Saturday 5 September 2009

EUROPE OO LAGA BILAABAY UGAADHSIGA SHAKHSIYAD TAGEERA AL-SHABAAB

EUROPE OO LAGA BILAABAY UGAADHSIGA SHAKHSIYAD TAGEERA AL-SHABAAB


Norwey (Oslo).....Mid ka mida taageerayaash Al-shabaab ayaa codkiisa la duubay, isaga oo ku baaqaaya in la teegeero Argagixisada uu la jiro. Duubida Codka ayaa loo adeegsaday Telephon-ka Mobile-ka ah.

Baadhitaano Quto-dheer oo ay sameeyeen Police-ka Norway ayey ku cadeeyeen ninkii lahaa codka, ka dibna waxa la soo taagay Maxkamad, waxaana lagu xukumay laba sano oo xadhiga. Wakhtigii uu xabsiga gali lahaa ayaa ninkii la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Police-ka Oslo ayaa aaminsan in ninkaasi dalkooda ka baxay, isla markaana lagu war-galiyey Interpol-ka in la soo qabto.

Dhibaatad iyo colaadaha ka Oogan Somalia ayey Somalidu u soo dhoofiyeen debedaha, waxaanad arkaysaa maalin waliba iyaga wakhtiga ku luminaaya kala taageerida dhiig-cabayaasha iyo Argagixisada ku dagaalamaaya dalkoodii hooyo.

By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment