Monday 21 September 2009

BURCO: wasiirka wershadaha Somaliland oo shalay xadhiga ka jaray Biriij Cusub oo shirkadda DAHABSHIIL ka samaysay Burco.

BURCO: wasiirka wershadaha Somaliland oo shalay xadhiga ka jaray Biriij Cusub oo shirkadda DAHABSHIIL ka samaysay Burco.

BURCO: wasiirka wershadaha Somaliland oo shalay xadhiga ka jaray Biriij Cusub oo shirkadda DAHABSHIIL ka samaysay Burco.
burco7
Burco: Waxaa shalay gelinkii hore salaadii ciida kadib xadhiga laga jaray Biriij cusub oo laga dhisay badhtanka magaalada Burco, Biriijkan cusub oo ay dhistay shirkadda xawaladda Dahabshiil ayaa loogu talo galay Lugta oo keliya ama dadka, balse aanu ahayn mid loogu talo galay baaburta, hadaba munaasibaddii furitaanka biriijkaasi ayaa lagu qabtay birijka hoostiiska iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyin culculus oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka wershadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle ,Badhasaabka Gobolka Jaamac C/laahi Biin, Maayarka magaalada Maxamud Axmed Xasan Dhego-laab, abwaanka caanka ee abwaan Hurre walanwal,maamulaha guud ee Gobolada bariga Somaliland Md: Nux Siciid Ducaale, suldaan Cisman Suldaan Cali madar,Sheek Yusuf cabdi cawad oo ka mid ah culimo udiinka magaalada Burco, masuuliyiin iyo madax kale oo fara badan iyo weliba saxafadda oo aan iyaduna meesha ka maqnayn.

Furitaankii xafladdan ayaa waxa lagu furay aayado quraana oo halkaasi ka akhriyey Sh.Yusuf Cabdi Cawed iyadoo quraanka kadibna lagu soo dhoweeyey mikirifoonka Maamulaha guud ee Gobolada Bari ee D/shiil Nuux Sicid Ducale, isagoo halkaasi mahadnaq ballaadhan uga jeediyey ilaaha u suurto geliyey hir gelinta Briijkan cusub. kadibna ka sheekeeyey waxyaabihii ku kelifay inay halkan ka sameeyaan Biriij dadku leeyaahy isla markaasna ay ku dul socon karaan dadku wakhtiyada roobabka, iyadoo Biriijkani uu ku yaallo meel biyo mareen ah dusheed meeshaas oo la yidhaa BIYO WADA (Ex-XAARWADA). hadaba waxa uu maamuluhu ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan noqotay inay biriij noocan ah u sameeyaan dadka kadib markii ay arkeen in dhiibaato badani soo gaadho dadka wakhtiyada uu toggani soconayo isla markaasna ay arkeen baahi badan oo loo qabo biriijkan, sido kale waxa uu maamuluhu sheegay in shirkaddoodu mar walba kow ka tahay wax kasta oo waddanka Horumarinaya isla markaasn ay ka qaybqaadatay hawlo bdan oo noocan ah isagoo sheegay in Biriijka labaad ee magaaladana uu dhaqaalihii u badnaa ka galay shirkadda Dahabshiil iyo indho deero.
Hadalka maamulaha kadib waxa munaasibadda kelmad kooban oo qiiro leh ka jeediyey,wasiirka ayaa ku ammaanay shacbiga reer burco iyo shirkadda Dahabshilba sida ay mar walba heegan uugu yihiin horumarinta dalkooda waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “waxaan ahay qurba joog in badan ka maqnaa dalka una soo hiloobay dalkiisa hooyo,waxan ku faraxsanahay sida shacbiga reer burco mar walba ugu heeganka yahay horumarka dalkooda iyo Gobolkooda” sido kale wuxu ugu baaqay wasiirku shacbiga reer Burco inaanay gacan siin cidda liddiga ku ah Nabadgeliyadooda.

Hadalka wasiirka kadib waxa munaasibadda ka hadlay maayarka magaalada Burco Maxud Axmed Xasan Dhego-laab isagoo maayarku mahad celiyey shirkadda isla markasna wax agu farxo ku tilmaamay horumarka ay mar walba kow ga ka tahay shirkadda DAHABSHIIL, Maayarka magaalada ayaa sheegay in ay wax ku dayasho mudan tahay Barnaamijyada Shirkadda Dahabshiil ay ka fuliso Gobolka iyo Guud ahaan dalkaba xilli walba.

waxana hadalkii maayarka kadib madasha ka hadlay oo mikiriifoonka lagu soo dhoweeyey abwaanka weyn ee caanka ah abwaan hure walanwal oo ah abwaan maad iyo qosol badan oo si weyn hadalkiisa iyo gabayadiisaba loo jecelyahay, abwaanka aya hadalkiisa ku bilaabay “Ciid wanaagsan Reer Burcooy, maalin wanaagsan, maalin roobaad, maalin khayr qabta, waad salaamantihiin marka hore, waxaan u gudbayaa mawqifka meesha yaalla, Gabayga horta markiiba lama soo dhuftee waxba dee laga yar horraysiiyaaye, ilaahay baa mahad leh marka hore waxa bogaadin iyo sharaf mudan oo reer burcoow sharaf mudan shirkadda Dahabshiil, waad garanaysaan Biyo wada oo maalintii ilahay soo geliyoba saddex maalmood iyo laba maalmood magaaladu kala xidhanan jirtey oo dadka iyo islamahuna carruurta beerka gashadaan oo yidhaahdaan Biyowadaa qaadaysa, haddii maanta aynu hadhsanayno waa sallaankaa Guudka marayee aan dhulkaba marayn shirkaddaa hirgelisay, shirkaddaas mahad iyo bogaadin leh, hadaba dawladda somaliland ee maantaa joogtaa maxay ku faani doontaa miyaanay iyadu marna kaasoo kale noo dhisaynin, Dawladdu Goormay noo dhisaysaa wax aanu ku bogaadino oo ku gabayno oo ku ammaano, waxaan u malaynayaa imminka siyaasad bay ku jirtaaye oo ay ku siijeedaaye markay soo jeesato ee ay hawlaha dhammayso markaasayno is daba gelin hawlaha” Abwaanka oohadlkiisa ku dheeraaday isl markaasna madasha ka tiriyey gabayo yar yar oo badan ayaa waxa uuu sheegay inay shirkaduhu yihiin wada shirkad haddana kala shirkad, isago ku so gebogebeeyey afaray yar kuna xigsiiyey kelmadii u danbaysay oo dadka aad uga qoslisay kelmadaas oo ahayd wa reer berbera iyo reer hargysoow dee wuxuun noo soo yara tuura, Abwaanka ayaa weedh kasta oo afkiisa ka soo baxda ay dadku sacab iyo mushxarada isugu darayeen.

hadaba waxa abwaanka kadib mikirofnka lagu soo dhoweeyey Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaanka ayaa hadalkiisa ku furtay Duco isagoo markii danbena mahadnaq ballaadhan iyo ammaanba u soo jeedieyey maalqabeenka shirkadda Dahabshiil Md: Maxamed Sicid Ducale, isagoo sheegay in dadka marka ilaahay wax siiyo ay laba mid noqdaan, mid kelidii wax qaata oo ku faanfaana oodadka dhib iyo imtixaan ugu geysta iyo mid dadka wax ugu tara, isagoo shirkadda iyo mulkiilaheedaba ugu duceeyey inu ilaahay u sii barakeeyo, suldaanka ayaa hambalyaynta shirkadda kadib jeediyey hadalo kulul waxana hadaladisi ka mid ahaa “maaha hadalkaygani siyaasad ee waxaan leeyahay marka xukuumad la dhiso xukumaddu dadka sharkiisa kama shaqaysee xukuumaddu dadka waxbay u tartaa waxay eegtaa bahidooda, waxay eegtaa meel walba maxaa yaalla, kama shaqayso intay dhib iyo maal geliso, waxa weeyey marka leeyahay dawladdu maxay qabatay iyo wax ha qabato mana aha siyaasad ee waxa weye waxa lagu xisaabtamayaa wixii dalkan iyo umaddan dadkii loo xilsaaray ay qabteen”
Suldanka aya ku booriyey masuuliyiintii dawladda u fadhidey madasha inay dadka hoos u eegaan isla markaasna waydiiyaan maxaynu u baahanahay halkaynu maanta dhagax dhigi karaynaa, halkaynu berri dhigi karaynaa, isagoo ku booriyey weliba in xika daka ay ka soo baxan “haddii aad xildhibaano tihin iyo haddii wasiiro tihiinba in xilka dadka aad u haysaan ka soo baxdaan isna waydiisan maxaa sixid u baahan” ayuu yidhi suldaanku.
Suladaanka oo isna khudbadiisa badankeedu ku jihaysnayd dhinaca dawladda isla markaana uu aad ugu canaantay hawlaha ay u hayan bulshada in aanay sidii loogu talo galay u gudan ee ay iyagu isku mashquuleen.

