo naxwaha carabida sharxa ee ugu caansan uguna faa,iidada badan isna waa faarisi ,bukhaari oo ah isna ninka ugu hereeya ee axaadwiista nebiga khaladka iyo baylahda ka rabay isna ma ,aha carab ,waqtigan ay nu noolahay ninka axaadiista iyo sugideeda iyo kala shaandhaynteeda ugu haystay wuxuu ahaa ala ha,u naxariistee maxamed nasrul adiin al alnbaaniyi waana nin u dhashay albaaniya ,masoo koobi karno dadka sharaxa diinta haday tahay kitaab iyo haday tahay sunaba caanka ku ah ee aan carabta ahayn ,iyaga iskaba daa dadka dawladaha madaxda ka ahaa ,suugaanyahanada iyo faylasoofyada islaamka ah ee aan carabta hayn iyagu ciidaasay ka badanyihiin .
markaa baahi uma qabno quraan ku inuu noqdo sida baybalka ,kuwii sidaa sameeyey ayaa maanta khaati kataagan oo aqoonyahandooda diintu ay marar badan shireen oo is wey diiyeen sidee baynu u mideynaa macnaha iyo asalka kitaabka injiil ,laakiin ogaantay weli kumay guuleysan inay soo saaraan koobi keliya oo ka turjumaya waxa kiristanku uu yahay . hayeeshee lama yaabayno qoraageena waayo waa caadada fikirka fool halawsan in uu laba aan is lahayan isla doonto eemaaaha ceebtii
2/ inuuu is buriyo: waxaa kaloo kamida tilmaamah fikirka fool halawsan inuu sika hor yimaadao oo isburiyo ,bal hada u fiirso qoraageenan siduu isu burinayo markuu leeyahay “Dad baa moodaya caddaanku in ay ka xun yihiin jiritaanka xagjirka muslinka amaba dhab uga baqayaan. Ha ka yaabin. Mar qudha ayey ka xumaadaan waana marka ay danahooda u dhowaadaan, taas oo ay ka mid tahay in ay dal muslin ah taladiisa qabsadaan. Intaas ayey ka ilaashadaan, halkaas ayeyna ku eg tahay colaadda caddaanku nimankaas u hayaan. Intaa wixii ka dambeeya dan kama galaan haddiiba aanay raalli ka ahayn, waayo xagjirka waalani umaddiisa wuxuu ka reebayaa ama ugu yaraan ka hakinayaa tartanka adduunka” iyo markuu leeyahay ” Waxaa caado ah in la yidhaahdo gaal baa qiray in cilmigu Quraanka ku jiro”. Hadalka caynkaas ah halista ka buuxda oo aan tiro iyo xaddi lahayn aynu dhawr ka soo qaadno: 1) in aad diintaada marag uga dhigato gaal aan kula aaminsanayn waa kalsooni xumo arrinta kaa haysa haddii kale cid wax kuu tidhaahda uma aad baahateen; 2) gaalkaasi isaga oo maskaxda iyo aqoonta ku tiirsan, weligiina aan wax kale naf ka raadin, in uu adiga diin kugu sasabo danta uu ka lee yahay isma aad weydiin; 3) aadamigu nolosha wuxuu ugu jiraa loollan arxandaran oo tab iyo xeel iyo xoogba la isu adeegsado, sidaas darteed gaalka sidaas kuula hadlay waa in uu ku hodadaabiyo oo garashada kaa hoosaasiyo oo kugudhiirrigeliyo in aad fekerka iyo aqoonta kaga hadho diin .” labadaa goor iyamuu khaldanyahay saaxiibkeen ? ma marka uu inaga dhaadhicinayo gaaladu col lama aha dadka uu ku tilmaamay xagjirka aanu sabab uga dhigayo waayo in xag jirka waalani dadkiisa uu kareebayo horumarka aduunka ,mise markuu ina leeyahay gaalku wuxuu diinteena u amaananayaa si ,uu diinta inoogu hoodadaamiyo oo aan ku habsaano ? hadii diintu ina habsaaminayso oo gaala taa inala doonayo muxuu inooga hor joogaa kuwa ina habsaaminayaa in ay talada inoo qabtaan. ? waa fikrad aad isu burinaysa ,laakiin halayaabin waa fikirka foolhalawsan caadadii mana aha ceebtii .
