Monday 7 September 2009

WAFTI BALAADHAN OO UCID AH OO DHAWR CISHO KU MAQNAA S/ TOGDHEER (QAYLO DHAAN ABAAREED)

WAFTI BALAADHAN OO UCID AH OO DHAWR CISHO KU MAQNAA S/ TOGDHEER (QAYLO DHAAN ABAAREED)

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
ÍÒÈ ÇáÚÏÇáå æÇáÑÃÝÉ
___________________________________

Date, September 7, 2009


War-saxaafadeed

Wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo ay hoggaaminayso Guddoomiyaha Garabka Haweenka Qaaradda yurub ee Xisbiga UCID Caasha Xuseen Maraykan islamarkaana ay ku weheliyeen Guddoomiyaha heer Qaran ee haweenka Xalliimo Cismaan iyo Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada Heer Qaran ee xisbiga UCID Cabdiraxmaan cismaan jaamac oo kormeer shaqo oo qaatay shan cisho ku soo maray gabalada Sool, Sanaag iyo Togdheer wax soo saareen war-saxaafadeed ku aadan qaylo dhaan abaareed oo aanu u diray dhammaanba shacbiga , xukuumadda Gobeyaayasha iyo Ha;adaha Caalamiga ah inay gurmad deg-dega ka gaystaan xaaladda abaareed ee ku dhufatay deegaanadaas .
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag Waxa ka jirta abaar ba’an oo saammayn laxaad leh ku yeelatay nolosha dadka, xoolaha iyo deegaankaba ka dib markii abaaro ba’an iyo roob yaraan isbiirsaday ay ay ku habsadeen deegaamadaas

Waxyeelada abaartaa ba’an ee ku dhufatay goboladaasi waxay gaysatay dhimashada xoolaha nool , gaar’ahaan geela oo aan indhahayaga ku soo aragnay neefaf geel ah oo qalfookoodu wadhanyahay banka loo yaqaano ban- cade oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Baad iyo biyo yaraanta is-biirsatay ee ka taagan Gobollada Sool Sanaag iyo Togdheer waxay saamayn laxaad leh ku yeelatay nolosha dadka xoolo-dhaqatada ee ku nool deegaamada ay abaartu ku dhufatay kuwaas oo ku go’doonsan xaaladda xun ee la soo deristay islamarkaana aan awood u lahayn inay u hayaamaan gobollada kale ee dalka , maadaama dadka iyo xooluhuba aanay gale Karin safar masaafadiisu fogtahay .
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Hadaba xisbiga UCID waxa uu ugu baaqayaa shacbiga reer somaliland guda iyo debedba inay gurmad deg-dega la gaadhaan dadka reer Somaliland ee abaarta ba’an iyo xaaladda bani’aadannimo ee ku habsatay , kuwaas oo llaahay mooyee cid u maqani aanay jirin.

Xisbiga UCID waxa kale o uu baaq qaylo dhaammeed u dirayaa Xukuumadaa Axsaabta, Goleyaasha Baarlamaanka, Ganacsatadda, Hay’adaha samofalka ee caalamiga ah iyo beesha caalamkuba inay si dhakhso ah gurmad uga geystaan xaladda qallafsan ee soo waajahday deegaamadaas oo isu-bahdali karta inay horseedo xaallad aadanimmo oo aan hore u soo marin dhulka Somaliland.


Allaa Mahad Leh
Image and video hosting by TinyPic

Marwo Caasha Xuseen Maraykan
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Qaaradda yurub ee Xisbiga UCID

Yasmin Raygal
Xoghaynta Xisbiga UCID
Mobile 252-2-4427304
Tel Xafiiska Xarunta Dhexe
252-2-524326
Hargeysa - Somaliland

No comments:

Post a Comment