Tuesday 29 September 2009

ARIMAHA BULSHADA:UJEEDOOYINKA GUURKA

ARIMAHA BULSHADA: UJEEDOOYINKA GUURKA

FAAIDA GUURKA

1- GUURKA

(Waxyaabaha Ilaahay awooddiisa iyo inuu keligiis in la caabbudo mudan yahay tusinaya” waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacaltooyo iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado “lagu waana qaato” u tahay qolo fekeraysa) (Ar-Ruum: 21).

Thowbaan (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:(Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweenay mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmaysa).

Ereyga Guur, luqad ahaan waxa loola jeedaa shay inta meel laga raro meel kale loo raro. Waa ta ay reerku guuraan, waana ta kolka jarta ama godagodowga, iwm, la ciyaarayo, dhagaxana meel laga rarayo oo meel kale loo rarayo la yiraahdo waa la guurayaa. Sidaas darteed, gabadha waxa laga guuriyaa guriga waalidkeed, waxana loo guuriyaa ama loo gelbiyaa guriga ninkii xirtay ama xalaalaystay.

Shareecada Islaamka kolka laga eego, guurku waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo isku lifaaqan. Qaybta hore oo ah meherka waxa weeye in gabadha lagu nikaaxo ama lagu xiro loona xalaaleeyo nin geeya oo guur u qabto, sharci nikaaxeeda ka reebayaana aanu jirin. Qaybta labaad ee guurku waxa weeye in gabadhii la nikaaxay ninkii lagu nikaaxay loo guri geeyo ama loo aqalgeliyo ama loo gelbiyo amaba loo dhiso, hadba siday qolo waliba u taqaan. Haddaba guurku shareeco ahaan waxa weeye xalaalayn iyo guri geyn.

Guurku waxa weeye heshiis Aadane dhex mara kan ugu qiimi badan, sababtoo ah waxa uu khuseeyaa qofka laftiisa. Heshiiska labada qof ku dhex mara guurku kuma saabsana xoolo iyo umuuro adduunyo oo lagu heshiinayo, balse waxa uu labada ruux iskula xirayaa xarig kalgacayl iyo naxariis. Waxa uu sababaa ubad dhasha, wuxuuna xubnaha taranka ka ilaaliyaa galmada xaaraanta ah.

UJEEDDOOYINKA GUURKA

Eebbe Subaxaanahu wa-Tacaale markuu guurka jideynayay, wuxuu ka lahaa ulajeeddooyin gebi ahaanba maslaxadda addoomadiisa iyo danohooda u adeegaysa. Ujeeddooyinkaas waxaa kamid ah, kuwa soo socda:

1- Habaynta Isu-dhaxa:

(Dumarka wixii idiin dhadhamaya laba labo, saddex saddex iyo afar afar u guursada, haddaad ka baqdaan in aad garsoori weydaanna mid keliya guursada) (An-Nisaa’: 3).

Qoyska ka aasaasma guurka sharciga ah, rabitaankiisa waxa lagu habeeyay qaab xalaal ah iyo labada qofe isqaba oo markaas wixii uu Eebbe u qoray ku qanacsan. Sidaas buu mid waliba midka kale ugu raaxaystaa, rabitaankiisana qaab xalaal ah uga haqabtiraa.

Sidaas darteed, waxaynu Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) labadaba ku aragnaa qoraallo fara badan oo qofka inuu uursado ku boorrinaya.

Cabdullaahi Ibnu-Mascuud (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodaa ha guursado, maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u dhufays, kaan awoodinna ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee).

Aanas ibnu Maalik (RC) wuxuu isna Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)ka weriyay: (Guursada mid ninkeeda jecel oo dhalid badan, qiyaamaha ayaan isku kiin badinayaaye).

2- Dhawrista Faraca iyo nooca Aadanaha:

(Dadoow, ka baqa Rabbigii naf keliya “Aadan” idinka abuuray, iyadana lammaanteedii “Xaawo”ka abuuray, labadoodana rag fara badan iyo dumar ka baahiyay) (An-Nisaa’: 1).

Guurka iyo dhisidda qoysku waxay dhawraan nooca Aadanaha iyo faraciisa (tafiirtiisa), waana waddada keliya ee jiritaanka abuurka Aadanaha lagu ilaalin karo. Sidoo kale waa dariiqada qura ee ay dadku ku tarmaan, ilaa iyo inta uu Alle arlada iyo waxa dul saaran ka oofsanayo, taasi oo ah maalinta Aakhiro.