waxa mikirfoonka lagu soo dhoweyey suldaanka kadib Badhasaabka Gobolka Togdheer Jamac C/laahi Biin, waxanu hadalkiis aku bilaabay “Dahabshiil wuxu shaqada ka bilaabay halkaas aynu joogno,ISAGU WAA REER BURCO halkan ayuu ku dhashay,kudhaqday,kudhistay waana ilaahay mahaddii maanta wuxu noqday nin dalkiisii Gobolkiis magaaladiisii intaba wax tara, waxaan ugu mahadnaqaynaa indhihii uu ku arkay baahideena rasmiga ah, halkani horta waa tog, dix maahee waa tog gawaadhida waa ridda,dadka waa liqdaa, xoolo badan iyo dad badan baa ku waxyeeloobay,Ninka dadkiisa arka ilaahayna wuu arkaa,ninka dadkiisa u naxariista ilaahayna uu u naxariistaa xasanad na wuu shaqaysanayaa,siyaasiinta waa la maagaa,tijaarta waa la caayaa,dadka kale wax baa laga sheegaa lakin weli nin maxamed siciid hadal ama wax xun ku sheegaya xanna ha noqotee ma maqal, wanaagiisa iyo akhlaaqdiisa ayaa taasna keentay,waxtarkiisuna kan maaha uun kaa kalena (Biriijka 2aad Burco) wax badan buu ku lahaa oo wuu ugu lacagbadnaa waxase ugu sii lacag badnaa Dawladda Somaliland oo laba boqol iyo labaatan milyan bixisay”
Markii halkaa Khudbadii Guddoomiyuhu maraysay aya dadkii munaasibadda ka qaybgalay iyo kuwii ag joogayba ay mar qudha isku dareen qaylo iyo foori, iyadoo Guddomiyuhuna markaas ugu jawaabay dadkii qaylyayay “aniga qaylo iyo foori waxba igama qaado weligiinba qayliya ooooow, ooooooow” isagoo laftigiisu la qayliyey dhalinyartii ku fooryaysay,hadaba Guddomiyaha ayaa shirkaddan Dahabshiil iyo shirkadaha kaleba usoo jeediyey bal inay wax ka qabtaan oo dib dhisaan Biriij hore u dumay kaas oo dhexeeya Ceel Gooni iyo kaalinta cajab, isago weliba shirkadaha kale aad ugu adkeeyey dhisida biriijkaasi, tusaalena ay ka dhigtaan shirkadda la midka ah ee DAHABSHIIL.

Hadaba Munaasibadda xadhiga lagaga jarayay Biriijka cusub ayaa waxa halkaas xadhiga kaga jaray wasiirka wershedaha Somaliland AXMED CALI UBAXLE, isagoo markii xadhiga laga jarayna ay dul socdeen in cabaar oo ay xagga kale uga degeen wasiirka iyo masuulyiintii kale ee shirkadda iyo Gobolkuba.

Isku soo wada duuboo Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah u dhacday ayaa waxa ka mid ahaa waxyaabihi iga yaabiyey.

-canaantii suldaanku usoo jeediyey wasiirka iyo maamulka Gobolka oo aad u kululayd.
-Badhasaabkii Gobolka oo loogu danbaysiiyey khudbadaha laguna soo gebogebyey fadhigii iyagoo ay khudbadaha ka hor qaateen masuuliyin isaga darajo ahaan ka hooseya.
-Badhasaabka Gobolka oo la qayliyey dhalinyartii ku fooryaysay isla markaasna aanad moodaynba masuul xil u hayya ummad.

Mustafe Osman A/rahman
Burco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com
Mob: 2522, 4411480

No comments:

Post a Comment