Saturday 5 September 2009

DADKII EHELKOODA LAGU XASUUQAY QARXYADII HARGEISA OO BAAQ CULUS SOO SAARAY

DADKII EHELKOODA LAGU XASUUQAY QARXYADII HARGEISA OO BAAQ CULUS SOO SAARAY

Dadkii Ehelkooda Lagu Xasuuqay Qaraxyadii Hargeysa Oo Baaq Culus oo Ku Saabsan Fidnada Ahmed godane u Diraaya Mashaa'iikhda Iyo Culimada Waaweyn Ee Somaliland.

Ramadaan Kariim.......Waxa aan halakn ka salaamayaa Culimada iyo Mashaa'iikhda Qadarinta mudan ee reer Somalind, waxaan leeyahay waxa tihiin Maskaxdii, Indhihii iyo Aayihii Ummadda, waxa kale oo tihiin kuwa dadku Masayrkooda kula soo noqonayaan marka wax dhacaan. Maanta waxa muhiim iyo Xaq ah in aa hadashaan oo ka Hortagtaan Fidnada Ahmed Godane uu ku baaqayo... Haddii aanu nahay Dadkii dadkooda lagu xasuuqay Qaraxyaddii Hargeysa, waxaanu nahay Dulmanayaal Ubadkoodii, Waaalidkoodii iyo kuwii ay Jeclaayeen ay maalin cad dhegta-dhiiga u dareen kooxdan uu hogaaminaayo Dhagar-qabe Ahmed Godane. Dadkayaga dhiigoodii iyo dheecaankoodii wali halkii lagu laayey ay ka qoyanyiin, maanaan ka samrin, Cadaaladan lama horkeenin kuwii dadkayga xasuuqay, iyada oo taasi jirto haddana waxa wax laga naxo ah Gacan-ku-dhiigle Ahmed Godane oo sheegtay in uu ka danbeeyey Xasuuqii dadkayga in uu maantana soo diro baaq Fidno ah oo horkacaaya Xasuuq iyo dhibaato hor leh. Waxa iyana aan la qaadan karayn oo calool-xumo iyo Murug nagu haya Culimada iyo Mashaa'iida waaweyn ee Caanka ah ee Maalin walba Muxaadarooyinka ka akhriyaaya Masaajidada Hargeysa, Burco, Boorame, Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood ee aan canbaaraynaynin baaqan Dhiilada xambaarsan ee soo gudbiyey Ahmed Godane, waxaan culimada ku baraarujinayaa in Fidnada ay ka hortagaan......Culimadu ma waxa ay doonayaan in marka dadka la laayo ay maydkooda ku dul duceeyaan? Waxa jirta Odhaah ama maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda (Haddii Caamadu Is-layso Culimada ayaa kala Saarta....Haddiise Culimadu Is-layso Cadaab Alleh ayaa kala Saara). Ujeedadu waxa weeyaan haddii culimadu Afka-xidhato oo ka hortagi weydo Fidnada Ina-godane, Caamadu waa isku dareeraysaa, taas oo noqonaysan Aargoosi iyo ninkii Isku kaa qarxiyey iyo kii danbeeyey adna gurigooda isku qarxi.

By: Osman Abdillahi Sool oo wiil uu adeer u ahaa lagu dilay Qarxyadii Hargeysa ahna....Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment