Thursday 3 September 2009

MAGACA MAANSADA: YAA SULEEKHA CAASHAQAY? BY ABDI AHMED DIGALE

MAGACA MAANSADA: YAA SULEEKHA CAASHAQAY? BY ABDI AHMED DIGALE

Magaca maansada: yaa Suleekha caashaqay? By Abdi Ahmed Digale(Digale) .
Maansadan waxaan curiyey markay taariikhdu ahayd 23-08-09 waxaanay daba socotaa gabayadii siyaasadaysnaa ee hore loogu faafiyey mareegta wararka waxaana la’adeegsanaayey inta badan magaca Suleekha.waxaan akhriyey gabayo ay ragbadani isweydaarsadeen oo ninba meel wax ka eegayo kana faalooday,horena waxa loo yidhi ninba togba taagtii ayuu rogmadeeye bal ana maansadan gaaban ayaan ku darsaday ee ila eega.

Suugaanta waayadan, sahalaw ma faalayn
Siinka maanso kuma curin
Saqda dhexe masuuray, wuxu sabanku soo sido
Saadaala kuma odhan, saadanbe cirbaa jira
Suuldhabaalo waa hadal, saxna looma odhan karo
Sidi qabaxi kuma sama, sahandheer nin loo diray
Ana sahal umaan odhan, yaa suleekha caashay
Sababaa inkeentee, saaxiibayaal nabad

Afartaa sa’iyo waw, saldhig mawga dhigaytaa
Nin haduu sadcaaltago, sahan dheerna loo diro
Soonoqodka guuraha, sooni cagaha dhigo
Dhulku saacmaleeyiyo, saadanbe ma geedaa
Sawga roobmiyuu helay, sani loo waraystaa
Ana waxan la sarakacay, sakashaan ka furayaa
Yaa suleekha caashaqay?
Sodog yaa unoqon laba?

Sheekadan sirgacanee, suugaanta lagu qoray
Haday tahay sarbeeb dadan, saldhig looga dhigay gabadh
Ninwaliba siduu rabo, sirtu faalo kuma sama
Saaxiibadaydani, sadarada ku jiideen
Anigaa saluugee, noo saafa hadalada
Siday tahay u faalee, saxna noogu kala dhiga
Waatuma suleekhadu, ma soomaalilaanoo
Xusbiwaliba sarartii, saami loolan ugu jiro
Midna loo sadburiyoo, sacabkiina loo tumay
Kuwa kale sarseereen, sadki ay lahaayeen
Intna uu ka saratagay, sawe sawe lagu furayo
Duul wada siyaasadi, soomal haad ku noolyiin
Dadki saaxiga ah sadkii waa ladhacayiyo, saarlagu abuuraa
Inantani suleekhii, mayada sidida tidhi
Mise wiilal sahanaa, sakashuun la tiigsaday
Hada yaa sangaha wada, sooryaduna u dhawdahay
Yaa suleekha hanankara, sodohdii maxay tidhi
Saynlow libaaxuba, suda dhexe haduu galo
Saryantiyo ugaadhii, sagal fiid kusoo baxay
Saqdi dhexena oogsaday, sugun geel ku weeraray
Mici loo sameeyuu, seedaha ku jarayaa
Ragna kiisa sabaroonba, geenyada sakala xidhi

Hadii saban colaadeed, suudha qoriga laga tumo
Ninaan haysan saardhca, soofeeyo waramada
Ninkii saanad loorara, waligii saraynjiray
Raghaduu sangaa xidhay, sodon naag ku baayacayo
Inanuu sarkaal dhalo, sinta midhig u jiiftoo
Sadkii ay lahayd iyo, saygeedi lala sugay
Yidhi soomantaa ugub, sixir looma dayikaro
Isagaa sahwiyeyo, saadanbuun ino garan
Inantani suleekhana saligay ku jiiftioy, sabaday ku nooshahay
ninki hore u Saaciday, sidi ay ahaydiyo saymihii ka sooraray
Isaga sidiqin mudan, sodohduna ku raacdee
Nimaan qaalmo sogobya, sabadeeda sotubin
Saatirbaan u orinee yuu, suleekha faalayn
Aniguna sarbeeb dadan, waxba yaan ku saratigin
Marlabaad sanqadhiyee, sakashaa inoo fura
Su aashuna waxay tahay, waatuma suleekhadu?


By Digale
Pakistan Islamabad
Digaale_571@hotmail.com

No comments:

Post a Comment