waxaa kaloo aynu arkaynaa in uu isburinaayo qoraageenu markuu leeyahay” Halkan waxaa wacan in aynu carrabka ku dhufanno qeexitaanka aan qummanayn ee laga bixiyo ama laga qaato “Ilbaxnimadii Islaamka” iyo “horumarkii muslimiinta”. Waa run oo Diinta Islaamku waa sababtii iyo dhimbiishii ilbaxnimadaa hurisay, waa se natiijo ka dhalatay awood fikradeed iyo abaabul bulsheed oo ay diintu keentay: siyaasad ahaan, ciidan ahaan, dhul qabsi ahaan, dhaqaale ahaan, dhulmareen ahaan, afaf iyo aqoono ummado kale laga helay ahaan iwm. Waxyaalahaas ayey sida dabiiciga ah midiba mid ka dhalatay, waayo ilbaxnimo sideedaba ma aha “shay” qudha ee waa lakabyo ah fikrado iyo falal oo isbiirsada. Waxqabadkii cilmi ee muslimiintu ma ahayn curiyeyaal kiimiko, qaacidooyin xisaabeed, khariidado juquraafi iwm oo aayadaha iyo xadiisyada ka soo dhex saareen. Ilbaxnimada Islaamkuna ma ahayn damal lamadegaan ku yaalla oo mucjiso ku baxay, waxay se qayb ka ahayd kana faa’iidaysatay ilbaxnimooyinkii iyada ka horreeyey.” iyo markuu ina leeyahay” Halkaa waxay ka soo saareen mucaaddalo sidan u dhigan: muslinka awelba diinta ayaa horumarisay, kolkii ay ka tageenna waa ay burbureen…… horumarbaa laga hadlaayaye maxaa keenay dib haloo noqdo oo waqtigii nebiga haloo laabto”
labadan goorna koodee ayuu khaldanyahay ma markuu u aanaynaayo horumarkii islaamku gaadhay in uu yahay dhinbiil ay diinta islaamku hurisay ,mise markuu leeyahay waa dib udhac dhibiishaa in dib loogu laabto oo marlabaad ilbaxnimada dentay halagu huriyo,labadaa goorna waa koodee kuu wareersanyahay ee meel kale wax ka eegayaa . mid uu qoraagu kuwareega caddaysanayo oo aan ilma yarina aamini kari ayaa jirta waana markuu leeyahay ma diinbaa dawooyin iyo mashiino dhex kuududa laga helayaa ,amaba uu leeyahay masxafka quraanka laga soo helimaayo iyo aayadkiisa sida daawooyinka amaba wershdaha iyo wixii lamida loo farsameeyo.waxay ilatahay cida keliya ee sidaa u fikiraysaa waa qoraaga ,waxaanu samaystay humaag beena oo ah in ay dunida ku uuman yihiin dad sidan u firayaa , dabadeedna humaagaas ayuu naqdintiisa u qalabqaatay ,hasayeeshee waxaan leeyahay humaagaa kasoo hadh oo waxaa haboon in laga doodo ,horta mabda,a dadka horu marinayaa waa mid sidee ah ?mamid wax wal oo dadku ubaahan yahay oo nolosha kamida buugaag ugu diyaariyey oo dabadeedna loo baahanyahay keliya in buugaagtaa la akhriyaa ? sida qoraagu ku macnaynayo inay aaminsanyihiin dadka u ol olaynaya in diin ta loo laabto ,mise waa mabda,a dadka siinaaya qaaciidooyinkii iyo wadiiqooyinkii uu uga anba bixi laha tubta horu marka ?
Kaahore waa humaag beenaadka ku samaysan maskaxsda qoraageena cid qabtaana majirto ,kanlabaadbaana laga doodi karaa diinta islaamku amaba mabda,a kasta oo laleeyahay dadka halagu dhaqo, mayahay mid ku si faysan mise maaha ,oo waa mid hor istaagaya
horumarka iyo kor u qaadista nolosha bulshada?
Waxay ila tahay diinta islaamku boqolkiiba boqol waamabda,a keliya ee si dhammaystiran u buuxunaya shuruudaha umadi ku hor mari karto ,weliba wuxuu dheer yahay mabaadi,da iyo diimaha kale isgoo caalimkasta oo ku takhakhusay laan cilmiga kamida hor dhigi kara xujo iyo hal xidhaale uu lawareero oo tusi kara xaqnimada diintan.
aan ku soo gunaanadno faalada aynu kabixinayno qoraalada uu sameeyey hawd hadalkan uu ku muu jinayo mawqifka dadka diinta u ol oleeyaa ay ka taaganyi hiin nolosha casri yeyn teeda guud ahaan gaar ahaan fanka waxaanu tibaaxayaa” Bulshadana waxaa lagu haynayaa meel aan anigu u bixiyey erey diineedka ah “barsakh” – meel laba nololood u dhaxaysa. Wax waliba waa xaaraan. Bidix iyo midig midna looma jeesan karo. Hor iyo dib midna looma tallaabsan karo. Hadalka afka ka soo baxaya waa la tirinayaa. Maqalka iyo muuqaalka la oggol yahay waa inta uu qol afargees ahi qaado.

Far haddii la dhaqaajiyo waxaa la moodayaa in la halligmayo. Halaaggii la soo maray oo dhan waxaa sabab looga dhigayaa xeerarkaa kore oo la jebiyey. Fanka iyo farxadda iyo fannaannimada iyo halabuurka duwan ee xorta ah iyo furfurnaanta bulsheed iyo hanka iyo higsiga horumarku, giddigood waa fusuq iyo faasuq”
Waxaa wax lala yaabo ah in marka dadka qaar loo sheego waxa noocaas ahi mabanaana ay arinka ka dhigaan in albaab walba laga soo xidhay oo dhankay u nuuxsadaanba dhadhaab adag laga saaray ,waxaa kamida qoraageenan waa xagee xagay kajirto aragtida ah in noloshii edeg yar oo afargees ah siduu qoraagu tilmaamaayo lagau soo xidhay ,laakiin xaqiiqda jirtaa waxy tahay in tilmaamaha fikirka foolhalawsan ay kamid tahay ,in uu buun buuniyo qodobada fara ku tiriska ah ee islaamku uu ka xakameeyey dadka taasoo iyaga loogu danaynaayo, lamanahayo culimo firfir coonida maskaxda iyo hal abuurnimada ku soo rogtay xukumo xaaraana, laakiin waxaa ugu wacan qayla dhaantan ah; barsakhbaa dadkiilgu ooday waxaa weeye, marka aynu canaanao inamadeena dalalka gabeedka la ashqaraarsan lana dhacsan horu marka aysameeyeen ,ee markay karti u yeelan waayeen culuuntaa heerka sare ah nookeenaaya kilaab iyo qoob kaciyaar aynu nidhaahno synis iyo farsamada casriga ah noo keena oo nagadaaya qoobka ciyaarka iyo inta reeryuruba ugu liito ,oo cayaari nooma taala,e hadaad wax dadkaa nagaadhsiiya haysaan nookeena cilmiyada nolosha waxkataraya ayey u fasiraan in meel walba laga soo xidhay..Hadaanay sidaa aan sheegaayo ahayn bal ha sheego qoraaagu culimada ladagaalantay mishiin casriya oo nin hindisay, amaba cilmi dadka waxtaraya oo la daah furay kadibna culima deedafeysey.
waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan ,akhristaw waxaan qaybta saddexaad ku soo bandhigi doonaa laba maanso oo aan alifey mu haada laga joogo 15 sano ,oo midna ay khusayso fanka iyo sida diintu u aragto ,midna ay shiishka saarayso, diinta iyo nolosha in lakalasaaro, in aanay taasi suurta gal ka hayn caalamka islaamka iyo buuqa ay ka dhalisay arintaasi dunida muslinka .
waa inoo qaybta danbe iyo anoo soo horey siin doona maansada ka hadlaysa diin ta iyo noloshu inaany kala maarmeyn .

Mohamed Hassan
hirrig@hotmail.com
USA

HALKAN HOOSE KA AKHRI QAYBTI HORE

FIKIRKA FOOL HALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(1aad)

Waxaan halkan ugu mahad celinayaa bahda toga herer waxaanan halkan ku soo gudbinayaa maqaal daba socda doodihii ku saabsanaa fuleyda fikirka iyo diinta iyo aqoonta oo uu qoray ibraahim yuusuf axmed “hawd” waxaa kaloo aan iyana bogaadinayaa intii sida hufan uga qayb qaadatay ,waxaanse dhaliilayaa Mudane hawd oo ay suurta galtahay in ay ku kaliftay inuu sidan u fakiro waayahay adag iyo xaalada cakiran ee ay ku jiraan guud ahaanba inta magaca islaam sheegata gaar ahaan inta aynu ku abtirsano.arintu sikastaba ha ahaatee maqalkaygan waxaan ka dhigi doonaa laba qaybood oo aan kaga hadlidoono ; qaybta hore faalada ku saabsan waamaxay fikir iyo ? Imisuu u qaybsamaa ?waamaxay doorka uu ku leeyahay nolosha aadamiga ? Iyo bal in ereyga fikir mid u dhigma laga heli karaayo afka soomaaliga . Qaybta labaad waxaan bal faaqidi doonaa hadaladii walaalkay hawd anoo bal muujin doona sida ay xaqiiqada uga fog yihiin , aan ku bilaabo:
Waamaxay fikir?
Runtii si aynu ufahamno mushkilada soomaalida haysata waa in aynu fahamno ereyga fikir macnihiisa waxaana aynu odhankarnaa fikir waa” hawl uu qabto garaadka aadamigu taasoo kadhalata waa yaha nolosha iyo dhacdooyinka waayahaasi xanbaarsanayahay ee qofka amaba bulshada , taasoo dareenka ku dhalisa inuu day dayo sidii uu uga jawaabilahaa dhacdooyinkaa.”
Taa macnaheedu waxaa weeye fikirku waa natiijo ka dhalata falgalka ay sameeyaan maskaxda iyo waayaha nolosha aadamigu. Hadaba hadii maanku marin habaabao waxaa dhacda khatar weyn oo ah inuu qofka amaba bulshada ka tuuro jar iyo haadaan . Dhacdooyinka noloshu waa kuwo soo laab laabta oo wanaag iyo xumaanba xanbaarsan ,laakiin cida dhacdooyinkaa go,aan saxa oo lagu guuleysto , amaba khaldan oo lagu guul daraysto ka gaadhi kartaa waa falka uu qabanaayo garaadka iyo caqliga aadamigu, ee aynu ku magacawno fikirka .
Waxaa iyana in wax lga yidhaaahdo mudan qodob ay ka dhawaajiyeen walaalaha maqaalada ka qoray arintan oo ay u e kaayeen in ay u arkaan in aan erey u dhugma fikir oo afka soomaaliga ah aan la heleyn ,hasayeeshaa anigu waxaan qabaa in lahelaayo waxaana u dhigma ereyga layidhaah( Dhugasho)
Waxaana taa aan ku caddyanayaa laba arimood ; tooda hore soomaalidu waxay tidhaa ; arintaa dhug,u yeelo,hadalkiisa mabaan dhuganin,iwm oo lamacna ah arintaa ka feker,arintaa kamabaan fekerin. Tanlabaad; soomaalidu waxay tidhaa : kaalaya dhug-tana,e oo ay uga jeedaan in ay ku tartamaaan shiishka iyo abaarida yoolka latooganayo waxaanay umuuqataa in tani asal tahay oo taa hore iyada kasoo isiranatahay aan dhugtano waa hawl maskaxda laga qabanayo oo ficilkuna fulinayao ,markahore ku beegida yoolka iyo ku sargoynta halka lala beegsanayaa garaadka ayey ka imanaysaa oo dhuganaya ,kadib ayuu ficilku fulinayaa ,macnaa maskaxdaa ka fikiraysa sidii ay u ay ficilkan ugu suuro gelin lahayd inuu abaaro meesha la tooganayo .
