Monday 21 September 2009

Farxadda Ciidka Saeed Hussein

Farxadda Ciidka Saeed Hussein

Farxadda Ciidka

Farxadda Ciidka

Ciidal fidriga:Waa Ciidka Maalinta Muslimiintu dhamaystaan Bisha Ramadaan oo ay soo gebagebeeyaan Soonkii Bisha Ramadaan,waa farxad qofku ku faraxsan yahay Soonkii uu soo gutay oo uu Alle ugu shugri iyo mahadnaqayo inuu ku guuleeyey inuu u guto si wanaagsan oo uu ajar iyo derejo sare Alle ka filayo.

Ciidku waa Maalin qiimo badan oo Illaahay subxaana watacaalaa siiyey Ummadda Muslimiinta ah inay farxaan oo niyadda gashadaan inay abbaalgud fiican heli doonaan.

Maalinta Ciidka waxay Muslimiintu gutaan Salaadda Ciidka markay Qorraxdu soo baxdo ilaa 15 daqiiqo ka dib,Salaadda ka dib waxay is weydaarsadaan isu hambalyayn iyo duco,waxanay soo siyaartaan Ehelada iyo Qoysaska Silatu riximku ka dhexeeyo,sidoo kale Asxaabta iyo Saaxiibbada ,waxay dadku isweydaarsadaan booqashada iyo siyaarooyinka Jiiraanka ooy isa soo salaamaan farxadda Ciidka ooy wadaagaan dareenka farxadeed iyo barakada maalintu leedahay.

Waxa fiican in Qofku ku bilaabo cuntada aroortii hore dhawr xabbo oo Timir ah ama keegga ciidka,ka dib waa inuu guda galaa isu diyaarinta Salaadda ciid iyo Farxadda ciidka.

Sakada Fidriga:Waxa qof kasta oo Muslin ah oo haysta Quudka maalintaa uu cunayo ha yaraado ama ha weynaado’e ku waajib ah inuu bixiyo Sakada Fidriga taas oo Salaadda horteeda ay tahay in la bixiyo,waana bannaan tahay Maalin ama Laba maalmood ka hor ciidka in la bixin karo sida Culimadu sheegeen.
Fariin Ciid
Farxad qiima badanoo

Feedhaha guntoodiyo

Fogaanteedu dheertay

Fasirkeedu wacanyahay

Faalladeedu badan tahay

Fahankeedu door yahay

Fidiyoo hawada iyo

Fiilooyinkaa wax kala wada

Finiinkeeda raacsii

Foolkeed adayska leh

Foorwaardhna siiyoo

Fireenada kalee badan

Fursad kale u siiyee

Fariin khayr leh iga hoo

Farxadda ciidku leeyiyo

Filo ajarka badanoo

Fardawsiyo jannada sare

Farxad aan dhamaan iyo

Fursad Eebbe kula rabo

Faraskaagu ha ku dego

Faanku waa nasiibkee

Fiyoonaanta camalkiyo

Firroonaanta doorka ah

Faylka derejo kuu qoran

Fidh inuu ahaadoo

Fayo qabo jeclaannoo

Filashada wanaagga ah

Foolaadin khayrka ah

Fiid iyo Aroortii

Ficil kastoo yimaadaba

Fulintiisa meelee

Farshaxankiisa qaabee

Fari kama qodnaatee

Firfircoonidaaduna

Feejignaanta yay gabin

Farxad weeye manatee

Fagaaraha is keenoo

Fidrigayska bixiyoo

Fidiyoo salaamaha

Farxadaha ka qayb gala

Fariin kalena iga hoo

Ha furfurin dadaalkii

Fasax haysa siinoo

Falahsi yaanu imanine

Farahaa ku hay oo

Ku sii fara adaygoo

Faylkii cibaadada

Feejignaan u gudo oo

Fursadi yaanay kaa lumen

Filo inaynnu safarkaa

Fiidka dhow ka fulaynnoo

La faydaayo dunidoo

Faahfaahin camallada

Fasirkeedu ifayoo

Farxaddaadu joogtiyo

Fidh ha kuu ahaatee

Fidso adigu khayrkoo

Ciidka waynu faraxnee

Casha kasta farxaan noqo

Farxadaha ka qayb gala

Farxadaha ka qayb gala.

Ciid wanaagsan Sannad kasta ku waar Khayr iyo Wanaag,Alle ha kuu barakeeyo xooggaaga,xeeshaada iyo xoolahaaga,Aamiin If & Aakhiro Ixsaan mudo Aamiin Aamiin Aamiin.
As/w/w

No comments:

Post a Comment