Qur’aanka kariimka ahi xikmaddaas bulshadeed iyo maslaxaddaas bani-aadannimo isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

(Alle wuxuu idiin sameeyay xaasas idinku nooc ah, xaasaskiinnana wuxuu idinka siiyay ubad iyo farac, wuxuuna idinku galladaystay irsaq wanaagsan, ee ma waxay rumaynaan been abuur“Ilaahyo aan jirin”, nicmadii Allena miyay ku gaaloobayaan) (An-Naxal: 72).

Ujeeddooyinka Ubad dhalista:

Ubad dhalistu waxay leedahay afar ujeeddo oo kala ah:

· Inaad ku doontid raallinimada Rabbi, maadaama aad gacan ka geysanaysid sidii ay tafiirta Aadanuhu usii socon lahayd.

· Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam), kol haddaad siduu tira badnida ummaddiisa maalinta Aakhiro ummadaha kale ugula tartami lahaa ku kaalmaynaysid.

· In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kolka aad dhimatid kuu soo duceeya.

· Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.

Diinta Islaamku way la dagaallantay baaderinimada (guurka oo laga caago), sababtoo ah baaderinnimadu waxay kahor imaanaysaa abuurka qofka Aadanaha ah, rabitaankiisa iyo dareenkiisa intaba. Sidaas darteed diinta Islaamku u oggolaan mayso qofka muslinka ahi inuu guur ka caago, isagoo uga jeeda inuu qof Alle caabbudis u go’ay noqdo, gaar ahaan hadduu qofka caynkaas ahi guur awoodi karayo.

Sacad ibnu Abii-Waqaas (RC) wuxuu yiri:(Rasuulku(Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam)Cismaan ibnu Madhcuun ayuu baaderinimo ka celiyay hadduu u oggolaan lahaana waynu is wada kormin (dhufaani) lahayn).

Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay: “Koox saddex nin ka kooban baa tagtay Aqalladii Xaasaska Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) iyagoo sida uu Alle u caabbudo ka waraysanaya. Kolkay uga sheekeeyeen bay “cibaadadiisa” yaraysteen. Markaas bay dheheen: (Annaga iyo isaga “Nabiga” maxaa isaga kaaya dan ah Alle ayaaba dembigiisa mid hore iyo mid dambe intaba u dhaafay eh). Mid baa markaas yiri: (Anigu habeenkii oo dhan baan tukanayaa). Mid kale wuxu yiri: (Anigu weligayba waan soomanaanayaa mana afurayo). Kii kale baa isna yiri: (Anigu dumar waan ka caagayaa oo weligay guursan maayo). Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa markaas intuu “nimankii” u yimid, ku yiri: (Ma adinkaa sidaas iyo sidaas yiri?. Ilaah baan ku dhaartaye anigaa idiinku Alle-ka-cabsi badan, idiinkuna dhowrsanaan badan, ha yeeshee waan soomaa waanan afuraa, waan tukadaa waanan seexdaa, dumarkana waan guursadaa, ee qofkii sunnadayda ka leexdaa igamid ma aha).

3- Dhawrista Abtirsiimada iyo Qaraabo xiriirinta:

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Abtirsiimadiinna ka barta qaddar aad qaraabadiinna ku xiriirisaan).

Kolka guur dhoco ayuu qoys dhismaa, kolka uu qoys dhismo bayna bulsho dhisantaa, abtirsiimana la bartaa.

Abtirsiimo barashadu milanka iyo maldahaadda ayay bulshada ka dhawrtaa. Waxa kaloo lagu xiriiriyaa qaraabada, laguna gacan qabtaa xigtada, sidaas bayna bulshadu ku xoogaysataa, iskuna gargaartaa, iskuna kaashataa.

Guurka Alle jideeyay waxa weeye ka ay sababtiisa ubadku ugu abtirsadaan uguna faanaan aabbeyaashood, taasi oo Aadanaha xag degganaan nafsiyadeed iyo xag gobannimo intaba ahmiyad weyn ugu leh. Haddii aanu guur jirin bulshadu waxay la liici lahayd ubad aan karaamo iyo dadnimo lahayn, cid ay ku abtirsadaanna la arag, taasi oo markaas dhantaalaysa dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan, baahinaysana akhlaaq xumida iyo dullinimada.