Guud ahaan waxaynu odhankarnaa labadu waa isku dhawyihiin oo waxaa kulan sanaya inay yihiin fikir qoto dheer oo la rabo in surma seegtada laga rabo..
Doorka uu Fikirku ama Dhugashadu Kaqaadato Natiijada Dhacdooyinka:
Qofkastaaba amaba bulsho kastaaba sida ay noloshoodu tahay waxaa sabab muhim ah ka ah, sida qofkaas amaba bulshadaasi u fikirto,taamacnaheedu waxaa weeye fikirkeena ayaa dhala xaaladaheena nololeed hadaytahay; mid dhaqaale siyaasadeed bulsho iyo aqooneedba.Tusaale aan kabixino sida fikirkeena amaba dhugmadeenu ay usababto xaaladeena nololeed.
Cudurka layidhaa Tb waa cudur lawada yaqaano , aan tusaale ku bixino laba qof oo cudurkaa laba fikradood oo kaladuwan ka kala qaba .Qofka hore aan u bixino(A) qofka lbaadna aan siino tilmaanta(B) .Hadaba – A- wuxuu ka aamin san yahay xanuunkan fikrad khaldan oo ah in; ay ceebtahay in lagu ogaado inuu qabo cudurkan ,sidaa aawadeed xataa qufaca waa uu isku xidhayaa oo hoos hoos buu u qufacayaa ,weelka uu wax ku cunaayo amaba ku cabaayo dadka ehelkiisa iyo asaxaabtiisa uga digi maayo waayo ma doonayo in la ogaado inuu xanuunkan qabo.Hadaba fikradaa amaba dhugashadaa khaldani maxay sababtay ? Waxy sababtay in uu horta -A- uu sahaydo cudurkaasi oo uu u dhinto ,dhinaca kalana waxay sababtay in ay fara caaradood ku samata baxaan in badan oo ehelkiisa iyo asxaabtiisa ahi oo ay ku baraarugaan dhimashdiisa dhakhtar iyo daawana iskula taclaan.. Kaasi waa -A- hadaynu eegno bal dhugashada uu uyeeshay cudurkan – B- waxaynu arkaynaa isagu wuxuu qaatay fikrad taa kaduwan ooah ; in cudurkani caadi yahay ,inuu iska daaweeyaana waajib tahay,inuu ehelkiisa iyo asxaabtiisa uga digaana ay tahay masuuliyad saaran. Natiijadii dhugmadaa amaba fikradaasi maxay ka noqotay? Waxay noqotay in ; uu horta -B- Bad baado dhammaan bulshadii ku xeernayd ee ehel iyo asxaaba ahadydna uu bad baadiyo .
Saw ma aragtid labada natiijo ee ka dhashay labada fikradood ee kalduwan, tasi waxay tusaale fiican utahay in fikirkeenu amabad hugashada aynu u leenahay waayaha nolosha ka dhacaya uu yahay ka xadidaya ee mayalka u haya hab nololeedkeena .Sidaa aawadeed waxaynu odhankarnaa hurumarka qofahaan amaba bulsho ahaan lagaadhaa waa mid kadhashay fikirka saxda ah ee qofkaasi amaba bulshadaasi nolosha ka qabto,sidoo kale dib u dhaca iyo burburka bulsho amaba qof ee dhacaa waa mid ku yimi fikirka khaldan ee qofkaasi amaba bulshadaasi ay ka qabto nolosha.iyo waayaheeda.
