Thursday 3 September 2009

WAR DEG DEG AH: ISU SOO BAXAYADII AY KU BAAQEEN MUCAARIDKU OO KA BILAABMAY HARGEYSA

WAR DEG DEG AH: ISU SOO BAXAYADII AY KU BAAQEEN MUCAARIDKU OO KA BILAABMAY HARGEYSA

Isu soo bixii abid ugu balaadhnaa oo ka dhaca Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo ay soo qabanqaabiyeen si wada jir ah labada xisbi ee mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE ayaa maanta gigiley wadooyinka waaweeyn ee magaalada Hargeysa.

Ciidmada Bilayska ayaa Xidhay Beerta Xoriyada iyaga oo dhigay Ciidamo aad u fara badan halka wadooyinka soo galena ay baabuurta u diidayeen , Bilayska ayaa wadooyinka ka xidhay dhinaca Saldhiga DHexe maxakamada iyo dhinaca Hotel Maaweel, Ciidamda faraha badan ee Bilayska ah ayaan joojin Isku daygii mucaaridka ee in ay muujiyeen Diidmadooda sameeyaan Isu soo baxayo dadweyne.
Image and video hosting by TinyPic
Taageeryashaa labada Xisbi UCID iyo Kulmiye oo Kumanaan ah una socda Raabo raabo ayaa iska soo daba dhacayay iyaga oo bar kulankoodu ahaa Beerta Xoriyada , dadweynaha ka soo Qayb galay Isu soo baxan ayaa la kulmau xidhtaanka beerta Xoriyada markii ay ogaadeena waxay Fadhiisteen wadada ISmaaciil Coboli Road ee xaga danbe ka marta Saldhiga dhexe tagtna Maxakamadaa halkaas oo ay igu yimaadeen Masuulyiin ka tirsan labada XIsbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE.
Image and video hosting by TinyPic
Dadweynaha ayaa halkaa kaga dhawaaqay ereyo ay ku muujinayaan Ujeedadooda iyo waxay doonayaan waxayna ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah xukuumada iyagoo ugu baaqayay inay ka noqoto go’aankeeda waxaana halkaa kula hadlay Masuuliyiinta labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE Isu soo baxayaasha, ka dib waxa iyaga oo Qaybo ah ay u baxeen dhinaca Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye halkaas oo la isugu tagay.
Image and video hosting by TinyPic
Ciidamo Farabadan oo Bilays ah ayaa gaaf wareegaya magaalada iyo Goobahaas inkasta oo ay iska ilaalinayaan in isku dhac yimaado oo ay ilaa xad ka taxadirayaan labada dhinacba iyaga oo bilaysku aan la hadalyn banana baxayasha iyaga oo dusha uun kala socda dhaqdhaaqaqa ilaa iyo hadda wax dhibaato ahi ma jiraan .

Digniintii iyo amarkii Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha C/lahi Ciro ee xalay dadweynaha uga digay inay ka qayb qaataan banaanbaxaasi ayaan shaqayn dadweynuhuna aanay dheg u dhigin.

Warka oo faah faahsan kala soco iyo kolba halka xaal marayo Togaherer.com

No comments:

Post a Comment