Saturday 26 September 2009

SIYUM MASFIN SOMALIA WAXAY U AFDUUBAN TAHAY DAGAALYAHNSHISHEEYE AJANDAHA AY WATAAN WUU KA BALAADHAN YAHAY DAGAALKA SOMALIYA

SIYUM MASFIN SOMALIA WAXAY U AFDUUBAN TAHAY DAGAALYAHNSHISHEEYE AJANDAHA AY WATAAN WUU KA BALAADHAN YAHAY DAGAALKA SOMALIYA

27 September, 2009
seyoum_mesfin
Wasiirka arimaha dibadda Ethobia Siyum Misfin oo xalay ka hadlayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada midoowey ayaa si weeyn uga hadlay xaaladda Somalia, isagoo beesha caalamkana ku eedeeyay in aysan wax weeyn ka qaban dhibaatada Somalia.

Wasiirka waxa uu shegay in dagaalka haatan uu ka gudbay somalida dhexdeeda isagoona sheegay in Somalia ay u afduubantahay dagaalyahano shisheeye oo ajandaha ay wataan uu ka balaaranyahay dagaalka Somalia.

Wasiirka ayaa yiri in taageerada ay heestaan islaamiyiinta ay ka balaarantahay midda dowladda ay haysato, isla markaana ay jiraan kooxo koolkooliya waxa uu ku sheegay xagjirinta mayalka adag.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday weerarkii isqarxinta ahaa ee todobaadkii hore lagu qaaday ciidamada AMISOM eek u sugan Somalia, waxa uuna sheegay in kuwa doonaya burburinta Somalia ay ku qanceen in ay Somalia ay foowdadaas isaga jirto.

Wasiirka ayaa beesha calamka ku dhaliilay in aysan qaadin talaabooyin isku dhan ah oo ku aadan waxa uu ku sheegay la dagaalanka argagaxisada Somalia.

Waxa uu beesha caalamka ku booriyay in ay ku baraarugto Somalia hadii kalena ay qatar aad u xooggan ka soo scooto dalkaasi waa sida uu hadalka u dhigay.

Musfin ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay digniin uu ka bixiyay xaladda dhabta ah ee ka soo socota Somalia oo uu Qaramada midoowey ugu baaqay in si deg deg ah u caawiso dowladda KMG ah ee Somalia.

No comments:

Post a Comment