Nocyada Fikirka :
Fikirka waxaynu u qaybun karnaa saddex qaybood oo waaweyn, waanay dhici kartaa in dadka qaar ay in kabadan u qaybiyaan ,laakiin waxaynu ku soo koobaynaa muhimka .
A/ Fikirka korxaadsiga:
Runtii sida uu ina tusayo macnaha ereyga ( korxaadsi) noocan fikika ahi , waa mid ki tilmaaman inuu dhacdo kasta oo soo waajahda uu kaga koobsado muuqaalka sare iyo sida marka u horaysa ay qofka ula muuqato,mana sii baadh baadho su,aalo iyo sababo toona iskama weydiiyo arimaha markaa lagudboon ,hoosna uma daadago ee korkaa sare ayuunbuu ku qancaa.
Hadaynu tusaale usoo qaadanao fikirka ama dhugmada noocan ah ; aan tusaale ku bixino nin safar ah oo soo maray geed wada cagaaran oo hadhaca midho casaan iyo huruud amaba jaale isugu jiraana laamihiisa ay rucub rucub uga lu shaan ,nnkii wuu ladhacay geed kii iyo midhihiisiiba waxaanu kabuuxsaday midhihii kiish isagoo ku talagalay inuu rerkiisa uga dhigo khudrad ay ku faakahaystaan !, markii uu xaaskiisii uyimi ayuu ku yidhi : midhahaa cuna waa midho fiicane,markaay eegtayba waxay ogaatay in midhahani yihiin midho sun ah oo ay weligeedba taqaanay ,intay eegtay ayey su,aal ku cekisay oo ay tidhi :adigu ma cuntay ? Wuxuu ugu jawaabay: maya maba ahaleelin ee bal ii dhiib . Waxay ugu jawaabtay: midhahani waa midhaha laga smeeyo sunta layidhaah .dhunkaasha ,hadaad cuni lahaydna namaad soo gaadheenba !
Wuxuu fikirkani inoo muujinayaa khatarta ay leedahay qofka ay caadada ay utahay in uu arimaha inta ugamuuqata uun uu ku ekaga ekaado ,ee aan baadhitaan xaqiiqadooda ku saabsan samayn,.waxaa ku filayd in uu horta geedkan dadka weydiiyo ;magaciisa ?,muxuutaraa,?dhib iyo dheef maxay midhihiisu leeyihiin? . laakiin haduu muuqaalka guud eegeedka oomkeliya ku qanco oo uu isga qaato geed manaafacaadleh khatarteeda ayey leedahay. Waana noocaa khataraha ka dhalankara fikirka korxaadsiga ,fikirkan astaantiisa muhimka ahi waa degdeg iyo sabir daro ,waayo inaad hesho xaqiiqada dhabta ah ee ay xanbaarsanyihiin dhacdooyinka nolosha kaa soo waajahayaa waxay ubaahayanyihiin hubsasho iyo u fiirsasho
B/ Fikir iftiimaya :
Fikirkani ama dhugmadani waa mid garan karaya tafaasiil badan oo dhacdooyinka iyo waayahay nolosha inagaga imanaya ,waa fikir ka gudbay kor xaadsi oomeelo badan arimaha ka fiiriya oo rogroga,intabadana si saxa u kalasaara talada haboon iyo ta guracan ,wuxuu isku hawlaa inuu helo tafaasiil badan oo ku saabsan waayaha iyo duruufta la noolyahay ,hasayeeshee awooda masaaro inuu xaqiiqada dhabata ah ee dhacdooyinka ka war keeno .
Fikirkana aan tusaale kabaixino ; tusaale ahaan : ninbaa la diley ,fikirka noocan ahi wuxuu is weydiiyaa ; yaa diley ? Maxaa loodiley ? Tafaasiisha ku saabasan labadaa su aalood ayuu aad isugu hawlaa ,oo haduu helo jawaabo caqli gal ah wuu ku qancaa tusaale ahaan wuxuu helay jawaab odhanaysa , nin deyn kule ayaa diley, waxaanu udiley deyntiibuu iska bixinwaayey, labadaa sabadood ee maan galka ahi waxay qanciyaan dadka ku sifaysan fikirkan iftiimaya.