4- Ilaalinta isku duubnida Bulshada:

(Calaamadihiisa “awooddiisa iyo inu keligiis in la caabbudo mudan yahay tusinaya” waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna idin dhex dhigay kalgacaltooyo iyo naxariis, dhab ahaantii taasi waxay calaamado “lagu waana qaato” u tahay qolo fekeraysa)(Ar-Ruum: 21).

Cabdullaahi Ibnu-Cumar (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) oo leh: (Ninku wuxu mas’uul ka yahay reerkiisa, waana la weydiinayaa wixii loo dhiibay. Naagtu waxay mas’uul ka tahay aqalka ninkeeda iyo ubadkiisa, waana la weydiinayaa wixii loo dhiibay).

Guurka waxaa ku adkaada, kuna xididdaysta isjacaylka iyo isu naxariisashada labada is-guursaday, qaraabada, ubadka iyo guud ahaan Bulshada.

Labada qofe qoyska wada dhistay waxay iska kaashadaan dhismaha qoyskooda iyo barbaarinta ubadkooda, iyagoo barbaarintaas saldhig uga dhigaya diinta Islaamka. Labada qof way is dhammays-tiraan, mid walibana wuxu hawsha ka qabtaa halka kaga aaddan, taas oo ku xiran hadba takhasuskiisa iyo kartidiisa jireed.

Haweenaydu waxay qabataa hawlaha ay takhasuska u leedahay iyo shaqooyinka samayskeeda dumarnimo waafaqsan sida; maaraynta guriga, barbaarinta ubadka, iwm. Waxay qoyska u diyaarisaa raashin bisil, biyo qaboow iyo dhar nadiif ah.

Ninku isagu wuxuu qabtaa hawlaha u gaarka ahe ragannimadiisa waafaqsan sida; mas’uuliyadda guud ee qoyska, qabashada shaqooyinka culculus iyo xag dhaqaale ka daryeelka qoyska.

Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood waddada toosan ku barbaarisid, iwm. Arrimahaas oo dhami ujeeddooyinka guurka ayay kamid yihiin, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo.

Ninku kolka uu fiidkii isagoo daallan shaqo ka yimaado, uuna ehelkiisa iyo ubadkiisa aqalka kula kulmo, wuxuu halkaas ku illaawaa wixii maalinkaas dhib soo qabsaday, waxana uga baaba’a daalkii wareerka adduunyada iyo irsaq raadinta kasoo qabsaday. Haweenayda oo iyana maalintaas oo dhan hawl adduunyo iyo aqal agaasimid ku jirtay, kolka ay saygeeda fiidkii la kulanto, gacma furanna kusoo dhowayso, daalkii iyo iska daba wareeggii halkaas bay uga haraan. Sidaas buu mid waliba kan kale hooskiisa raaxa guur iyo degganaan nafsiyadeed uga helaa.

Ninka oo ka xorooba agaasinka guriga sida; hagaajintiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo.

Haddaba dumarka in dunida lagula raaxaysto, carruurna laga daadiyo oo qura looma guursado, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay ninka u abuuraan waqti iyo jawi uu Eebbe ku caabbudo, danihiisa gaarka ahna ku qabsado.

5-Dhufays Shaydaan laga galo:

Ibnu-Mascuud (RC) wuxuu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyey inu yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii guur awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u dhufays, kaan awoodina ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee).

Guurku waxa uu kaa oodaa meelihii uu Shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa iyagoo xalaal ah rugtaada kuu yaallaan. Qofku haddaanu Alle-ka-cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa ayaa hor kaca, haddii markaas aanu guur xalaal ah helin, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.

Tirmidi (3094), Ibnu-Maaja (1856)

Bukhaari (1905, 5065, 5066), Muslim (1400/1), Abuu-Daa’uud (2046).

Abuu-Daa’uud (2050), Nasaa’i (3227), Ibnu-Xibbaan (4045).

Bukhaari (5073, 4074), Muslim (1402), Ibnu-Xibbaan (1848).

Bukhaari (5063), Muslim (1401/5). Ereyadii Bukhaari.

Tirmidi (1979).

Bukhaari (893, 5188), Muslim (1829/20).

Tirmidi (3094), Ibnu-Maaja (1856).

Bukhaari (1905, 5065, 5066), Muslim (1400/1).

No comments:

Post a Comment