Thursday 3 September 2009

WAXA LOO BAAHAN YAHAY RAKMADAANTA : TOOBADA HA LAGU DADAALO , SHEEKH SAKARIYE SALAFI

WAXA LOO BAAHAN YAHAY RAKMADAANTA : TOOBADA HA LAGU DADAALO , SHEEKH SAKARIYE SALAFI

Tawbada halagu dadaalo
Walalayaal waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa inuu inaga dhigo kuwa u toobad keena, hadaba Ilahay waxa uu inoo abuuray inaynu caabudno, cibaadadaana waxa kamida tawbada aynu Ilaahay u tawbad keenayno.

Walaalayaal Illaahay waxa uu ina amray hadaynu dambaabno oo ay inaga dhacdo macsiyo inaynu u noqono Ilaahay oo aynu ka toobad keeno siibashada Shaydaanka hadaba waxa aynu u baaha hanahay haday taasi sida tahay.

1.Tawbadu waa waajib kamida waajibaadka korkeena saaran Ilaahay waxa uu yidhi dhamaantiin mu'miniineey Ilaahay u noqda si aad u liibaantan.

2.Illaahay waxa uu inaga rabaa inaynaan yaraysan dambiga ama hayaraado ama hawaynaado waayo cida lacaasiyayaa waa Illahay dambigana ama hayaraado ama hawaynaadee Illaahay oo wayn ayuunbaa lacaasiyayaa marka waxa Rasuulkuna uu yidhi waxaan idiin kala digayaa inaad dambi yaraysataa waayo Ilaahay waxa uu u diray cida caasiyaysa malaa'ig daydayda oo dabadeeto Ilaahay ciqaabkiisa korkoda kusoo dajisa sida Xanuun Faqri Gaajo Baqo Cidlaw Duli jidhka ah ama nafta kaleba.

3.Waxa Illaahay hadaba uu inaga raba inaynaan is odhan waxad toobad keeni Beri Saadambe Sakuun Sadataal ee waxa larabaa inaynu markiiba ka noqono dambiga oo aynaan kusii nagaanin hadaynu samayno waxaa laynaga reebayo oo aynu kusii nagaano waxa inagu dhacaya ciqaab xaga Illaahay ka ahaata Walayaal Illaahay waxa uu leeyahay dhamaantiin ilaahay unoqda oo haku sii nagaanina kawada baxa hakunagaanina Illahayna waynidiisa eega oo fiiriya haduu idin qabto waydun caban oo waxay dun odhan Illaahayoow dib ii celi aan amarkaaga qaatee Illaahayna dib uma celinayo.

4.Walayaal waxa Illaahay uu inagu siinayaa hadaynu toobad keeno faa'iidooyin badan waxa ugu wayn kuwan hoos ku qoran.

1.waxa kamida in lagaaga dhaafayaa dambigaaga .

2.waxa kale oo Illaahay kuu siinayaa jano.

3.waxa Illaahay kugu siinayaa sharaf iyo wanaag.

4.waxa Illaahay noqonayaa mid raali kaa ah.

5.waxa Illaahay ku farxayaa tawbadaada kawaran qofka ka farxiya maalin maalmaha kamida saw isma odhanaysid adna ka farxi Illahay hadad ka farxiso toobad keento waxa Illahay kugu abaal marinayaa, inaanuu Illaahay kugu dulayn maalinta qiyaame.

6.waxa Illaahay kaa dhigayaa mid hanuun san oo isna dadka hanuuniya markaa walaal waxa Illahay kaadhigaya mid qabta shaqadii Nabiga.

6. walayaal waxaynu ku helaynaa tawbada khayr oo dhan Illahayna ka barya inuu inaga aqbalo tawbada.



Waxa is waydiin leh?

1.Qofka tawbad keenayaa muxuu ubaahan yahay waxa uu ubaahan inuu iska jiro in mar dambe uu ku noqdo macaasidii si loogu dami dhaafo waayo marka aynu tawbad keenayno waxay nu katagnay dambigii waxaynu rabnaa inaynu samayno khayr.

2.Wanaagyo inuu raaciyo sida inuu ka dheeraado saaxiibadiisii hore e uu lasamayn jiray macaasida.

3.Inuu Salaada badiyo Rasuulkuna waxa uu yidhi Salaada kuwa toobad keenaya waa tan la tukado barqada laba rakcadood.

4.Inuu sadaqo labaxo ama uu quudiyo masaakiin markaa walayaal aynu ku dadaalno tawbada Illahayna aynu waydiisano khayrka aduunka iyo ka aaakhiroba.

Wasalaamu Calaykum Waraxma Tulaahi Wabarakatuhu

Waxa diyaariyay:Sheekh Sakariye Cali Diiriye ( Sakariye Salafi)

No comments:

Post a Comment