C/ Fikirka qotada dheer :
Fikirkani waa mid dhacdooyinka gun iyo baarba fiiriya ,baaxadooda iyo mugoodana miisaama ,sababtooda iyo u jeedadoodana baadhaya .waxa uu kaga duwan yahay fikirka iftiimaya ee hore fikirka iftiimaya xaqiiqada dhabta ah iyo sababta runta ah ee dhacdooyinku way ka maqnaan karaan laakiin fikirkan qotada dheeri waxuu inta badan ku dadaalaa in uu arimuhu siday yihiin u ogaado .hadaynu ku noqono tusaalihii hore ee ninkii la diley ee aynu soo tilmaam,nay in fikirkii aynu ku tilmaamanay in uu yahay mid ifaaya uu ku qancay tafaasiisha caqligalka ah ee kooban ee ahayd in ninkaa uu diley nin deyn kulahaa oo uu deyntii siin waayey . Fikirkan qotada dheeri kuma qanco intaa ,,waxaana astaan u ah in uu aaminsanyahay in ay sababo badani ay keeni karaa hal dhacdo ,tilmaanta labaad ee ugaarka ah fikirkan qotoda dheer waxaa weeye inuu kashakiyo sababo badan oo daka ula muuqda caqli gal. hadaynu si kale u nidhaahno waa fikir ama dhugmo awood u leh inuu sababta dhabta ah kala soo dhex baxo sababaha runta u eeg ee ay dadka badankiisu si fudud ugu qancaan.hadab fikirka qotada dheeri aan kulaabano ninkii ladileye, wuxuu is weydiiyaa su aalo dheeraada oo dadka badankiisa ay ka qariso jawaabaha caqli galka ah ee judha hore ay helaan waxa uu isagu is weydiinayaa; ninka laleeyaha ninka wuudiley maka suurtowdaa in uu arinkan ku kaco ? si,uu u ogaado ninkan ayuu soo baadhayaa ,tusaale ahaan wuxuu soo helayaa in ninkani uu dadbadandeyn kadhaafay qaar badan ookalena kumleeyahay ,nin fiicana uu ayahay ,sidaa awgeed wuu ka shakiyayaa in uu isagu diley ,wuxuu sii wadayaa yaa kale ee dani ugu jirtaa in uu dilo wuu baadhayaa taana tusaale ahaan wuxuu soo ogaanayaa in ay is hayeen nin hinaasi ah oo xaaskiisa uga shakisnaa . Wuxuu go,aaminayaa markaa in ninkan uu dilay ninkaa hinaasiga ahi oo aanu dilin nikii deynta kul;ahaa sababahan awgood ,waata koowaade ,ninkan oo sifooyinka laga sheegay aanay ka suuroobin dilku,waatan labaade ,hinaasaha oo ah arin dhinaca maskaxda wax u dhimikarta kuna kelifi karta qofku inuu wax dilo.
Runtii dadka fikirka noocana ku sifoobaa waadad aad u tira yar bulsho kastana fara ku tiris aye ka yihiin .fikirka noocani labadiii fikir ee ay nu soo carrabawnay labadaba wuu kaduwanyahay ; fikirka kor xaadsiga wuxuu kaga duwan yahay degdeg la,aan oo waa fikir aad u cag culus arimahana kabaaaraan daga .
Fikirkii iftiimayeyna wuxuu kaga duwanyahay ,tafaasiishu iyo sababauhu haba bataane kama daahi karaan xaqiiqada dhabta ah ee dhacdooyinka waayuhu xanbaarsanayihiin.
Hadab bal halkaa aan ku joojino qayba 1aad ee maqaalkeena . Waa inoo qaybta labaad iyo inagoo wax ka tilmaamna fikirka fool halaabay iyo fooruhuu kiciyey.

mohamed hassan
hirrig@hotmail.com
USA

No comments:

Post a Comment