Monday 21 September 2009

Somaliland mar haddii siyaasiyinteeni caqliga laga xaday, maxaynu filanaa?

Somaliland mar haddii siyaasiyinteeni caqliga laga xaday, maxaynu filanaa?

Somaliland mar haddii siyaasiyinteeni caqliga laga xaday, maxaynu filanaa?

sl
Hillary Clinton intii aanay Africa tagin waxay hadal ka jeedisay maqam(lodge) arinkeenu horyaalay oo la yidhaa Council On Foreign Relations(secret society). Waxa laga dooday sida ay ku dhacday in aynu samayasano, qaran xor ka ah beesha-calamka oo maddax banaan, oo kelidii taagan, kuna dhaw in uu shiiqiyo wadamada deriska la ah. Waxa kale oo laga dooday, sobabta dhaqankeenu uga xoog batay NGO iyo al-Qacida.

Hillary Clinton waxay hadalkeeda ku tidhi iyada oo difaacaysa wax loogu yeedhay, ‘her foreign policy credentials’’, hadaan sangaabta soo qabto sidan hoos ku qoran
“No nation can meet the world’s challenges alone. The issues are too complex. Too many players are competing for influence, from rising powers to corporations; from NGOs to al-Qaida.”

Waxa hadalkeeda ku cad in NGO-ga iyo al-Qacida tartan ugu jiraan dhulka somalida. Waxa labadan urur toos u maal geliya Beesha-calamka.

NGO-ga iyo al-Qacida waa waxay dadkeenii hore odhan jireen Huwan (secret society), oo ah, waxaa ay huwan yihiin, waxa ku lid ah ayey ku hawlan yihiin. Tusaale ahaan, waxa diiwan-gelinta inaga caawisay sida inag dhaadhacsan Inter-peace. Magac hayadani waa duurxul(esoteric; intelligible only to those with special knowledge), waana laba erey oo ah, ‘inter; bury (aas), peace; calm (degenaasho ama nabad) markaa, micnaha inter-peace waa aas nabada. Ururadan huwanta ee NGO iyo al-Qacida halkudhegoodu waa seddexdan erey ee Latin-ka ah ‘ordo ae chaos’ (order to chaos) oo ah ‘kala-danbeyntu in ay isku yaacdo’, qoys iyo qaranba. Waxaa ay ku shaqeeyaan, waa wixii uu jinku akhriyi jiray waqtigii Nebi Suleyman(caleyhi salam). Nebi Suleyman caabud Eebe ayuu ahaa, sida Eebe(SWT) Quranka inoogu sheegay.

Maanta dadka ina hor-boodaya oo qaar sheegtaan siyaasi, qaarna wadaado, waxa wax baray(caqliga ka xaday = brainwash; implant lies into(person) by repetition) beesha-calamka. Waxa qofkii wax-garad ah u muuqata, in ay yihiin waxa ay dadkeenii hore odhan jireen ‘Dayro’ (premonition; forewarning about something just around the corner, something that usually unpleasant. It may be a national crisis). Waana kuwaa kala garan la, waxa uu Qaranku u taagan yahay iyo waxa ay Dawladu u taagan tahay, ee inta ay soo hor keceen dadkii garashadoodu liidatay ee xabada ahaa, ay sida arxan darada ah ugu garaaceen ciidankii nabad-gelyada dhagaxa. Cid ay wax ka maqlayaan ma jirto oon beesha-calamka ahayn. Nin qalbi la, Quran kii u dhigay, qaaf dheh ku haraad, Timacde (Eebe ha u naxariisto).

Islan da’ah oo Camabaro la odhan jiray(Eebe ha u naxriisto), ayaa marka lugu yidhaa , Cambaro iska waran? Ayaa waxay ku jawaabi jirtay , eedo, laba ilig ayaa afkayga ku hadhay, markaa waa Eebe mahadii intay kulmayaan. Maanta Somaliland waxa xalkeeda haya Xaaji Cabdi Xusen iyo Sh. Axamed Nux (Eebe raali haka noqee) iyo Guurtida inta aan school-ka iyo jaamacadah gelin ee sheekh leh. Dadkani waa dad maankoodu xor yahay oon caqliga loo sidin sida mutacalimka aan sheekh lahayn, iyaga ayaa nasteex ah oo inaga naxaya, waana wax-garadkii xoreeyey ee dhisay qaranka Jumhuriyad Somaliland ee gobta ah. Waxa dadnimadeenu ku jirtaa in aynu ku dayano dadkaa gobta ah iyo culimaddeenii waaweyneyd, sida, Xaaji Dahir, Sh. Cumar Warafaa, Sh. Muxumed Warsame, Sh. Muxumed Gabobe, Sh. Muxumed Raage, Sh.Cege Axmed, Sufi Nuriye, Aw duceye, Sh.Cali Jawhar,Sh Cabdi Raxaman Gadhyogol, Sh.Cumar Xaraf, Sh.Sancani, Sh. Bashir, Xaaj Aden Afqaloc,Sh.Maxamed Rabici(Eebe raali haka noqdo dhamaantood). Waa in aynu ku dayanaa dadkaa milgaha leh, ee iyaguna isyaqaan Eebena yaqaan, oo ubadkeena tusaale looga dhigaa ( awrka hore awrka denbe ayuu sinqaad kiisa leeyahay). Mid-na ogow, in sida uu akhriga quranku jinka u gubo, ayaa shirka Gurtideenu uu beesha-calamka u gubaa.

Mar haddii ay beesha-caalamku ay wacyi diini ah iyo gabayadii ina Godane ay bisha Soon inooga baahisay BBC iyo VOA, oo aynu aaminay in ay deeq-bixiye yihiin.Markaa layaab ma laha , haddii Fircoon dhismayaal waaweyn taagay, oo dadkii ka dhaadhiciyey in uu ilaah yahay, iyaguna sidaa ku rumeeyeen.

Beesha-calamku waxay ku shaqaysaa cilmigii Fircoon, waxa ay jidka u xaadhayaan waa Dujal cawar, sida Nebigeene Muxamed(NNKH) uu inoo sheegay.

Daliilna waxa kuugu filan sawirkan hoos kuyaal, oo ah hal dollar oo Maraykan ah, haddii aad dhugashu leedahay.

Hoboladii Daleys (Eebe raali ha ka noqdee) ayaa ku heesi jirtay;

Maan gaabka taladiisu, waa maqane jooga
Waanadda ma qaatoo, wuu mala-maleeyaa
Maah maahdii dhaqankaan, murtidii kurebee
Ruuxii malasani, erey kama macaashee.

Habon Kalil
habon_2@hotmail.com

No comments:

Post a Comment