Saturday 26 September 2009

DIGNIIN SHACAB!’’ MAANSO…………..ABWAAN DAHIR SULDAAN

DIGNIIN SHACAB!’’ MAANSO…………..ABWAAN DAHIR SULDAAN

MAANSO

26 September, 2009

DIGNIIN SHACAB!’’

MAANSO…………..

ASCWW…guud ahaanba shacabka somaliland meel kastoo ay joogaa waan salaamayaa….. Kadib markaan arkay xaalada haatan wadanku marayo iyo qalalaasaha ka jira ee maanta la rabo in la baabi’iyo qaranimadii iyo midnimadii somaliland ayaan isku dayey inaan bal indha indheeyo xaalada shacabka iyadoo aan isku dayey bal inaan ka diyaariyo maanso ka turjumaysa xaalda shacabku ku suganyahay

iyo aaraadoodu siday u egtahay aanna ogaaday inay DIGNIIN U JEEDINAYAAN XISBIYADA IYO XUKUUMADA DHAMAAN KU LEGDAMAYA KURSIGA EE AAN EEGAYN DAN SHACBI

IYO MID DALBA….

Shacab daalan baannahay

Diiftimo xanuunkii

Dubihii sokeeyaha

Dawakhii ka soo maray

Daandaanki waki qaba

Dayaciyo dhibkuu maray

Dabandaabyadiisii

Hadda uun ka doogsaday

Doonimayno aafiyo

Marlabaad dagaal dhaca

Is dil labo walaalo ah

Dhiiig daata awgii

Iyadaanu nacab dilin

Qaxid uma diyaar nihin

Dulcad iyo daroor iyo

Dooonimayno dhagax-dheer

Dib ugu laabad keedoo

Daarahayga waaweyn

Duminmaayo maansoor

Dugsiyada tacliintiyo

Ma dayacayo barshada

Danyartaydu dhaxantiyo

Inay debeda aadaan

Darbiyada u hoydaan

Wallee kiina doonee

Isku daya inuu gubo

Dalkan maanta nabadda ah

Shacabkana dulmiya oo

Duudsiyo xaqoodii

darjaday lahaayeen

Daa’in kaan ku dhaartee

Dabinkuu isagu xidhay

Isagaa ku dubuq odhan

Dacalkale waxaan idhi

Ninka doolar qaatoow

Dabadhilif shisheeyoow

Dalkan ubax dilaaciyo

U eeg doogbaxaayee

Wali gaarin darajadii kumanaanka loo dilay

Haday tahay dantaaduba

Damacaagu uu yahay

Inaad qarankan dumisaa

Wuu diiday shacab kii

Maanta uma diyaar aha

Diradiraale maqalkiis

Nin waliba dantiisuu

Dacalkiisa raacdaaa

Waxba yaan ku daaline

Dulucdayda maan sada

Waxan uga danleeyahay

Daahir iyo axsaabtani

kursiga isku dilayoow

Tani waa digniin shacab

………………

Waxa iga dardaarana

Dadka aan ku leeyahay

Waar yaan laysku keen dirin

Duulyahaw baraaruga

Dib ha loo fekero oo

Ha la daayo nacasnimo

Dadku waa walaalee

Wax dantooda aan hayn

Xumo yaan kadaarsiin

Midna waa dul carar iyo

midyar iga dareensiis

Dadka dhiiga low kaca

Aawey dadnimadii???

Dareenkii shacbiga iyo

Damiirkeeni aawey??

Duqaydeeni aawey?

Dood wadaaga hadalkiyo

Deeqsiga ahaan jiray

Soowtan doolar gaaliyo

Kursi laysku dilayee

Deeq bixiyayaal iyo

Dad aynaan aqoonayn

Dalkeenii u baaba’ay

Damiir keeni aawey??

Isku dub nideeniyo

Dulqaad keeni aawey?

Dad jacaylkii aawey?

Aawey duxdii gacal

Dareenkii wadaninimo

Aawey dadnimadiii??

Waxa laysku dilayaa

Hada waa dalkeenii

Miyaan daawanaynaa

Doodi wxan ku soo xidhay

dadyoow toosa oo kaca

daa’in waxanbaryaayaa

isku duubni wada jira

dalkoo nabad ah EEBBOOW

nagu deeq barwaaqiyo

raxmad aan go’ayn oo

duugaabin abid keed…….

AAMIIIN ALAHAYOOW

Cudurdaar:

sxbba yaal kolay way dhici kartaa in maansadan aad ku aragtaan

waxooogaa khaladaad ah waan idinlka raali gelinayaa

dhamaantiin waad mahadsantiin

WAXA DIYAARIYEY ISLA MARKASNA CURIYEY

ABWAANKA DA’DA YAR EE

DAHIR ISMACIL WARSAME (DAHIR SULDAAN)

(SULDAANDAAHIR1991@HOTMAIL.COM

No comments:

Post a Comment