Monday 7 September 2009

HADAL-KAAN FIIRO LOO ODHAN IYO CAANA-HAAN FIIQSI LOO DHAMIN LABDU-BA FEEDHAHA BAY WAX YEELAAN.

HADAL-KAAN FIIRO LOO ODHAN IYO CAANA-HAAN FIIQSI LOO DHAMIN LABDU-BA FEEDHAHA BAY WAX YEELAAN.

HADAL-KAAN FIIRO LOO ODHAN IYO CAANA-HAAN FIIQSI LOO DHAMIN LABDU-BA FEEDHAHA BAY WAX YEELAAN.

HADAL-KAAN FIIRO LOO ODHAN IYO CAANA-HAAN FIIQSI LOO DHAMIN LABDU-BA FEEDHAHA BAY WAX YEELAAN!!!

Hadalka mucaaridka iyo ka ina CABDI GODANE wax faraq ah oo u dhexeeyaa ma jiro, waayo midna raali kama aha in la ictiraafo SOMALILAND, waxay ka siman yihiin, in aanu shaqayn, oo ay curyaamin ku samaeeyaan geedi socodka xukuumada, taas oo ay mar kasta abuuraan buuq iyo iska hor imaad lagu BANJA-RIYO si aan taayir u wareegin, haddii aanay caynkaas ahayn maxay wax walba ugu gacan saydhaan, ee ay u geliyaan muran, waxa la yaab leh weeye sida ay u jecel-yihiin in ay dhici-sawdo somaliland, sababta oo ah, yeeli-mayano in dib loo dhigo doorashada, ololi-hiina qaadi-mayno oo ma bilaabayno, waxa khaldan oo aan sax ahayna ha la ii tiriyo, marka ay suuro geli waydo-na isu soo kacaay aan gacanta afka gelyo iyo waxa aan loo fadhiyin, taas micna-heedu saw maaha XAMIIDO NINA WAY RABTAA MANA TAQAAN SIDDII AY ISUGU FADHIISIN LAHAYD, XOQOSHA-NA MA DAYSO iyo humbaalayn wax la soo huluuqo ah ciyi waa ka beryey,waxan maqlayaa oo dhega-hayga ku soo dhacaya durbaan xoog
loo garaacaayo oo ay u laba gamcoodi-yeen MUCAARIDKA IYO GOLAHA XILDHIBAANADU oo ay yeedhay WARAABOOW WAA HAL oo ay habar dugaag oo dhami ilkaha soo safaysa-nayaan siddii haraga iyo lafaha loo kala saari lahaa SOMALILAND oo qalaylka loogu liqi lahaa iyada oo aan daba la iska gaadhin, mase oga qolooyinka MUYUUSIGA tumayaa cawaaqibka ay lee-dahay mooshinka la sii turuntu-raynayaa ee la lee-yahay ha laga tuuro MADAX -WEYNHA IYO KU XIGEENKA, oo micna-heedu yahay dawladi ma jirto, maalin walba marmar-siiyo baa muska ii galay ay dabada ka wadaan rag ficil hayaa oo ku dhaartay in aanay jirin dawladi ama ay iyaku madax ka noqdaan, kuwaas oo isugu jira rag loo diiday xusbi oo xin awgiis u baabi'inaaya in ay wax kala socdaan, kuna noqday xadhig maran, diidan-na in uu raaf dhaqaajiyo, taabo-galana maamul aanay ku jirini IYAKU, KULMIYE+ UCID loo adeegsa-naayo burburka somaliland.

Waxa is biirsaday in alaale intii dulin la odhan jiray oo ay ka mid yihiin, gafane, dhibiiq, shilin gabaaray,dhibiijo, oo ay is kaasha-deen wixii iyana ku noolaa jidhka bini'aadamka sida takfida, kutaanta, jinac duulaanka, halaq iyo aba-guri, abees iyo intii xamaarato ahayd ee micidu maaroow-day, oo ay ku kala haliilaaya hilbaha somaliland ee la rabo la bilili-qaysto, ta maanta uu ku dhawaaqay FAYSAL CALI WARAABE iyana waa kaaf iyo kala dheerim uu yidhi mar kale dib looma dhigi karo doorshada, waxan odhan lahaa ina cali waraabe waxa UU MUSHARQAX U YAHAY XUSBIGA UICD, waa in uu gooni u ahaado XUSBI madax banaan oo iskii gooni u loola-maaya, waayo wuxu ku milmay KULMIYE, waxad moodaa in ay isku darsadeen, baarlamaan-kiina mijo xaabiyey oo imika u dhurtay XUSBI MUCAARID AH OO LA MAGAC BAXAY XUSBIGA XILDHIBAAN, dib dambana uma noqon doono gole sharci dejineed oo dhexdhe-xaad ah, oo way caday in ay noqdeen dhan iskaga baydh.

Nin kursi wado iyo awr-awr wadaa-toona kaama baydho ( naatgtii imika waxa bedelay kursi), hubsimo la'aan-tuna, iyo is madax marka aad wax isku qufusho dhibaata-deeda bay lee-dahay, waana ta keliftay in ay dhego la'aan siddii dib gadooday ay indhaha isku soo qabtaan oo soo jidhaan in mudo laabtan sano ah maamulkii inoo soo dhisnaa waa kakac oo waa ina wax kama jiraan, bogi, biyo col dhaanshay, markaas waxay ku rabaan iyo sida ay u doonayaan in madax weyne u noqdaan somaliland, haddii ay sii baabi'inayaan sidee bay u soconaysaa in ay u helaan kursiga ay ciirada kolba ay si is-kugu shuba-yaan, ee marba ay midab ula soo baxa-yaan hore, arinkani wuxu markhaati u yahay, mar kale in uu mucaaridku kolba wuxu maskax-diisa ku sawirto uu la soo koodhaa-dhaayo ee aanu lahayn wax cad oo ay ku murmaan, maanta markii uu KOMISHANKU yidhi dib baan u dhignay oo waan-waanta baan wakhti siinaynaa waxa ka baxaaya waad maqlaysaan baroor diiqda naxshaka saaran iyo
ba'ayeyda lala
taagan yahay dariiqyada lana maqashii-naayo shicibka ,iyo kolba soo dareerada ma guurtada noqotay.

*N.B DOCO-DOCAYN CIIL KAAGAMA TAGO, EE CADAALAD BAA CAYNAANO LEH.
ABDI-SHOTALY,
OODWEYNENEWS.COM

No comments:

Post a Comment