Friday 25 September 2009

BURCO: ROOBDOON SAAKA LOOGA DAREERAY GABI AHAANBA MAGAALADA BURCO

BURCO: ROOBDOON SAAKA LOOGA DAREERAY GABI AHAANBA MAGAALADA BURCO

Burco : Roobdoon Saaka looga dareeray Gebi ahaanba magaalada Burco.

Burco: Saaka abaaro 10:30am ayay Dhammaan dadka reer burcoiskugu soo baxeen roob doon Roob doontan saaka looga dareeray Burco ayaa Ahayd mid maalintii ciida laga iclaamiyey gebi ahaanba fagrayaashii lagu tukanayay iyadoo Roobdoonta saakala lagu Tukaday Garoonka weyn ee Kubadda Cagta ee magaalad Burco, Roob dontan ayaa ahayd mid ay dad farabadani kasoo qayb galeen dadkaas ayaa waxa jawigooda laga dareemayay siday baahida ugu qabaan Roobka waxaana ay ahaayeen kuwo isu duleynayay illahay SWT Roob doontan yaa waxaa kasoo qaybgalay culimaa udiinka magaalada qaar kamid ah, masuuliyiinta dowlada ee gobalka, Dhalinyaro, waayeel, dumar .
ruu
Waxaa ugu horayntii fagaarihii ilaahay lagu baryayay ka hadlay mid ka mida culimoudiinka gobolka isagoo halkaas ka soojeediyey hadalo ubadnaa duco isagoo illaahayna kabaryey inuu roob anfacleh siiyo isagoo ilaahay ka baryay inuu u ummadda u keeno roob lagu qaboobo, abaartana ka dulqaado, sheekhaasi kadib waxa halkaas hadalo duco iyo waano ba iskugu jirta ka jeediyay shiikh cali warsame oo ah culimada ugu waawayn Burco waxaana hadaladii sheekha ka mid ahaa “walaalayaal waxa inoogu wacan Roob la,aanta waxa weeyan danbiyo aynu ka galnay illahay SWT waxaana ugu waa wayn laba arimood oo kala ah
1:dad badan ayaa caaya illahay ,nabigisa maxamed scw iyo diintisa kuwaas waxaan odhan karnaa waa kuwa ugu waawayn ee la inagu ciqabayo waana arrimo aad u fool xun xun oo aynu ku kacno cid wax ka qabataana ma jirto waxaan odhan lahaa dadku ha iska daayaan waxyabaha ay ku mutaysanayaan ciqaabta illahay arinta labaadna waxay tahay ,salaad la,aanta oo uu nabigeenu yidhi qofka ka taga salaada waa gaal hadana waxa jira dad badan oo aan tukan salaada markaa walaalayal salaada ha lagu dadaalo oo ha la tukado” Hadaba waxa intaasi kadib lookacay Salaaddii Roobdoonta , markii labadii rakcadood ee saladda ahayd ee ilaahay lagu baryayay la tukadayna waxa dib u bilaabantay ducooyin iyadoo ugu danbayntiiNA ay dakii halkaasi ka dareereen.
roo
Sido kale waxa garoonka ku tukaday saalada roobdoonta ah oo joogay badhasaabka gobolka Togdheer jama abdilahi bin oo aan isagu wax hadal ah halkaas kasoojidin waxa kale oo halkaasi kusugnaa mayirka magaalad maxamud axmed xasan dhegolaab oo dadka kala qayb galay roobdoontan isna wax hadal ah kamuu jeedin halkaasi.
Markii Roobdoonta laga soo dareeray ayaa Durbadiiba waxa soo Da;ay Roob Dhibco waawayn leh isla markaasna Da’ayay Muddoo Kooban iyadoo illa iyo iminka ay daruurtii taagantahay lana fili karo Roob kale oo kii hore ka wayn soa Da’a, iyadoo Deegaanada U dhow magaalada Burcona ay Dul taagan yihiin Daruuro isla markaasna ay u muuqdaan dhul roobkii ku da’ayo balse warar Sugan ee deegaanadasi naga soo gaadhayaa anay jirin.
ro

Iskusoo wada duuboo waxaa maanta magaaladu ahayd mid siweyn looga dareemayo Roobdoonta, waxaana sidoo kale roobdoonta ka qaybqaatay carruur aad u yar yar oo ku lebisan khamiisyo iyo cumaamado, hadaba Roobdoontan saaka looga dareeray magaalada Burco ayaa kusoobeegmaysa xilli ay abaaro ba.,ani kajiraan somaliland walow ay jiraan meelo kamid ah gobalada togdheer Iyo Sool oo ay roobab yari kada,een balse iminka la filayo in Roobabkii Dib u soo curtaan Baryada ilaahay la baryay saaka Kadib.
ruuu

Repotered by:
abdilahi ali aided(raaxeeye)
Iyo
Jama abdi saed (coffee)

Burao Somaliland

No comments:

Post a Comment