Thursday 3 September 2009

WARSAXAAFADEED RIYAALE OO KU QAABILAY QASRIGA MADAXTOOYADA WAFTIGII ETHIOPIA

WARSAXAAFADEED RIYAALE OO KU QAABILAY QASRIGA MADAXTOOYADA WAFTIGII ETHIOPIA

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland



Warsaxaafadeed



Tar: 19/08/2009



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda dawlada Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha dibadda mudane Dr Tekede Elemu oo booqasho rasmi ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiiru dawlaha Itoobiya, waxay ka wada hadleen arrimo khuseeya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin, xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqoto dhinaca ganacsiga iyo nabad-gelyadaba.

Waxa kale oo labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasadda, oo ay ugu weyn tahay doorashooyinka madaxtooyadda ee fooda inagu soo haysa iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic
Wasiiru dawlaha Itoobiya Dr Tekede Elemu, waxa uu carrabka ku dhutay in uu xukuumada iyo shacbiga Somaliland-ba ku hambalyeynaayo is bedelka weyn ee horumarka ah ee dalku ku talaabsaday tan iyo booqashadiisii ugu dambaysey ee uu Somaliland ku yimi sannadkii 2006-dii, isagoo cadeeyey mar walba Itoobiya inay ka go’an tahay inay taageere buuxda siiso geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Image and video hosting by TinyPic

Waftigaasi ka socda dawlada Itoobiya waxa ay maanta duhurnimadii ka soo degeen, dhabaha dayuuradaha ee Cigaal International airport iyagoo wata diyaarad khaas ah, waxana halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale, wasiirka arrimaha guddaha mudane C/Laahi Ismaaciil Ciro iyo wasiirka duulista hawadda mudane Cali Waran cade.

Waftigaai oo Somaliland joogi doona dhawr maalmood, waxa la filayaa inay kulamo kala duwan layeelan doonaan axsaabta qaranka, komishanka iyo hay’addo kale.





Alla Mahad leh





Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments:

Post a Comment