Thursday 3 September 2009

FADLIGA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN WAXA IDIIN SOO DIYAARIYEY ZAKARIYE ISMAIL

FADLIGA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN WAXA IDIIN SOO DIYAARIYEY ZAKARIYE ISMAIL

Fadliga Bisha barakaysan ee Ramadan





Fadaaisha ay leedahay Bisha Ramadaan ma, aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaaishaas:

xikamta Rabbaanigaa waxaa kamid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, amaakinta, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u wayn oo ay uga soocantahay bilaha kale,waxaana kamid ah fadaaisha kuwa soo socoda:



1. Waa Bishii lasoo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Saamiwiga ah.



قال الله تعال
قال الله تعالى{ شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر





، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .



2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.




3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka




فعن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( الصلوات الخمس ، والجمعة إلى الجمعة ، ورمضان إلى رمضان ، مكفرات لما بينهن

إذا اجتنبت الكبائر ) رواه مسلم




Wuxuu tilmaamayaa Xdiithkan laga wariyay Abu-Hurayrah:”in Salaadaha shanta ah, jimco ilaa jimcada kale, ramadaan ilaa ramadaanka kale in ay dhaafayaan dunuubta yaryar haddii laga fogaado danbiyada waa weyn”.



4. Ruuxi Bishaan sooma, cibaado ku nooleeya, habeenki tukada maalintiina Quranka akhriya isagoo ajar iyo dambi dhaaf ka dalbaya Allah SW.waxaa loo dhaafaa dhammaan dambiyadiisii hore.




فعن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم
وقال ُ صلى الله عليه وسلم : من قام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه



4. Waaa Bsiha naarta layska xureeyo, habeen walba oo kamid ah Bishaan waxaa naarta laga xureeyaa kumanaan.




ففي حديث أبي هريرة رضي الله عنه : قال صلى الله عليه وسلم : ( وينادي مناد : يا باغي الخير أقبل ، ويا باغي الشر أقصر ، ولله عتقاء من النار وذلك كل ليلة




5. Bishaan waxaa la furaa dhammaan albaabada Jannada waxaana la xiraa kuwa Naarta, waxaa la Xabisaa Shayaadiinta.


تفتح فيه أبواب الجنة وتغلق أبواب النار


6. Qofka sooman malaa’ikta ayaa u ducayso una dambi dhaaf dalabto ilaa uu ka afurayo.



7. Waxaa ku jira Bishaan Habeenka Lay-latul-Qadarka ee ka kheyr badan Kun habeen.





{ لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ شَهْرٍ } قال تعالى :



و عن النبى صلى الله عليه و سلم انه قال لما حضر رمضان (( قد جاءكم شهر مبارك افترض عليكم صيامة تفتح فية ابوب الجنة و تُغلق فية أبواب الجحيم و تُغل فية الشياطين , فية ليلة خير من ألف شهر , من حُرم خيرها فقد حُرم )) ::: رواة أحمد و النسائى و البيهقى




8. Albaabada Jannada waxaa kamid ah Albaab layiraahdo Rayyaan, wuxuuna u gaaryahay dadka sooma, marki ay galaana waa la xiraa cid kalena ma gasho.





9. Soonku wuxuu u shafeecayaa ruuxa sooma maalinta qiyaamaha.



10.waa Bsiha Sabarka iyo dulqaadka,maxaa yeelayn qofka soomani wuxuu u dulqaadanayaa dhibaatada soonka gaajada iyo harraadka, nafsadiisa ayuu ka xabisayaa dhammaan waxyaabihii ay jaclayd , abaal marinta samirkuna waa jannada.




قال تعالى : { إنما يوفى الصابرون أجرهم بغير حساب } ( الزمر






10. Waa Bisha ducada iyo Alla baryiga qofkii Allaha S.W wax weydiistana wuu ka ajaabayaaa ducadiisa .






قال تعالى عقيب آيات الصيام : { وإذا سألك عبادي عني فإني قريب أجيب دعوة الداع إذا دعان } ( البقرة 186)
ر








وقال صلى الله عليه وسلم : ( ثلاثة لا ترد دعوتهم : الصائم حتى يفطر ، والإمام العادل ، ودعوة المظلوم ) رواه أحمد








Allaha S.W. wuxuu yiri marki adoomadaydu wax i waydiisanayaan waxaan ahay mid u dhow aqbala kan wax i waydiisanayo.Nabiguna c.s.w wuxuu yiri: “Sadex lama celiyo ducadooda, waa mustajaaba, ruuxa soomaan ilaa uu ka afuro,Imaamka Caadilka ah, iyo Ruuxa la dulmay ama madluumka ah”.



