Monday 7 September 2009

WARAR ISA SOO TARAAYA AYAA SHEEGAYA IN (SHIRIIF & AWAYS) AY FOOL KA FOOL U KULMI DOONAAN

WARAR ISA SOO TARAAYA AYAA SHEEGAYA IN (SHIRIIF & AWAYS) AY FOOL KA FOOL U KULMI DOONAAN

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya ilo wareedyo muhim ah oo ku sugan madaxtooyada Villa Somaliya ayaa sheegaya in dhawaan la qaban qaabinayo kulan foolka fool ah oo ay wada yeelan doonaan madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sh.Axmed iyo Hogaamiyaha Xisbiga Islaamiga Somaliyeed Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shaqsiyaad qadarin ku leh dhinacyada iska soo horjeeda iyo xubno wadaado ah ay ku jiraan dadaal dhex dhexaadin ah isla markaana meel wanaagsan ay wax u marayaan sida aan xogta ku helnay.

Afhayeenka Aqalka madaxtooyada Villa Somaliya Xuseen Xayle oo la hadlayay TV-ga Aljazeera ayaa sidoo kale xaqiijiyay macluumaadkan waxaana uu sheegay in laga yaabo maalmaha soo socda in ay si toos ah isku arkaan Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir.

Dawladda KMG ah ee Somaliya ayaa marar badan ku cel celisay in ay xiriir wanaagsan la leedahay Mucaaradka Xisbul Islaam iyadoona dhawaan ay sheegtay xubno kamid ahaa xisbigaasi in ay kusoo biireen, halka hore xubno muhim ah oo katirsanaa xisbul Islaam ay dawladda kaga mid noqdeen.

Axmed Kulan
Moqdisho

No comments:

Post a Comment