Saturday 5 September 2009

WAR-SAXAAFADEED XAFIISKA ABDI M . SALEIMAN (MINGSTE)

WAR-SAXAAFADEED XAFIISKA ABDI M . SALEIMAN (MINGSTE)

War- saxaafadeed
Xafiiska Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
5 Aug.2009

“hadalada ka soo yeedhay Go,laha Baarlamaanku Somaliland waxay la mid yihiin weerar lagu soo qaaday laguna burburinayo Dimuqraatiyadii iyo Qarannimada Somaliland”.

1. Ka dib markaan eegay xilliga laagu jiro oo ah Bishii RAMAADAAN ,oo ah Bisha xumaantana laga fogaado,khayrkana la badiyo.
2. Ka dib markaan si fiican u eegay DASTUURKA dalka qodobada sheegaya in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen dacwad lagu soo oogi karo.
3. Ka dib markaan arkay hadala kala duwan ee ka soo yeedhaya CADOWGA Somaliland xilligan hadda aynu joogno.
4. Ka dib markaan si fiican u eegay xaalada dhabta ah ee ka jirta GEESKA AFRIKA.
5. Ka dib markaan arkaay xilliga adag ee ABAAREED ee dalka iyo dadkuba ku sugan yihiin.
6. Ka dib markaan arkay xaalada isu diyaarinta DOORASHO OYINKA wadanka ka jiro.
7. Ka dib markaan arkay muranka SIYAASADEED ee dalka ka taagan xilligan.
8. Markaan arkay in aanay jirin Qodob ka mid ah Dastuurka dalk oo uu Madaxweynaha iyo Ku.Xigeenkiisu ay jebiyeen.



Markaan tixgeliyey dhamaan arimahaas aan kor ku soo sheegay iyo weliba qaar kale oo fara badan waxan u arkaa go,aanka ka soo baxay GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND MAANTA OO AY TAARIIKHDU TAHAY 05.09.2009,kuna saabsan DACWAD
KU SOO OOGID AMASE MAAMUUS KA XAYUUBINTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA :-


1. Waxaan u arkaa weerar ay iska kaashadeen cadowga reer Somaliland ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
2. Waxaan u arkaa in la tijaabinayo casharadii KENYA laga soo bartay.
3. Waxaan u arkaa dumin la duminayo Dimuqraatiyadii iyo nabad gelyadii ka jirtay Somaliland.
4. Waxaan u arkaa hadal la soo saaray xilli aan munaasib ahayn.
5. Waxaan u arkaa hadal aan ka duwanayn kuwii awelba khaldanaa ee ka soo bixi jiray G.Wakiilada.
6. Waxaan u arkaa in danta guud laga hormarinayo danta gaar .






TALO SOO JEEDIN:

1 HADDABA WAXAAN KULA TALINAYAA SHACABKA REER SOMALILAND EE GEESIYADA AH IN AY KA HORTAGAAN DUULAANKAA QAAWAN EE DIBADA IYO GUDAHABA LAGA SOO QAADAY DIMUQRAATIYADII AY SOMALILAND KU SOO NABAD IYO CAANO MAASHAY.

2 WAXAAN KU LA TALINAYAA SHACABKA SOMALILAND IN AY HORTAAGAAN CID KASTA OO AY U ARKAAN IN WAX U DHIMAYSO DALKA IYO DADKA.

3 WAA HABOON IN MAXKAMADA SARE AY SIDA UGU DHAQSAHA BADAN U SOO FARA GELISAA ARIMAHA SOCDA,MACNAYSANA SHARCIGA AY RAACAYAAN XILLIGAN GOLAHA WAKIILADU,SI AY UKALA BADBAADAAN SHACAB KA SOMALILAND.


4 GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND WAXAAN U SOO JEEDIN LAHAA IN AY XURMEEYAAN SHURUUCDA IYO SHACABKA REER SOMALILAND,HANA OGAADEEN IN AT TAARIIKHDU CADEYN DOONTO WIXII AY U QABTEEN SHACABKA SHARAFTA BADAN EE SOO DOORTAY.






MAHADSANIDIN
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment