Saturday 5 September 2009

WAR DEG DEG AH: XILDHIBAANO 36 AH OO MAANTA SOO QADIMAY MAAMUUS KA XAYUUBIN RIYAALE &KU XIGEENKIISA

WAR DEG DEG AH: XILDHIBAANO 36 AH OO MAANTA SOO QADIMAY MAAMUUS KA XAYUUBIN RIYAALE &KU XIGEENKIISA


Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta la hor keenay Mooshin Xil ka xayuubin ah oo lagu oogayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yusuf Yassn.


Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta la hor keenay Mooshin Xil ka xayuubin ah oo lagu oogayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yusuf Yassn.





Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), waxa madasha Golaha ka soo xaadiray 71 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.



Mooshinkan oo ay saxeexayn ku dhawaad 36 Mudane oo u badan mucaaradka ayaa ah mid la doonayo in xilka lagaga tuuro Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa.



Magacyada Xildhibaanada Keenay Mooshinka Xilka Xayuubinta.


1-Aadan Tarabi Oogle

2-Abubakar C/Raxmaan Good

3-Axmed Cabdi Kijaandhe

4-Axmed Ducaale Bulaale

5-Axmed Ibraahim Daahir

6-Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

7-Bashiir Xuseen Tukaale

8-C/Casiis Ismaaciil Ducaale

9-C/Raxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere)

10-C/Raxmaan Yuusuf Cartan

11-Cali Xasan Maxamed

12-Cali Yuusuf Axmed

13-Maxamed Cismaan Bulqaas

14-Cumar Axmed Sanweyne

15-Faarax Axmed Cabdulle

16-Xaashi Xuseen Caabi

17-Xariir Siciid Bulaale

18-Xamse Maxamed Gaadoweyne

19-Ibraahim Axmed Haybe

20-Ibraahim Jaamac Cali

21-Ibraahim Xuseen (Dhaadheere)

22- Jaamac Xasan Aadan

23- Maxamuud Axmed Obsiiye

24- Maxamuud Dhunkaal Tukaale

25- Prof. Maxamed Cumar Jiir

26- Maxamed Faarax Qabile

27- Maxamed Jaamac Cabdi

28- Maxamed Xuseen X Ciise

29- Maxamed Nuur Caraale (Duur)

30- Maxamed X. Yuusuf Axmed

31- Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi

32- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

33- Siciid Cilmi Rooble

34- Maxamed Jaamac Cali

35- C/Raxmaan Maxamed Talyanle

36- Mahdi Xuseen Caddarre

Sidoo kale Mudanayaal kale ayaa Keenay Mooshin kale oo isagana wax lagaga badalayo Xeer-hoosaadka golaha Wakiilada kaas oo ay soo saxeexayn Xildhibaano ka badan 30 Mudane oo isugu jira Mucaarad iyo Muxaafid

Geesta Kale saaka ayaa ciidamo Farabadan lagu soo daadiyey Xarunta Wakiilada iyada oo aad arkaysay ciidamo fara badan oo ay soo daabulayaan Baabuurta Bilayska sidoo kale waxaa xarunta Wakiilada Horteeda la dhigay baabuur badan oo Kuwa Bilayska ah iyo gawaadhida Shabaq laha la yidhaa ee maxaabiista lagu qaado waxaana Goobta Ku sugnaa Taliyaha Bilayska Col Maxamed Saqadhi Dubad Taliyaha Hawlgalinta Bilayska C/laahi Iimaan Fadal iyo Saraakiil kale.

Mo Yusuf
Hargeisa

No comments:

Post a Comment