Thursday 3 September 2009

WASIIRU DAWLAA ARIMAHA DIBADA ETHIOPIA ATO TEKEDE ALEMU OO KA SOO DAGAY GEGIDA DIYAARADAHA HAR

WASIIRU DAWLAA ARIMAHA DIBADA ETHIOPIA ATO TEKEDE ALEMU OO KA SOO DAGAY GEGIDA DIYAARADAHA HAR

Image and video hosting by TinyPic
Wasiiru Dawlaa armiaha Dibada Dalka Ethiopia Ato Dr Tekeda Alemu ayaa socdaal rasmi ah oo qaadan doona saddex maalmood ku yimid Somaliland.

Wasiirka ayaa maanta Hadhimadii ka soo dagay Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan kana soo dagaan ee Hargeisa International Airport isaga oo watay diyaarad khaas ah, Dr Tekeda Alemu ayaa mudada uu joogo dalka waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeelanayaa M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin , Wasiirka Khaarjiga md C/laahi Maxamed Ducaale , Shirgudoonka Labada Gole Md Salebaaan Maxamuud Aden Iyo Md C/raxman Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Md Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyah Xibiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Siilanyo
Iyo komishanka qaranka .

Wasiiru Dawlaa Ethiopia waxa ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeisa Xayn Wasiiro ah waxaana la filayaa in uu socdaalkiisu ku saabsan yahay sidii uu isugu soo jiidii lahaa dhinacyada Khilaafku ka dhaxeeyo ee Mucaaridka iyo Xisbiga Udub iyo Komishanka oo dhinac ah iyada todobaadadan u danbeeyey khilaafka Doorashada iyo Laalistii diiwan gelinta ka dhashay ay kor u sii kaceen xaraaraduna gaadhay meel sare.

Se wasaarada Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland ayaa iyadu ku sheegtay Socdaalka Wasiiru Dawlaa Ethiopia mid ka mid xidhiidhkii iyo kulmadii joogtada ahaa ee awlba dhici jiray dhex mari jirayna labada dhinac, waa Somaliland iyo Ethiopia ee.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
Hargeisa

No comments:

Post a Comment