11. Soonka lasoomo bisha Ramadaan wuxuu u dhigmaa 10 bilood soonkood.



12. Dadka Muslimiinta ahi waxay dareemayaan in ay yihiin dad isku mid ah waxwalba wadaago kan hantida haysto iyo kan faqriga ahba, maadaama ay wada soomanyihiin.



13. Soonka waxaa ka dhalanaya raxmad iyo isu turid, maxaa yeelay kan wax haystaahi ama qaniga ahi wuxuu dareemayaa dhibaatada ay baahidu leedahay wuxuuna u naxariisanayaa kan faqiirka ah.



14. Waa bisha wax bixinta bisha sadaqada bisha la kaalmeeyo dadka tabaalaysan iyo masaakiinta.





و كان صلى الله عليه و سلم أجود الناس ، وكان أجود ما يكون في رمضان ، كان أجود بالخير من الريح المرسلة )) ::: متفق عليه ::: ، وقال صلى الله عليه وسلم : (( أفضل الصدقة في رمضان






15. Qofka sooman afkiisu waxuu ka udgoon badanyahay ilaah agtiisa miskiga ama catarka aadka u udgoon ee la yiraahdo Miskiga.







لقوله صلى الله عليه وسلم: (( لخلوف فم الصائم أطيب عند الله من ريح المسك)) البخاري.







16. Soonku waa gaashaanka iyo xijaabka Naarta.



وإن الصوم جنة ووقاية من النار





17. Bisha soon oo la cumraystaahi waxay u dhigantaa Xaj, adigoo xajiye oo kale ayay lamid tahay.




و قال الذى لا ينطق عن الهوى صلى الله عليه و سلم (( عمرة في رمضان تعدل حجة )) ::: أخرجه البخاري




18. Xasanaadka iyo ajarka waa lalaba jibbaaraa bishan, Salaadda Sunnada ahina waxay u dhigantaa Faradka (waajibka ah).



19. Qofki Maalin kaliya ilaah dartiis u soomo ilaah wuxuu ka fogaynayaa Naarta 70 sano, ama 100 sano.




وأن من صام يوما ً في سبيل الله باعد الله بذلك اليوم وجهه عن النار سبعين خريفاً ، وفي رواية مسيرة مائة عام . فما بالك بصيام يوم من أيام رمضان





20. Abaal marinta soonku waxay gaar u tahay Allaha S.W, isaga ayaana ka abaal marsiinayaa ruuxa soomo.



21. Qofka soomani laba mar ayuu farxaa, marki uu afuro iyo marki uu la kulmo Allah S.W.




للصائم فرحتان ، فرحة عند فطره وفرحة عند لقاء ربه




22. Alla wuxuu u dambi dhaafaa dadka sooman habeenka ugu dambaysa ee bisha.

Haddaba akhristoow adigoo mahadsan ka faaiidayso fursaddaan qaaliga ah, ma ogid in uu kusoo marayo soonkale ,ilaali wakhtigaada nidaami acmaashaada si aad uga faaiidaysatid bishan barakaysan ee Ramadaan, is xisaabi inta aan lagu xisaabin.



Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.



Akhristoo is weydii inta aadan seexan waxa kuu qabsoomay iyo sida aad uga faaiidaysatay wakhtigaadi:




1. Ma tukatay Salaadii laguugu lahaa? Maku dukatay jamaaco?

2. Ma dukatay Sunnooyin rawaatibta ahaa?

3. Ma akhrisay Quranka? Imisa jus ayad akhrisay?

4. Ma akhrisay adkaarta subaxa iyo galabki?

5. Ma afurisay ruux sooman?

6. Ma tukatay Salaadii Taraawiixda?

7. Wax ma sadaqaysatay maanta? Ruux dhibaataysan ma u gargargaartay? Qof miskiin ah ma caawisay?

8. Ma dadajisay afurka? Ma dib-dhigtay suxuurta?

9. Maku afurtay timir? Haddii aad waysay miyo?

10. Ma u yeeratay walaalo dhibaataysan si ay kuula afuraan?

11. Ilaah ma u toowbad keentay? Dambi dhaaf ma waydiisatay?.

12. Ma u ducaysay walaalaha Muslimiinta ah ee dolman? Kuwa dhibaataysan, kuwa xanuunsan?

13. Ma laazimtay dhaqanka iyo aadaabta Islaamka ee suuban?





Qore: Zakaria Ismail X.Nur



Email:zakarie_21@hotmail.com





No comments:

Post a Comment